
Waxaad kula joogi kara qof xerada magangelyada ilaa muddo gurigaaga
La wadaag baraha bulshada:
Ma heysataa guri kuu gaar ama qol dheeraad? Qof xerada magangelyada (AZC) ku jira, ayaa kula joogi kara. Qodobkan ayaa ka aqrin kartaa taasi sida ay u hawl gasho.
Qof ayaa ilaa muddo kula joogi kara xerada bedelkeeda
Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo iyo guri kuu gaar ah? Markaa waxaad xagga
Sidaa ayuu qofka kula soo joogaaya muddo uu reer ula soo joogaayaa bedelka xerada. Qofkaasi looma baahna inuu 3 biood shaqsi ahaan iska soo xaadiriyo COA
Waxaa jira 2qaab uu qof kuula joogi karo:
1. Waxaa dooranay inaad qof aad taqaano oo magangelyo weydiistay inuu kula joogo
Ma taqaanaa qof degan AZC iyo ma rabtaa inaad qofkaasi muddo kula dego? Markaa taasi waa suura gal. COA waxey leedahay nidaam la soo joogis taasoo dadka weydiistay sharci deganaansho magangelyo, ay 3 bilood ayey reerka ama asxaabta la soo joogi karaan. Qofkaasi aad taqaano ama reerkaaga ah wuxuu taasi ka abaabuli karaa xagga qofka la xariirkiisa ah COA. ka aqri linkiga hoose sida taasi u howl gasho.
Hadda muddo ayaad la soo joogi kartaa macaariifta haddii aad magangelyo weydiisatay
2. Waxaa kaloo kula joogi kara qof sharci deganaansho leh oo aadan aqoonin
Ma rabtaa qof aadan aqoon inuu kula joogo? Xagga TakeCarebnb ayaad ka noqoneysaa reer loo martiyo ee dadka heysta sharci deganaansho oo xerada ku sugaaya guri. Waxaad taasi iska qoreysaa TakeCareBnb. Ka dibna waxaad la hadleysaa qof ka tirsan TakeCarebnb
TakeCareBnb waxey raadinaayaan qof adiga kugu habboon. Muddo tijaabin oo ah weekend ama sabti iyo axad ka dib oo aad adiga iyo martigaaga fiirineysiin inaad is qaabileysiin, markaa ka dib 3 bilood ayaad wada degi kartaan. Qofkaasi ku caawinaayo ee xagga TakeCareBnb wuxuu mudada 3 daasi bilood kuu yahay qofka aad la xariirto iyo kaaga jawaaba su'aalahaaga iyo kan martiga.
Ma fiicnaan weydey la joogista 3 bilood dhexdeeda? Markaa TakeCareBnb waxaa suura gal ah iney u raadiyaan martigaaga reer loo martiyo oo kale. Markaa la xariir qofka la xariiriyahaaga ee TakeCareBnb.
Foomka la buuxiyo si aad reer martigeliya u noqoto
Adiga iyo qofka kula joogaayo waxaad saxiixeysaa heshiis la joogis
Ma go'aansatay inaad reer loo martiyo noqoto oo ma heysataa qof kula joogaaya? Markaa waxaad saxiixeysaan heshiiska la joogista. Heshiiskan waxaa ku qoran ballamada mudada la joogista iyo ballamada aad adinka arrimahan ka sameyneysaan.
Ka dib marka uu bilowdo mudada la joogista, waa in qofka kula jooga 5 beri gudahooda iska soo qoraa cinwaankaaga.
Marka qof kula soo joogaayo saameyn dhaqaale ayuu sababi karaa
La joogist waxey saameyn ku yeelan kartaa tusaale xadka ceyrta aad qaadato ama kabista aad hesho. Arrimahan warqad ku saabsan ayaa lagu siinayaa marka aad heshiiska la joogista saxiixeyso..TakeCareBnb ama COA ayaa kaa caawin kara wixii su'aalo kale aad qabto.
