Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Home
  • Maalinta boqorka: Feestada oranjada
Nederlaan waxaa doomanka maraaya biyaha saaran dad ay xiran yihiin dhar midabka oranjka ah.
Laga soo xigtay: Paula Abrahao / Flickr

Maalinta boqorka: Feestada oranjada

La shaaciyey: 4/15/2024, 12:00 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa sannad walba 27 abril Nederlaan ay u dabaaldegeysaa dhalashada boqorka Willem-Alexander. Maalinta feestada wadanka waxaa loo yaqaan Koningsdag. dadka badankooda shaqada waa laga fasaxaa. Halkan ayaad ka aqrineysaa sida maalinta Boqorka loo dabaaldego.

Habeenka ka horeeya Koningsdag waa feesto

Habeenka ka horeeya maalinta boqorka ayaa loo yaqaan Habeenka boqorka. Dad badan ayaa aada baararka ama maqaayada. Maqaayadaha qaar ayaa abaabula barnaamij ama ay imaanayaan fanaaniin iyo Dj-yada. Sannadkan Koningsnacht waa 26 abril 2024.

Waxaa familka boqorka ay booqanayaan maalinta Koningsdag magaalada Emmen

Sannad walba waxaa boqorka Willem-Alexander uu maalinta boqorka soo booqdaa magaalo ama tuulo Nederlaan ah. Taasi waxaa uu si wadajir ah u aadaan xaaskiisa boqorada Máxima, gabdhahiisa Amalia, Alexia iyo Ariane iyo dad kale oo reerka ka mid ah. Sannadkan 27 abril 2024 waxey aadayaan magaalada Emmen oo ku yaala gobolka Drenthe.

Dadka degan Emmen waxaa soo booqanaaya qoyska boqorka. Waxey tusayaan waxyaalaha quruxda leh ee magaalada iyo waxey abaabulaayaan ciyaaraha dhaqanka ee Nederlaan. Waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
NOS
ay ka soo deyneysaa telefishanka NPO1.

Maalinta boqorka degmadaada

Meela walba oo Nederlaan ah ayaa looga dabaaldegaa Maalinta boqorka. Tuulooyinka badankooda waxaa laga abaabulaa ciyaaro iyo kunsheertooyin. Dad badan ayaa xeranaaya dharka midabka oranjaha. Waayo midabka oranjaha waa midabka guriga boqortooyada ee Nederlaan. Dadka waxaa kaloo ay wajigooda ku mariyaan rinji calanka Nederlaan ah.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?