Laga soo xigtay: Pexels / Ahmed Akacha
Warar cusub

Nederlaan kama go'aamin doonto codsiyada magangalyada ee Suuriya wakhtigan la joogo

La shaaciyey: 12/18/2024, 12:00 GH

Kadib dhicitaankii madaxweynihii hore ee Bashaar al-Asad, Nederlaan ilaa muddo ah ma samaynayso go'aano ku saabsan codsiyada magangalyada ee dadka Suuriya. Maqaalkan waxaad ka akhrisan kartaa micnaha ay tani u leedahay codsigaaga magangelyo ama isukeenida qoyska.

wax go'aan ah kama gaari doono inta badan codsiyada magangalyo ee dadka Suuriya 6 da bilood ee soo socota. Dowlada Holland ayaa xaalada Siiriya u aragta mid aan la hubin oo aan la hubin in wadankaasi uu wali amaan u ahayn dadka kasoo cararay taliska Asad.

Go'aankan waxaa lagu kordhin karaa ugu badnaan 6 bilood. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa baaritaan ku sameyneysa xaaladda amni ee dalka Suuriya. Nederland waxay ku daydeen waddamo kale oo Yurub ah, sida Jarmalka iyo Belgium.

Nederlaan wax go'aan ah kama gaari doonto codsigaga magangelyo, dibna laguguma celin doono Suuriya

Miyaad ka timid Suuriya oo ma waxaad sugaysaa wax ka yar 21 bilood go'aan? IND ayaa markaa joojin doonta codsigaga. Codsigaaga magangelyo waa la eegi doonaa mar dambe (mar kale). Waxaad joogi kartaa Nederlaan ilaa inta dacwadaada la hakiyey.

Nederlaan dadka dib ugama soo celin doonto Suuriya wakhtiga la joogo xaalad amni oo aan caddayn awgeed. Intaa waxaa dheer, Nederland hadda wax xiriir ah oo diblumaasi lama laha Suuriya, taas oo lagama maarmaan u ah marka dadka dib loo celinaayo.

Haddii codsigaaga magangelyo hore loo diiday, waxaad mar kale heli kartaa dejin iyo waad codsan kartaa magangelyo

Haddii IND ay hore u diidday codsigaga magangelyo oo aanad xaq u lahayn soo dhawayn, hadda waxaad mar kale u soo warbixi kartaa Ter Apel si laguugu qaabilo. Waxaad mar labaad xaq u leedahay soo xero, xataa haddii aanad haysan codsi magangelyo oo kuu socda. Sababtoo ah Nederlaan looma ogola inay dadka ka soo celiso Suuriya 6da bilood ee soo socota.

Waxa kale oo aad soo gudbin kartaa codsi cusub oo magangelyo sababtoo ah xaalada isbedelay ee Suuriya. Dacwadaada, waxa u fiican inaad tan samayso sida ugu dhakhsaha badan. Waxa kale oo aad markaa isticmaali kartaa xuquuqaha sida in aad si dhakhso ah u shaqeyso.

Xaalado qaarkood wey jiraan oo ay INd go'aan ka gaari karto codsigaaga magangelyo

Xaaladahan ayaa ka mid ahin IND ay go'aan gaaraan

  • Haddii aad muddo dheer sugaysay go'aan:haddii aad gudbisay codsi magangalyo in ka badan 21 bilood ka hor, IND wali way gaari doontaa go'aan. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii muddada sugitaanka 6 da bilood ee soo socda ay tahay 21 bilood.

  • Haddii aad magangelyo u codsato arrimo shakhsi ah: Sida ay qabto IND, sababahan shakhsi ahaaneed waa in ay ka duwan yihiin xaaladda Suuriya waa iney arrin daran si go'aan fiican looga gaaro. Xaaladda Suuriya awgeed, IND waxay filaysaa in go'aamo yar la gaari doono 6 bilood ee soo socota sida xaaladahan oo kale ah.

  • Haddii waddan kale oo Yurub ah uu mas'uul ka yahay codsigaaga magangalyo: iyadoo la tixraacayo

    Nederlaan waxay kuu diri kartaa waddan kale oo Yurub ah oo mas'uul ka ah kaaga. codsi. Xitaa haddii aad hore sharci uga heysatay waddan kale oo Yurub ah oo aad ku laaban karto, Nederlaan ayaa suura gal ah inay go'aan ka gaarto arrintan.

Waxaad heli kartaa taageero haddii aad su'aalo ka qabto codsigaga magangalyada

Su'aalo ma ka qabtaa waxa uu go'aankani adiga kuu saameynaayo? La xiriir qofka aad la xariirto

ama qareenkaaga. Waxay kaa caawin karaan talo iyo taageero

Su'aalo iyo jawaabo ku saabsan go'aanka ah in aan go'aan laga gaarin codsiyada magangalyada ee Suuriya wakhtigan la joogo

Hoos waxaan uga jawaabaynaa su'aalaha suurtogalka ah ee laga yaabo inaad ka qabto go'aankan:

Haddii aad soo gudbiso codsi cusub oo magangelyo, IND waxay kula yeelan doontaa "waraysiga 1 aad". Tan waxa loo yaqaan "dhegeysiga diiwaan gelinta". Inta lagu jiro wada hadalkan, IND ayaa go'aamin doonta in codsigaagu hoos yimaado ka reebanaanshaha sare. Haddii kale, codsigaaga si ku meel gaar ah ayaa loo hakinayaa.

