• Bilowga
  • Waxaad kula joogi kara qof xerada magangelyada ilaa muddo gurigaaga
Laga soo xigtay: Pexels / Askar Abayev

Waxaad kula joogi kara qof xerada magangelyada ilaa muddo gurigaaga

La shaaciyey: 1/30/2024, 4:42 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma heysataa guri kuu gaar ama qol dheeraad? Qof xerada magangelyada (AZC) ku jira, ayaa kula joogi kara. Qodobkan ayaa ka aqrin kartaa taasi sida ay u hawl gasho.

Qof ayaa ilaa muddo kula joogi kara xerada bedelkeeda

Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo iyo guri kuu gaar ah? Markaa waxaad

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dejinta magangelyodoonka (COA)
ama ururka Stichting TakeCareBnb inuu qof codsi magangyo weydiistay ama sharci heysta inuu 3 bilood kula joogi karo.

Sidaa ayuu qofka kula soo joogaaya muddo uu reer ula soo joogaayaa bedelka xerada. Qofkaasi looma baahna inuu 3 biood shaqsi ahaan iska soo xaadiriyo COA

Waxaa jira 2qaab uu qof kuula joogi karo:

1. Waxaa dooranay inaad qof aad taqaano oo magangelyo weydiistay inuu kula joogo

Ma taqaanaa qof degan AZC iyo ma rabtaa inaad qofkaasi muddo kula dego? Markaa taasi waa suura gal. COA waxey leedahay nidaam la soo joogis taasoo dadka weydiistay sharci deganaansho magangelyo, ay 3 bilood ayey reerka ama asxaabta la soo joogi karaan. Qofkaasi aad taqaano ama reerkaaga ah wuxuu taasi ka abaabuli karaa xagga qofka la xariirkiisa ah COA. ka aqri linkiga hoose sida taasi u howl gasho.

2. Waxaa kaloo kula joogi kara qof sharci deganaansho leh oo aadan aqoonin

Ma rabtaa qof aadan aqoon inuu kula joogo? Xagga TakeCarebnb ayaad ka noqoneysaa reer loo martiyo ee dadka heysta sharci deganaansho oo xerada ku sugaaya guri. Waxaad taasi iska qoreysaa TakeCareBnb. Ka dibna waxaad la hadleysaa qof ka tirsan TakeCarebnb

TakeCareBnb waxey raadinaayaan qof adiga kugu habboon. Muddo tijaabin oo ah weekend ama sabti iyo axad ka dib oo aad adiga iyo martigaaga fiirineysiin inaad is qaabileysiin, markaa ka dib 3 bilood ayaad wada degi kartaan. Qofkaasi ku caawinaayo ee xagga TakeCareBnb wuxuu mudada 3 daasi bilood kuu yahay qofka aad la xariirto iyo kaaga jawaaba su'aalahaaga iyo kan martiga.

Ma fiicnaan weydey la joogista 3 bilood dhexdeeda? Markaa TakeCareBnb waxaa suura gal ah iney u raadiyaan martigaaga reer loo martiyo oo kale. Markaa la xariir qofka la xariiriyahaaga ee TakeCareBnb.

Adiga iyo qofka kula joogaayo waxaad saxiixeysaa heshiis la joogis

Ma go'aansatay inaad reer loo martiyo noqoto oo ma heysataa qof kula joogaaya? Markaa waxaad saxiixeysaan heshiiska la joogista. Heshiiskan waxaa ku qoran ballamada mudada la joogista iyo ballamada aad adinka arrimahan ka sameyneysaan.

Ka dib marka uu bilowdo mudada la joogista, waa in qofka kula jooga 5 beri gudahooda iska soo qoraa cinwaankaaga.

Marka qof kula soo joogaayo saameyn dhaqaale ayuu sababi karaa

La joogist waxey saameyn ku yeelan kartaa tusaale xadka ceyrta aad qaadato ama kabista aad hesho. Arrimahan warqad ku saabsan ayaa lagu siinayaa marka aad heshiiska la joogista saxiixeyso..TakeCareBnb ama COA ayaa kaa caawin kara wixii su'aalo kale aad qabto.

Halkan hoose ayaa ka arkey muuqaal warbixinta ugu muhiimsan:

Saameynta ay ku yeelan karto AOW
Saameynta ay ku yeelan karto ceyrta
Wixii kaloo saameyn ee canshuuraha degmada iyo canshuuraha kale
Waxa saameyn ay ku yeelan karto kabistaada

Warbixin dheeraad ee kabista ijaarka

Haddii aad leedahay qofka kula joogaaya, oo saameyn xadka kabista ijaarka. Taasi waxey ku xiran tahay daqliga aad labadiina heysataan. Ma shaqeeyo qofka kula jooga ama keliya lacagta COA? Markaa taasi wax saameyn ah kuma laha kabista ijaarka.

Ma heystaa qofka kula jooga shaqo? Markaa taasi saameyn wey ku yeelan kartaa kabista ijaarka. Taasi waxey ku xiran tahay daqliga aad labadiina heysataan. Taasi waxaad ka xisaabin kartaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Belastingdienst
. waxaad caawino weydiin kartaa TakeCareBnB ama COA.

Waad dheereyn kartiin la soo joogista

Ma heysto qofka kula jooga 3 bilood ka dib weli guri u gaar ah? Weyna idiin fiican tahay la joogista? Qofka kula jooga wuxuu COA weydiin karaa inuu muddo dheer kula sii joogi karo.

Taasi hadaadan rabin? Markaa waxaa qofka kula joogaaya dib u helaayaa boos xerada COA.

Ma helay guri qofka kula jooga degmadaada? Markaa wey joogsaneysaa nidaamka la soo joogista.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?