• Bilowga
  • Qarashka la qabsiga bulshada waa suura gal inaad dib ugu gudin DUO
Laga soo xigtay: Shutterstock / Fizkes

Qarashka la qabsiga bulshada waa suura gal inaad dib ugu gudin DUO

La shaaciyey: 4/11/2024, 8:35 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Si aad la qabsi bulsho u sameysaa ma ka deynsatay lacag Waaxda Fulinta Waxbarashada (DUO)? Markaa looma baahna dhowaan inaad dib u celiso. Haddii aadsii bixineysayna, waxey DUO kuu soo qoreysaa inaan hadda lacag kale aan xisaab bangigaaga laga goyneynin.

Warqad ayaa ka heleysaa DUO haddii aad deynta ama ganaaxa dhowaan aan lagaa rabin inaad bixiso

Ma bilowday ka hor 1 janaayo 2022 la qabsi bulsho? Markaa waxaa suura gal ah warqad ayaa ka heshay

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
DUO
. Taasoo ku qoran warbixin lacagta aad deynsatay maadaama aad waqtigii la rabey ku qaadin la qabsi bulshada. Warqada waxaa ku qoran in deyntaasi dhowaan loo baahnayn inaad bixiso.

Waxaad heleysaa warqad cusub oo deyntaada ku saabsan haddii:

  1. Hadii aad 15 maarso 2023 ama ka dib aad warqad ka heshay DUO oo ah go'aanka ganaaxa. Ganaaxani wey sii jireysaa, laakiin deynta weli looma baahna inaad bixiso.

  2. Hadii aad 15 maarso 2023 ama ka dib aad warqad ka heshay DUO oo ah go'aanka deynta. Deyntani wey sii jireysaa, laakiin deynta weli looma baahna inaad bixiso.

  3. Aad DUO warqad ka heshay "go'aanka la sugay" oo ama 15 maarso 2023 ama ka dib aad diidmo ayaa ka qaadan karto. Hadda weli diidmo waad qaadan kartaa.

Xaakin Yurubiyan ayaa ka go'aaminaaya in DUO ay lacagta deynta dib u weydiisan karto

Ma cadda in DUO laga yaabo inay soo ceshato deynta. Loo maleeyaa inaan sharciga Yurub ogolayn. Taasi waa sababta maxkamada ugu sareysa ee Nederland,

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Golaha Dawladda
, ay ka codsatay garsooraha Maxkamadda Yurub inuu go'aan ka gaaro arrintan.

Waqtigan DUO lacaga kama jareyso xisaabtaada

Taasi waa sababta DUO ay hadda u joojin doonto ka saarista lacagta akoonkaaga bangiga. Uma baahnid inaad wax dib u bixiso wakhtiga la joogo, ugu yaraan ilaa ay caddayn ka hesho maxkamadda Yurub. DUO sidoo kale wax dulsaar ah kama dalaceyso lacagta aad dib u bixin lahayd muddadan.

Maxkamada Yurub miyay xukuntay? Waxaa laga yaabaa in garsoorka uu go'aamiyo in DUO ay dib u soo ceshan karto lacagta la amaahday. Ama garsooraha ayaa go'aamiya in tani aan la ogolayn. Wali ma cadda waxa xigi doona ka dib waxaad warqad kale ka heli doontaa DUO. Waxa taasi ku qoran waxa xaaladda cusub tahay. Iyo waxa ay tani adiga kuu noqoneyso. Waxa kale oo aad wax badan oo ku saabsan xukunka dambe ka akhrisan kartaa RefugeeHelp.

Fariintani adiga kuma quseyso haddii aad mar dambe bilowday la qabsashada bulshada

Ma waxaa bilowday 1 janaayo 2022 la qabsashada bulshada? Markaa waxaa ku qabanaaya sharci kale. Taasi waa Sharciga la qabsashada 2021. Degmadaada ayaa bixineysa la qabsashadaada bulshada. Fariintan adiga kuma quseyso.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?