Guryaha la dhisi doono waa kuwa diyaar u taagan.
Laga soo xigtay: Pexels / Mike van Schoonderwalt
Warar cusub
Intaan ayey qaadaneysaa mudada guri la sugaayo ee Nederlaan
La shaaciyey: 5/9/2024, 12:00 GH

Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo Nederlaan oo ma sugeysaa guri? Waxey qaadan kartaa bilo xitaa 1 sannad ayey qaadan kartaa ilaa degmada guri kuu heleyso. Qodobkan ka aqri sababta.

Nederlaan ma laha guryo dadka dhamaan ku filan

Waxaa jirey 2023 isku darkii 390.000 oo guryo yaraan ah. Taasoo ugu darnayd dhinaca guryaha bulshada ee ijaarka. Sidaa awgeed waa iney dadka muddo dheer sugaan ilaa guri ijaar bulshadeed looga helaayo. Waxaa kaloo jiraey iney qarashka kor u kacay ee ijaarka guriga ama gadshada guri.

Dad kooxyo kala duwan ayaa arintan dhibaato ku qabo, gaar ahaan dadka daqligooda yar yahay oo sugaaya guryaha ijaarka ee bulshada. Kuwani waa dad Nederlaan sida:

  • Ardayda raadineysa qol ama guri

  • Dadka hadda bilaabay iney shaqeeyaan oo raba guri ay leeyihiin

  • Reerka dhalinyarta ee u baahan guri weyn

  • Dadka waayeelka ee raba iney guri yar degaan

Tani waxay sidoo kale saameyn kugu yeelaneysaa haddii lagu siiyay ogolaanshaha joogitaanka magangalyada. Sababtoo ah haddii aad hesho sharciga degenaanshada magangalyada, waxaad xaq u leedahay guri bulsho. Degmadu waa in ay si toos ah guri kuugu diyaarisaa 12 usbuuc ka dib marka aad hesho sharciga deganaanshaha. Laakin taasi macquul ma ahan sababtoo ah guryaha oo aad u yar.

Marka loo eego

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
waxay hadda qaadanaysaa bilo iyo in ka badan 1 sano ka hor inta aysan degmadu guri kuu heleyso. Waqtiga sugitaanku waa kala duwan yahay degmo kasta, mana bedeli kartid degmooyinka laftaadu.

Sidan ayaa waxaa la go'aamiyaa inta guri ee ay tahay in ay degmadu u habayso dadka haysta sharciga degenaanshada magangalyada

Sannad kasta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kaashanaysa

Hay'adda dhexe ee Dejinta magangalyodoonka (COA)
ayaa go'aamisa inta guri ee ay degmadu leedahay. waa in loo habeeyaa dadka haysta sharciga degenaanshada. Tirada guryaha ee ay tahay in ay degmadu habayso waxa loo yaqaan “bartilmaameed”. Hawshu waxay ku xiran tahay dhawr arrin, sida:

  • Immisa qof ayaa hadda ku nool degmo. Degmooyinka waaweyn waa inay sameeyaan guryo ka badan kuwa degmooyinka yaryar.

  • Inta guri ee ka jira degmada.

Boqolkiiba 80 ka mid ah degmooyinka ayaan guri u diyaarin dadka haysta sharciga degenaanshaha

Muddo sanado ah, degmooyin badan ma aysan awoodin inay guri siiyaan dadka sharciga degenaanshada magangalyadoonka ah waqtigii loogu talagalay. Sannadkii 2023, in ka badan 80 boqolkiiba degmooyinka ayaan u hoggaansamin hadafkii. Haddii degmooyinku u hoggaansami waayaan bartilmaameedka muddo dheer, waxaa lagu ganaaxi karaa dawladda.

Waxaa COA kugu xireysaa degmo
Boggan waxaad ka heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida cid lala soo joogo.

Waxba ma sameyn kartid aad ku gaabiso mudada sugida guriga

Waxay ku kala duwan tahay gobol kasta inta ay qaadanayso ka hor intaadan guri helin. Inkastoo degmooyinka sida caadiga ah ay tahay inay guri kuugu diyaariyaan 12 toddobaad gudahood, tani maaha mid sharci ah. Sidaa awgeed sharci ahaan wax ma samayn kartid si loo gaabiyo wakhtiga sugitaanka.

Waxaad muddo la joogi kartaa cid loo soo joogo ilaa aad suegyso guri kuu gaar ah

Haddii aad sharci magangelyo heysato iyo aad sugeyso guri kuu gaar ah, waxaad muddo la joog kartaa reer martigeliya. Tani wuxuu noqon karaa asxaabtaada, familkaaga, ama xitaa dad aadan aqoon u lahayn oo gurigooda u furaaya dadka sharciga deganaanshaha heysta.

Caadi ahaan joogista waa 3 bilood. Mudada joogista wey dheeraan kartaa haddii aad 3da bilood ka dib weli aadan guri helin iyo reerka martigelinta iyo adiga mudada joogista aad rabtiin inaad dheereysiin.

Marka aad cid la soo joogeyso adigoo guri sugaaya
Boggan waxaad ka heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan la soo joogista cid lala soo joogo.
Maxey kula tahay qodobkan?