
Aqalka wasiirada ayaa ansaxiyey sharciyo adag oo magangelyada: hadda waa in Aqalka Sare ay go'aamiyaan
Aqalka Wasiirada ayaa xalay ansaxiyey laba sharciyo magangelyo oo wasiiradii hore Faber: Sharciga Magangelyada ee Deg dega iyo Sharciga fulinta Labada nooc ee deganaanshaha. Hadda waa in Aqalka Sare ay taasi ka codeeyaan. laakiin taasi waxey noqoneysaa fasaxa xagaaga ka dib. Ka aqri qodobkan waxa uu yahay sharciyadan ka kooban yahay iyo waxa uu keeni karo haddii sharciyadan Aqalka Sare ay ansixiyaan.
Dowladda dhacday waxey sameysay sharciyo adag oo magangelyodoonka
Sharciga Magangelyada ee Deg dega wuxuu ku saabsan yahay in la adkeeyo nidaamka magangelyodoonka iyo qaxootiga ee Nederlaan. Sharcigan waxaa la wada sameeyey sharciga Labada nooc ee deganaanshaha oo ay sameysey wasiiradii hore ee magangelyada Faber ee PVV. Ulajeedada waa in la adkeeyo sidii sharci deganaansho loo heli lahaa Nederlaan iyo in dadka waqti gaaban u joogi karaan Nederlaan.
Maxey micnaheeda tahay haddii sharciga tallaabada Degdega ee magangelyo sidoo kale laga ogolaado?
Haddii sharciga tallaabada degdega ee Magangelyo la ansaxiyo, waxaa micnaheeda ay tahay in nidaamka cusub isla markii dhaqan galaan, taasoo:
Sharciga deganaansho magangelyada mudada ah uu soconaayo ugu badnaan 3 sano. Hadda taasi waa 5 sano. Markaa 3 sano ka dib ayaa dib looga goáaminaayaa haddii aad 3 sano aad sharci deganaansho magangelyo heleyso.
Sharciga deganaansho magangelyada aan waqti ku xirnayn inaan la bixin doonin.
Lamaanayaasha aan is guursanin lamaanahooda kaasoo sharci deganaansho ku heysta Nederlaan, aan sharci deganaansho magangelyo la siineynin. Sidoo kale ilmaha ka weyn 18 jir markaa ayagana lama siinaayo sharci deganaansho magangelyo.
Dadka aan si fudud codsi labaad oo magangelyo u weydiisan karin. Waxaa imaanaaya 'in la fiiriyo in lagu dhaliileyn karo' dadka marka labaad (ama dhowr jeer) magangelyo codsada.
waxey baareysaa sababta aad codsiga labaad ama dokumentiga marka koowaad u sheegi weydey ama u tusin weydey. Haddii aad sababta markii hore aad sheegi kartay, markaa codsigaaga lagama howl galaayo ama lama fiirinaayo.INDDadka Nederlaan sharci darada ku jooga waa la xiri karaa, waxaana lagu xakumi karaa xabsi lix bilood ah.
Qeybta ah "waxa la damacsan yahay ee dacwada' waa laga saarayaa dacwada magangelyada. Taasi waxey micnaheeda tahay in IND aysan wargelin qaxootiga inay rabaan iney soo diidaan codsiga magangelyo. Waxaa taasi ay ku sheegayaan sababaha ay codsiga magangelyo u soo diidayaan. Taasi waxey micnaheeda tahay in qaxootiga uusan fikradiisa ku saabsan diidmada uusan dhiiban karin.
Muxuu yahay micnaha Sharciga ku dhaqanka labada deganaansho haddii la ansaxiyo?
Dowladdii dhacday waxey rabtey iney soo bandhigto nidaam laba deganaansho ah in la hirgeliyi iyo nidaamka mideynta reerka oo la adkeeyo. Marka labada sharci deganaanshaha waxey dawladdu rabtaa in lakala saaro dadka soo qaxaaya maadaama ay iyaga qatar gaar ah ku jiraan xagga asalkooda, jinsiga galmoodka ama diinta, iyo dadka ka soo qaxaaya dagaal iyo dhibaatada (dabeecada). Kooxda dambe, oo ka soo qaxaaya dagaal ama rabshado, waxaa ay leeyihiin xaquuq yar iyo waa iney dhaqso dib loo celin karaa haddii xaalada wadankooda uu soo fiicnaado. Waxaa kaloo kooxda dambe loo xadidaayaa dadka reerkooda ah ee loo ogolaanaayo iney u imaadaan. Labada kooxba waa la xadidaayaa dadka u imaanaayaa.