Go'aanka ah in aan laga baaraandegin codsiyada magangalyo ee dadka ka yimid Suuriya wakhtigaas wax saamayn ah kuma laha isu keenida qoyska. Haddii aad codsatay isukeenida qoyska, IND ayaa codsigaas uga shaqayn doonta sidii caadiga ahayd.

Wali ma aadan codsan dib u midoobi qoyska oo ma haysataa ogolaanshaha joogitaanka magangalyada? Markaa waxaad codsan kartaa inaad keento xubnaha qoyska Nederlaan:

  • Codsiga keenista reerka samey 3 bilood gudahooda ka dib markaad sharci deganaanshaha qaadato

  • Way adkaan kartaa in la helo dukumentiyo ama si badbaado leh loogu safro xaaladda Suuriya awgeed. Tan kala hadal qofka aad la xariirto

    .

Haddii aad xaq u yeelan karto deganaansho joogto ah ama baasaboor Nederlaan ah. Waxaad taasi waa codsan kartaa sida caadiga. Go'aanka inaan ilaa iyo muddo inaan codsiyada magangelyo aan laga howl gelinkuma laha saameyn codsigaaga deganaansho magangelyo ama baasaboor. Xaalada aan la ogayn ee Suuriya darteeda wey fiican tahay inaad codsigaaga sida ugu dhaqsaha badan u gudbisaa haddii aad deganaansho sharci ama baasaboor aad rabto.

Ilaa hadda ma cadda waxa uu go'aanka dawladda Nederlaan uga dhigan yahay xaaladdaada. Waanu baareaynaa arrintan oo dib ayaan u cusbooneysiin doonaa maqaalka haddii jawaab loo helo.

Suuriya weli waxaa dowlada Nederlaan u aragtaa amaan daro. Xitaa ka dib markuu dhacay al-Assad xaalada waa deganaan daro. Haddii aad si muddo go'an ama muddo dheer rabto inaad noqoto, taasi waxey cawaaqib ku yeelan kartaa sharcigaaga deganaansho.

Ma haysataa sharci deganaansho oo magangelyo ah? Markaa waxaa

goáamin karaan inaadan qatar ku sugnayan haddii aad Suuriya ku noqoto. Taasi waxey keeni kartaa in sharciga lagaa ceshado. Waa muhiim inaad marka hore la talin sharci raadisaa intaadan ku noqon Suuriya.

kaam caawinneyso ku noqoshada Suuriya, maadaama xaalada daro u aragto. Waxaa jira ururo kaa caawini kara dib u noqosjhada iqtiyaariga. Warbixin dheaaraad oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa bogga wadamada ee Suuriya.

Warbixin dheeraad oo ku saabsan caawinaada dib u noqoshada

Adiga ayaa dooranaaya inaad rabto inaad wadankaaga asalka ku noqoto iyo in kale. Boggan ayaa wixii dheeraad ah ka aqrineysaa ee ku saabsan dib u noqoshada isku filnaanta.

1 ama wax ka badan oo reerkaaga ama asxaabtaada oo lagu la'yahay Suuriya, maxaan sameyn karaa?

Ma jiraa qof aad jeceshahay oo ku maqan Suuriya? Laanqeyrta Cas ayaa kaa caawin kara inaad hesho dadkaaga. Waxey diiwaangeliyaan dhamaan dadka la la' yahay, haddii ay suuro geleyso, la ogaado waxa ay ku dambeeyeen.

Haddii aad Nederlaan ka raadineyso qof la waayey, waxaad codsi baafin ka gudbin kartaa Laanqeyrta Cas ee Nederlaan qeybta 'Restoring Family Links'. Marka codsigaaga la soo qiimeeyo waxaa laguugu casuumi doonaa wadahadal si warbixinta loo baahan yahay loo aruuriyo.

Codsigaaga waxaa loo sii diraayaa Laanqeyrta Cas ee Suuriya. Waxey iyaga u raadiyaan qaabab kala duwan, tusaale iyagoo ka weydiinaaya cinwaanka ugu dambeeyey ee la ogaa, waxey la xariirayaan maamulka meesha ama diiwaangelinta maxaabiista la soo daayey.

Haddii ay Laanqeyrta Cas ay hesho dadkaaga aad jeceshahay, waxey Laanqeyrta Cas kugu caawineysaa sidii xariirka loo hagaajin lahaa. Haddii ay dadka aad jeceshahay helin waa lagula socodsiin doonaa. Raadinta dadka la jecel yahay muddo dheer ayey qaadan kartaa.

Booqo 'Restoring Family Links' si aad macluumaad dheeraad ah u hesho ama aad u gudbiso codsi baafin ah Laanqayrta Cas.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful