
Digniin: ha soo gudbin sheegashooyin daryeel caafimaad oo been abuur ah, tani waa khiyaano ama xatooyo
La wadaag baraha bulshada:
RefugeeHelp waxay heleysaa warbixinno sheegaya in dadku ay soo gudbinayaan sheegashooyin daryeel caafimaad oo been abuur ah. Tani waa khiyaano waxayna yeelan kartaa cawaaqib xumo. Akhriso wax badan oo ku saabsan arrintan maqaalkan.
Khiyaanada waxey yeelan kartaa cawaaqib xumo weyn
Caymiskaaga caafimaad ma ogaaday inaad khiyaamo gashay? Markaa caymisku wuxuu, tusaale ahaan:
ku weydiin karaa inaad lacagtaasi aad heshay soo celiso;
qarashka baaritaanka la xisaabiyo;
ku daro faahfaahintaada diiwaanka khiyaamada. Kani waa diiwaanka ay ururradu ku qori karaan xogta dadka sameeyay khiyaamo ama looga shakisan yahay inay sidaas sameeyeen;
la joojiyo ceymiskaaga.
Caymiska caafimaadka ayaa sidoo kale booliiska u sheegi kara khiyaanada. Kadib waxay noqotaa kiis dembiyeed. Xaaladaha qaarkood, dambiga wuxuu sidoo kale yeelan karaa cawaaqib xumo
Maxaad sameyn kartaa?
Ma heshay biil daryeel oo aadan helin? Weligaa ha soo gudbin. Sidoo kale, ha siinin
Ma horey u gudbisay biil shaki leh, mise ma hubtid in biilku sax yahay? Kadib la xiriir caymiskaaga caafimaadka.