Waxbarashada
Boggan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan waxbarashada carruurta iyo dadka waaweyn ee Nederland. Tusaale ahaan, ku saabsan dugsiga hoose iyo sare. Waxaad sidoo kale halkan ka akhrisan kartaa shuruudaha waxbarashada haddii aadan haysan ruqsadda degenaanshaha, iyo kharashyada waxbarashada.
Warbixin

Ilmahaagu wuxuu aadi karaa iskuulka haddii codsigaaga magangalyada la diido
Codsigaaga magangalyada ma la diiday mise ma haysatid ogolaansho degenaansho? Ilmahaagu waa loo ogol yahay inuu wax ka barto Nederland. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan kartaa sharciyada khuseeya iyo waxa isbeddelaya marka ilmahaagu gaaro 18 sano.

Dugsiga hoose dhexe
Ilmaha jira 4 ilaa iyo 12 jir ayey aadayaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose wuxuu leeyahay 8 fasal. Ilmaha waa waajib iney iskuul aadaan laga bilaabo 5 jir laakiin badiyaa ilmaha Nederlaan laga bilaabo 4 sano ayey aadaan dugsiag hoose. Boggan ka aqri wax walba oo ku saabsan dugsiga hoose.

Dugsiga sare
Dugsiga hoose ka dib waxey ilmaha aadayaan dugsiga sare. Dugsiga sare wuxuu leeyahay darajado kala duwan iyo sanado waxbarasho kala duwan. Ilmaha 16 jirka, mar mar 18 jir, waa ku waajib iney iskuulka aadaan. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax walba oo ku saabsan dugsiga sare.

Sidan ayay waxbarashada gaarka ahi uga shaqaysaa Nederland
Waxbarashada gaarka ah waxaa loogu talagalay ardayda u baahan taageero dheeraad ah oo aan dugsi caadi ah had iyo jeer siin karin. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida waxbarashada gaarka ahi u shaqeyso iyo waxa ay ardaydu ka caawiyaan halkaas.

Waxbarashada dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay
Qodobka 23aad ee Dastuurka ayaa nidaamiya xorriyadda waxbarashada ee Nederlaan. Dadku waxay iyagu dhisi karaan iskuullo, laakiin iskuulladu waa inay raacaan xeerarka dawladda. Natiijo ahaan, waxaa jira iskuullo dawladeed, oo dhexdhexaad ah, iyo iskuullo gaar loo leeyahay, kuwaas oo ku salaysan diin ama falsafad nololeed.