
Waxaa 24 iyo 25 juun la qabanayaa shirka-NATO ee Den Haag: kuwani waa saameynta qaran ay ku yeelaneyso taraafikada wadooyinka iyo gaadiidka dadweynaha
Shirka-NATO ayaa ka dhici doona Den Haag 24 iyo 25 juun. Taasi waxey saameyn ku yeelaneysaa gelitaanka Den Haag iyo taraafikada u socda magaalooyinka kale. Dhibaatada taraafikada waxey socon doonaan 22 ilaa 27 juun. Ka aqri maqaalkan waxa ka dhalan kara.
Isku socodkii gaadiidka ee u dhexeeyey Den Haag iyo magaalooyinka kae ayaa qeyb hakanayaa
Juun 24 iyo 25 waxaa jiri doona dhibaatooyin xagga gaadiidka u dhexeeya Den Haag, Rotterdam, Leiden iyo Amsterdam. Wassenaar, Bollenstreek, Noordwijk iyo Katwijk sidoo kale way adag tahay in la gaaro
Wadooyinka waa la xirayaa waxaana suur gal ah iney noqoto inaad jid kale ku safartaa. Jidadka ayaa mashquul noqon doona, waqtiyada safarkana waa dheeraan doonaa
Gaadiidka dadweynaha masquul badan ayuu noqon doonaa waxaa suura gal ah in gaadiidka la baajiyo
Wadooyinka oo xiran awgeed ayaa gaadiidka dadweynaha mashquul noqonaaya 24 iyo 25 juun. Waxaa jira fursad ah in tareenada, basaska ama gaadiidka kale qaar la joojiyo
Taraamyada iyo basaska Hague waxay maraan wadooyin kale.
Hogaamiyayaasha NATO waxay ku imaanyaan Schiphol, tani waxay cawaaqib ku yeelanaysaa socotada kale
Hogaamiyayaasha NATO ayaa imaan doona garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam. Waxay sidoo kale halkaas ka dhoofi doonaan marka uu dhamaado shirka madaxda-NATO. Tani waxay keeni kartaa isbedel ku yimaada irdaha dhoofida haddii aad ka soo duulayso Schiphol. Haddii aad duulayso, isha ku hay website-ka Schiphol.