Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Laba dhaqtar oo fiirinaaya sawir raajo ah
Laga soo xigtay: Antoni Shkraba

Daryeelka caafimaadka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:04 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii aadan sharci deganaansho Nederlaan ah lahayn, wey dhib badnaan kartaa sidaad daryeel u hesho. Haddana sida qof kasta ayaad xaq ugu leedahay daryeelka caafimaadka lagama maarmaanka ah. Bogan ayaa wixii dheeraad ee taasi ku saabsan ka aqrineysaa.

Xaqa daryeelka caafimaadka lagama maarmaanka ah

Haddadan heysanin deganaansho Nederlaan ma sameysan kartid ceymiska caafimaadka ee Nederlaan. Taasi waxaa sababay dadka aan sharci sax h heysanin looma oggola iney isticmaalaan adeegyada bulshada Nederlaanka.

Isla markaasi waxaa jira xaqa daryeelka caafimaadka. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay daryeel caafimaad oo lagama maarmaan ah. Daryeelka Caafimaadka lagama maarmaanka waa daryeelka uu dhaqtarka u arko iney caafimaad ahaan adiga lagama maarmaan kuu yihiin.

Daryeel bixiyayayaal badankooda ma oga in dadka aan sharci deganaanshaha heysanin iney xaq u leeyihiin daryeel ka ballaaran gargaarka deg dega. Waxaad websaaytka hey'adda gargaarka 'Basic Rights' ka heleysaa liiska meelaha aad xaalad kasta u tegi karto daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Qarashka daryeelkaaga la bixiyo

Maadaama aadan sameysan karin ceymis caafimaadka, waxey kaloo micnaheeda tahay inaad iskaaga u bixiso qarashka daryeelka aad u baahan tahay. Waxaa suura gal ah ineysan taasi kuu suuroobeynin, maadaama aad si sharci ah Nederlan uga shaqeysan karin.

Sidaa awgeed waxaa jira qorsho maaliyadeed halkaasoo daryeel bixiyayaasha ay adeegsan karaan si ay uga bixiyaan daryeelkaaga. Taasi waxaa loo yaqaan 'nidaamka ajaanibka aan ceymiska lahayn'. Nidaamkan waxaa fuliya Xafiiska Maamulka Dhexe (CAK).

Laanqeyrta Cas wey caawinayaan

Laanqeyrta Cas waxey ka caawiyaan dadka aan sharciga deganaanshaha heysanin warbixinta adeegga degaanka ka jira sida taageerada sharciga, daryeelka caafimaadka iyo hoyga.

Qodobkan ma ku caawiyay?