Sariiraha hoysiinta
Laga soo xigtay: Roman Lily

Hoy

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:04 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii aad sharci la' aan Nederlaan ku nooshahay, wey adag tahay inaad guri heshaa. Waxaa jira noocyo badan oo hoy ah oo aad aadi karto. Wixii dheeraad ah arrintan boggan ayaad ka aqrineysaa.

Ijaarashada guriga

Haddii aadan heysanin sharci deganaansho sax ah guri ama qol kama ijaaran kartid shirkad guryaha. Sidoo kale ma heleysid fasaxa guriga. Tani waa fasax oo degmooyinka qaarkood loo baahan yahay si aad guri ijaar jaban, guri iib ah, ama xaafadaha qaarkood laguu ogolaado inaad degto.

Mar mar waa suura gal in guri ama qol laga ijaarto qof shicib ah oo wax ijaara. Wax ijaaraha waxey ka fiirin karaan marka qofka wax ijaaranaaya(ka sii ijaaranaaya) la qoraayo xaaladiisa waxa ay tahay

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Diiwaangelinta Asaasiga ee Shaqsiga(BRP)
. Waxa suuragal ah in wax ijaaraha inuu haddana doorto inuusan guriga ka ijaarin qof aan BRP ka diiwaangashanayn.

Dejinta

Waxa 5 ta magaalo waaweyn ay leeyihiin 24-saac hoy oo dadka aan sharciga heysanin. Dejintan waxaa lagu magacaabaa Tas-hiilaadka Ajaanibka ee Wadanka (LVV). Waxaa LVV-yadalaga helaa magaalooyinka soo socda:

  • Amsterdam

  • Utrecht

  • Groningen

  • Rotterdam

  • Eindhoven

Ma dooneysaa in LVV lagu dejiyo? Markaa waa inaad kala shaqeysaa shaqaalaha caawiyaha sidii xal loogu helo xaaladaada. Taasi waxey noqon kartaa: Ku noqosho wadankaaga asliga, inaad wadan kale u guurto ama aad sharci ku joogto Nederlaan.

La soco: waxaa LVV-yada ka jiri kara saf sugitaan oo dheer.

'Tas-hiilaadka sariirta-qubeys-rootiga'

Waxaa kaloo jira Nederlaan 'tas-hiilaadka sariir-qubeys-rootiga'. Tani waa tallaabooyin dad shicib ah, ururo iyo degmooyin magangelyodoonka dacwada ka dhamaatay ee aan Nederlaan ka bixi karin ama ka bixi rabin.

Waa xarumo soo dhaweynta oo aad u daran. Halkaa ayaad wax ka cuni kartaa, seexan kartaa iyo ku qubeysan kartaa. Mar mar ayaa howl maalmeed ayaa la qabtaa.

Laanqeyrta Cas wey caawinayaan

Laanqeyrta Cas waxey ka caawiyaan dadka aan sharciga deganaanshaha heysanin warbixinta adeegga degaanka ka jira sida taageerada sharciga, daryeelka caafimaadka iyo hoyga.

Qodobkan ma ku caawiyay?