Halkan hoose ayaa ka arkey muuqaal warbixinta ugu muhiimsan:
Saameynta ay ku yeelan karto AOW
Haddii aad qaadato AOW, wuu yaraan karaa haddii qof kula soo joogaayo. Si aad uga hortagto in AOW-ga lagaa yareeyo, waa inaad ka hor intaan qofka kula soo degin aad la xariirtaa
Ma kula joogaayaa martiga 6 bilood? Kala xariir SVB markaa ka hor inteysan 6 bilood dhamaanin.
Saameynta ay ku yeelan karto ceyrta
Haddii aad qaadato ceyr, kani waa la yareyn karaa haddii qof gurigaaga joogaayo. Taasi kuma jiro Takecarebnb. Laakiin waxaa dhici kara in degamada ay taasi si kale u aragto. Ka sameyso ballamo degmada iyo ballamadaasi warqad ha lagu qoro inteysan bilaabanin mudada la joogista.
Wixii kaloo saameyn ee canshuuraha degmada iyo canshuuraha kale
Haddii qof kula joogaayo, waxaa suura gal ah in canshuuraha degmada iyo canshuuraha kale ay kordhaan, tusaale canshuura qashinka iyo cnshuurta biyaha. Taasi badiyaa waa markaad keligaa degan tahay. Badiyaana waa qarash yar, badiyaa waa dhowr tobaneeyo.
Taasi ka weydii degmadaada. Haddii taasi dhacdo, waxaad degmada weydiin kartaa haddii lagaa deyn karo inaad bixiso, maadaama qof muddo gaaban kula joogaayo. Haddii ay suuro gelin, la tasho martigaaga haddii dhaqaale ahaan kuu caawin karo.
Waxa saameyn ay ku yeelan karto kabistaada
Haddii aad kabis xaq u leedahay sida kabista ijaarka ama kabista ceymiska caafimaadka, markaa taasi wey yaraan karaan markaad marti meel ku degan tahay waxaa laguu arkaa lammaane. Taasi waxaa loo yaqaan lamaanaha kabista. Laakiin martigaaga ma ahan lamaane kabista hadii (ugu yaraan) 1 wax oo kuwan ka mid ah sax yihiin:
Waxaad leedahay xaas ama lamaane diiwaangashan.
Martigaaga wuxuu leeyahay xaas ama lamaane diiwaangashan taasina wuu cadeyn karaa.
Adiga iyo martigaaga ma lihidiin caruur aad wada dhasheen oo ka yar 18 jir.
Haddii labadiina aad keli tihiin aysn jirin ilmo idinla degan oo ka yar 18 sano, ma ahan martiga lamaanaha kabista. Ma shakineysaa? Markaa samey baarista lamaanaha kabista ee websaaytka ee
Warbixin dheeraad ee kabista ijaarka
Haddii aad leedahay qofka kula joogaaya, oo saameyn xadka kabista ijaarka. Taasi waxey ku xiran tahay daqliga aad labadiina heysataan. Ma shaqeeyo qofka kula jooga ama keliya lacagta COA? Markaa taasi wax saameyn ah kuma laha kabista ijaarka.
Ma heystaa qofka kula jooga shaqo? Markaa taasi saameyn wey ku yeelan kartaa kabista ijaarka. Taasi waxey ku xiran tahay daqliga aad labadiina heysataan. Taasi waxaad ka xisaabin kartaa
'Mijn toeslagen'
Waad dheereyn kartiin la soo joogista
Ma heysto qofka kula jooga 3 bilood ka dib weli guri u gaar ah? Weyna idiin fiican tahay la joogista? Qofka kula jooga wuxuu COA weydiin karaa inuu muddo dheer kula sii joogi karo.
Taasi hadaadan rabin? Markaa waxaa qofka kula joogaaya dib u helaayaa boos xerada COA.
Ma helay guri qofka kula jooga degmadaada? Markaa wey joogsaneysaa nidaamka la soo joogista.