Dad jooga xaflada maalinta xonimada ee Haarlem.
Laga soo xigtay: Marcel van Leeuwen
Warar cusub
U dabaaldegida xornimada Maalinta Xornimada
La shaaciyey: 4/30/2024, 12:00 GH
Waxaa abaabulay:Astaanta 'Guddiga Qaranka 4 iyo 5 May'.

Waxaa 5 maajo ay tahay Maalinta Xornimada 'Bevrijdingsdag'. Maalintaasi waxey Nederlaan u dabaaldegeysaa dhamaadka dagaalkii 2aad ee Dunida ee Nederlaan 1945. Waxaa dadka la xasuusiyaa inaan xornimada mid iska jirtey aysan ahayn. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa sida Maalinta Xornimada loogu dabaaldego.

Waa maxay maalinta xorriyadda ee May 5?

Nederlaan waxaa Dagaalkii 2aad ee Dunida 5 sano heystay Jarmalka. Taasi waxey ahayd muddo aad u murugo badan oo saameyn xoogan ku yeelatay taariikhda Nederlaan. Wax ka badan 100.000 Yuhuuda ah ayaa la qabsaday oo la dilay. Taasi waxaa kaloo ay ku dhacday dadka laga badan yahay.

Iyadoo mahada ay leeyihiin wadamada la saaxiibka ahaa ay saxiixeen heshiis halkaasoo 5 maajo 1945 Jarmalka oo heystay wadanka laga xoreeyey Nederlaan. Halkaasi waxaa ku dhamaaday la heysashadii Nederlaan. Laga bilaabo waqtigaasi ayaa Nederlaan sannad walba loo dabaaldegaa 5 maajo Maalinta Xornimada.

Dad badan oo Nederlaan ayaa 5 maajo calanka banaanka sura. Calanka Nederlaan wuxuu astaan u yahay xornimada iyo madaxbanaanida Nederlaan. Sidaa awgeed ayaa calanka la suraa waqtiyada muhiimka ah ee qaranka.

Si wadajir wax loo cuno Cuntooyinka Xornimada

Waxaa kaloo jira khudbado, bandhigyo iyo dhaqdhaqaaqyo laga faa'iideysto si loo xuso xornimada iyo dimoqraadiga. Maalinta ornimada waxaa la kariyaa Cuntooyinka Xoriyada. Dadka wey isu imaadaan si ay wadajir wax u cunaan iyo oga hadlaan xornimada, dimoqraadiga iyo xaquuqda insaanka.

Cuntooyinka Xornimada 'Vrijheidsmaaltijden'waxaa laga helaa meelo kala duwan, sida xarumaha degmada iyo iskuulada. Qof walba ayaa ka qeyb qaadan kara. Adigana waad abaabuli kartaa Cuntooyinka Xornimada.

Guddiga wadaniga 4 iyo 5 maajo 'Nationaal Comité 4 en 5 mei'
Ka fiiri websaaytka 'Nationaal Comité 4 en 5 mei' warbixin dheeraad oo ku saabsan Cuntooyinka Xornimada.

Magaalooyinka waaweyn waxaad aadi kartaa Feestooyinka Xornimada

Waxaa magaalooyinka waaweyn abaabulaan Feestooyinka Xornimada oo muusig, ciyaaro iyo dabaadeg dhaqano kala duwan. Sannada walba waxaa jira Muusiga Nederlaanka "Safiirada Xornimada"kuwaasoo magaalooyin badan bandhigyo muusiga ah ka qabta. waxa 2024 ay yihiin: Wende Snijders, Son Mieux, Claude iyo Flemming. Waxey si wadajir dadka soo booqda u xasuustaan micnaha xornimada.

Gelitaanka xafladaha waa lacag la'aan. Cuntada iyo cabitaanka ee xafladahan lagu gado badiyaa keliya kaarka bangiga ayaa ku bixin kartaa. Badiyaa lama ogola inaad cunto iyo cabitaan aad u soo qaadato xarumaha xafladahan.

Halkan ayaa ka heleysaa feestooyinka Xornimada

Damaashaadka xoriyada ayaa lagu qabtaa Nederlaan oo dhan. Waxaad ka heli doontaa kuwa ugu weyn 14 ka magaalo ee hoose:

Noord-Holland

Het Vrije Westen - Amsterdam

Cultuurpark Westergasfabriek

12:00 - 23:00 saac

Lacag la'aan

Bevrijdingspop - Haarlem

Haarlemmerhout

12.00 - 0.00 uur

Lacag la'aan

Zuid-Holland

Bevrijdingsfestival - Den Haag

Malieveld

12.00 - 23.00 saac

Lacag la'aan

Bevrijdingsfestival Zuid-Holland - Rotterdam

Het Park (Euromast)

12.30 - 23.00 saac

Lacag la'aan

Utrecht

Bevrijdingsfestival - Utrecht

Park Transwijk

12.30 - 23.00 saac

Lacag la'aan

Groningen

Bevrijdingsfestival - Groningen

De Drafbaan

12.00 - 23.00 saac

Lacag la'aan

Flevoland

Bevrijdingsfestival Flevoland - Almere

Binnenstad Almere

13.00 - 23.00 saac

Lacag la'aan

Zeeland

Bevrijdingsfestival Zeeland - Vlissingen

Binnenstad Vlissingen

13.00 - 0.00 saac

Lacag la'aan

Noord-Brabant

Bevrijdingsfestival Brabant - Den Bosch

Pettelaarse Schans

12:30 - 23:00 saac

Lacag la'aan

Gelderland

Bevrijdingsfestival Gelderland - Wageningen

Binnenstad Wageningen

12.00 - 0.00 saac

Lacag la'aan

Overijssel

Bevrijdingsfestival Overijssel - Zwolle

Park de Wezenlanden

11.00 - 23.30 saac

Lacag la'aan

Limburg

Bevrijdingsfestival Limburg - Roermond

Binnenstad Roermond

12.00 - 0.00 saac

Lacag la'aan

Drenthe

Bevrijdingsfestival Drenthe - Assen

Fagaaraha xaflada Baggelhuizen

11.30 - 0.00 saac

Lacag la'aan

Friesland

Bevrijdingsfestival Friesland - Leeuwarden

Binnenstad Leeuwarden

13:00 - 23:00 saac

Lacag la'aan

Maxey kula tahay qodobkan?