Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Daqliga

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/15/2023 3:08 GD

Hadii aad doorato inaad sharci darro Nederlaan ku joogto, markaa qaab sharci ah lacag uma shaqeysan kartid. Sidaa awgeed waa inaad iska ilaalisaa ka ganacsiga dadka iyo gumeysiga. Boggan ayaad wixii dheeraad ah oo arrintan ka aqrin kartaa.

Marka uu jirin heshiis

Waxaa jira shaqo bixiyayaal qaadanaaya dadka aan heysanin sharciga deganaanshaha iyo sharciga shaqada. Shaqo bixiyayaashaasi ganaax ayaa la siin karaa. Sidaa awgeed badiyaa heshiis shaqaale lama sameeyo ama saxiixo.

Ma jiraa heshiis? Maadaama shaqada ay sharci ahayn, markaa shaqaalaha uu shaqo bixiyaha kuma waajibin karo inuu heshiiska dhowro. Sidaa awgeed ayaa shaqaalaha aan sharciga lahayn lagu xadgudbi karaa. Shaqo bixiyaasha wey u fududahay inuu si fudud ugu xadgudbo.

Haddii aad sharci daro aad Nederlaan ku shaqeyneysid, ma bixineysid canshuur oo ma dhiseysid qaaraanka shaqo gabka. Taasi waxey micnaheeda tahay inaan waxba lagu siineynin markaad xanuunsato iyo aan caawino dhaqaale lagu siineynin marka shaqada lagaa eryo.

Dhibane ka ganacsiga dadka ama dadka la gumeysto

Maadaama dadka aan heysanin sharci deganaansho iyo sharci shaqo aan loo ogolayn iney si sharci ah u shaqeystaan, waxey qatar u yihiin ineey noqdaan dhibane ka ganacsiga dadka.

CoMensha

Xarunta Isku Duwidda ka hortaga ka Ganacsiga Dadka (CoMensha) waa urur ka shaqeeya ka hortaga ka ganacsiga dadka iyo gumeysiga. Tani dhibane ma u tahay? La soo xariir CoMensha (033) 448 11 86. Waxaad wici kartaa isniin ilaa iyo jimce, inta u dhaxeysa 9.00 iyo 17.00 saac.

Laanqeyrta Cas wey caawinayaan

Laanqeyrta Cas waxey ka caawiyaan dadka aan sharciga deganaanshaha heysanin warbixinta adeegga degaanka ka jira sida taageerada sharciga, daryeelka caafimaadka iyo hoyga.