Waxaa baaritaanka ka cadaaday in xeryaha ku meel gaarka ah aysan ka soo bixin nidaamka Yurubiyanka. Ma degan tahay xeryaha ku meel gaarka ah? Markaa la wadaag khibradaada baaritaanka dheeraadka ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN).
Xeryaha badankooda ma laha daryeel caafimaad ama daryeel nafsiga. Sidoo kale xeryaha badankooda ma laha ama wey ku yar yihiin qubeys ama muqsulo nadiif ah.
Ilaa barka xeryaha aan la soo booqday ma heysanin dadka degan meel u gaar ama meel degan oo ay seexdaan.
Xeryaha qaarkood dadka degan cunto yar, ama cunto aan tayadeeda fiicnayn ayaa la siinaayey.
Badiyaa xeryaha ku meel gaarka ah ma jiro dhaqdhaqaaqyo ay dadka degan ka qeyb qaadan karaan. Sida casharada luqada ama isboortiga.
Xaaladahan xun waxey dhaliyaan wel wel joogto ah, ayey sheegeen dadka degan badankooda. Sidoo kale waxaa sikuuritiga iyo maamaulka xerada dadka ula dhaqmaan si xun, sida ay sheegeen 35 boqolkii dadka degan.
Buuxunta liiska su'aalaha waxey suura gelinayaan in VWN ay baaritaan sameyn karaan oo xeryaha dejinta mudada ah. Sidaa ayaa VWN ku baarayaan xeryaha dejinta ee sharuudaha ka soo baxaaya iyo kuwa kale.
Natiijooyinka ayaa VWN tusaale ahaan ku suura gelinayaan in dadka mas'uulka ka ah dejinta iney nidaamka dhowraan.