Laga soo xigtay: Suzanne van der Kerk
Muhiim
Warar cusub

Golaha Sare- ayaa ka hadlaya sharciyada cusub ee magangalyada: maxaa dhici doona?

La shaaciyey: 1/21/2026, 12:00 GH

Golaha Sare ayaa ayaa ka shaqeynaaya sharciyada magangelyo la soo bandhigo. Kulankii 20 janaayo waxaa la weydiinayaa shaqaalaha wasaarada Magangelyada iyo Socdaalka. Goorta la codeynaayo aarimaha sharciyada iyo waxa ay micnaheeda tahay ficil ahaan?

Kulanka: su'aalo ku saabsan hirgelinta sharciyada

Kulankii

Janaayo 20-keedii wuxuu ahaa kulan farsamo oo kooban. Kani waa kulan sharraxaad ah oo xubnaha Baarlamaanku ay ku weydiinayaan su'aalo ku saabsan sida sharci loogu dhaqan gelin karo ficil ahaan. Warbixinta kooban weli ma khuseyn ra'yiga siyaasadeed, balse waxay khuseysay su'aalo ay ka mid yihiin:

  • Ma awoodaan

    sharciyada la soo bandhigay iney fuliyaan?

  • Maxey taasi micnaheeda tahay xagga dejinta qaxootiga?

  • Miyaa

    waafaqsan yihiin xeerarka?

  • Waa maxay cawaaqibka ka dhalan kara garsoorayaasha iyo maxkamadaha?

Xubnaha Golaha Sare waxay rabaan in fiiro gaar ah loo yeesho mowduucyadan xaalad kasta ha ahaatee:

  • Isku xirnaanta sharciyada la soo jeediyay iyo sharciyada kale ee magangalyada.

  • Cawaaqibka ka dhasha soo jeedinta ah in sharci darro laga dhigo degenaanshaha aan sharciga lahayn.

  • Sida dalalka kale ula macaamilaan

    .

Kadib warbixin farsamo, Xubnaha Baarlamaanka waxay sidoo kale soo gudbin karaan su'aalo qoraal ah. Waxay u isticmaalaan macluumaadka ay ka heleen mas'uuliyiinta ku jira warbixinta farsamada ujeeddadaas. Wasaaraddu waa inay markaas bixiso jawaabo rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan su'aalaha qoran. Sidan, waxay ku helaan jawaabo rasmi ah oo cad oo qoraal ah, waxayna go'aanno wanaagsan ka gaari karaan doodda dambe oo ay codkooda dhiibtaan.

Sharciyadee baa shirkan ku saabsanaa?

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr hindise sharciyeed oo ku saabsan magangelyodoonka, oo ay ku jiraan:

  • Xeerka Tallaabooyinka Magangelyada Degdegga ah.

  • Sharciga fulinta nidaamka xaaladda laba-geesoodka ah.

  • Hirgelinta iyo ku dabaqida sharciga Magangelyad- iyo Socdaalka 2026.

  • Wax ka beddel cusub oo lagu sameeyay sharciga si loogu ciqaabo degenaanshaha dadka aan sharciga lahayn.

Maxay ku saabsan yihiin sharciyada la soo bandhigey ee magangalyada?

  • Sharciyada la soo bandhigay waa soo jeedinta dowladda. Waxaa ku qoran qodobada soo socda:

  • Ogolaanshaha magangalyada ee ku meel gaarka ah ayaa laga doonaa 3 sano kaasoo ahaa 5 sano.

  • Ma jiri doonto ogolaansho magangelyo oo cusub oo joogto ah.

  • Dowladdu waxay yeelan doontaa fursado badan oo ay ku dirto dadka aan hadda haysan xuquuqda degenaanshaha ( ama sii heysanin).

  • Intaa waxaa dheer, waxaa jira soo jeedin ku saabsan nidaam laba-xaalad ah. Taas macnaheedu waa in la dhisi karo laba nooc oo sharci magangelyo ah, oo leh xuquuq iyo xeerar kala duwan, gaar ahaan ku saabsan dib u mideynta qoyska.

  • Dib u mideynta qoyska ayaa sidoo kale noqon doonta mid adag. Qorshayaashu waxay u badan tahay inay u oggolaanayaan xubno yar oo qoyska ah inay yimaadaan Nederland. Way adkaan doontaa inaad dib ula midowdo qoyskaaga.

Ma rabtaa inaad wax dheeraad ka ogaato sharciyada adag magangelyodoonka ee la soo jeediyey iyo wax ay taasi micnaheeda noqon karo? Ka a qri wixii kale RefugeeHelp.

Su'aalo siyaasadeed iyo dood ku saabsan hindise-sharciyeedyada ayaa gadaal ka soo bixi doona

Waxaa la filayaa inuu mar kale ka doodo Golaha Sare sharciyada la soo jeediyey dhowr toddobaad gudahood. Kadib

ayaa awood u yeelan doona inay weydiiyaan su' aalo siyaasadeed oo ay ka doodaan
sameeyaan.

Ka dibna waxaa la rajeynayaa in Golaha Sare dhamaadka febraayo ayaa loo cadeynaayo ( oo qeyb ka dib) sharciyada magangelyada ee la soo bandhigay.

Heshiiska Yurub ee Magangelyada iyo Socdaalka ayaa sidoo kale door ka ciyaara halkan. Midowga Yurub EU wuxuu dejiyay sharciyo cusub oo ku saabsan magangelyada iyo socdaalka. Nederland waa inay xeerarkan ku dartaa sharciyada Nederland marka la gaaro Juun 12, 2026. Sidaa darteed, Golaha Sare wuxuu sidoo kale baarayaa sida sharciyada cusub ee magangelyada ay ula jaanqaadaan heshiisyada Yurub.

Cambaareyn ah sharciyada magangalyada oo la soo bandhigay

Waxaa 20 janaayo sidoo kalecambaareynoo cambaareynka soo horjeeda sharciyada magangelyada ee Golaha Sare. Cambaareynta waxey ka socotaa VluchtelingenWerk Nederland (VWN)iyo oo waxaa saxiixay dad ka badan 117.000 qofood.

Koox ka tirsan shaqaalaha VWN ayaa tagay Golaha Sare si ay codsiga u horkeenaan xubnaha Baarlamaanka. Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa ka hadlay taariikhdooda qaxa.

Maxaad sameyn kartaa?

  1. Ku kalsoonow macluumaad la isku halleyn karo: Waxaa jira farriimo badan oo ku jira baraha bulshada, laakiin wax walba sax ma aha. Sidaa darteed, ku hubi macluumaadka ilo lagu kalsoonaan karo, sida IND iyo RefugeeHelp.

  2. Kala hadal xaaladdaada qareenkaaga ama la-taliyahaaga: Xaalad kastaa way ka duwan tahay. Ma ku jirtaa dacwada magangelyada, mise waxaad rabtaa inaad codsato dib-u-mideynta qoyska? Kadib weydii waxa qorshayaashani uga dhigan karaan xaaladdaada.

RefugeeHelp ayaa kula socodsiin doonta. Isla marka macluumaad dheeraad ah laga helo tallaabooyinka xiga iyo habka codbixinta, waxaan la wadaagi doonnaa warbixin cusub.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful