
Sidan ayaa samey kartaa haddii ay IND soo diido codsigaaga magangelyo
La wadaag baraha bulshada:
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) wey soo diiday codsigaaga magangelyo. Markaa waxaa heleysaa warqad IND. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa dhacaaya iyo waxa aad sameyn karto
Waxaad ka heleysaa waqrad IND oo ku qoran iney codsigaaga magangelyo soo diidi doonaan
Ka dib markaad marto wareysiga 2aad ee dacwadaada magangelyo, waxey
Waxaa warqada ku qoran sababaha diidmada ama ogolaanshaha iyo wixii cawaaqib adiga kuu yihiin. Waxaa warqada IND kala hadleysaa lawyerkaaga. Wuxuu lawyarka ka dib haystaa 1 beri uu warqada IND uga jawaabo. Warqadan waxaa lagu magacaabaa 'zienswijze' (qaabka aragtida). waxaa Qaabka aragtida adiga iyo lawyarkaaga ku qoreysaan sababta aadan ugu raacsanayn go'aankan hore ee IND
Waxaad IND ka heli doontaa warqad labaad oo sheegaysa inay dhab ahaan diidi doonaan codsigaaga magangelyo ama ay haddana oggolaan doonaan
Ka dib markii ay helaan warqada lawyerka iyo aqriyaan, ayaa, IND gaarayaan go'aanka rasmiga ah. Waxaa surra gal ah in IND weli codsigaaga ay soo diidaan. Waxaa kaloo suura gal ah in IND codsigaaga magangelyo ay oggolaadaan. Go'aankan rasmiga waxaa lagu magacaabaa 'beschikking' (xukun).
Haddii ay IND si rasmi ah u diido codsigaaga qaadiga maxkamada ayaad aadi kartaa
Ma soo diiday IND codsigaaga? Markaa waxaa adigoo lawyerka kaashanaaya racfaan ka qaadan kartaan maxkamada. Kala hadal lawyarkaaga haddii aad taasi rabto. Haddii uu lawyarkaaga rafcaan kuu qaado, xaakinka ayaa fiirinaaya haddii go'aanka IND uu sax yahay iyo in kale. Xaakinka wuxuu keliya fiirinaayaa in IND ay habraacii si sax ah u fulisay, laakiin uma sii guda geli doono go'aaminta kiiskaaga.
Haddii aad rafcaan ka qaadato go'aanka IND oo maxkamada, markaa waa joogi kartaa Nederlaan ilaa xaakinka go'aan ka soo gaaro
Haddii uu xaakinka go'aamiyo in IND dacwada sida saxda ah u fulinin, waa in IND go'aan cusub ay soo gaaraan. Haddii xaakinka go'aamiyo in IND dacwada sida saxda u fulisay, waxaa la tashan kartaa lawyarkaaga waxa aad rabto inaad sameyso. Waxaad kala dooran kartaa 3 arrin
1. Waxaad aadaysaa maxkamada sare
Kuma raacsanid go'aanka maxkamada? Markaa garyaqaankaaga ayaa maxkamad sare kaaga qaadaaya
Maxkamada Sare RvS waa maxkamada ugu sareysa Nederlaan. Taasi waxey micnaheeda tahay in go'aanka RvS aan maxkamad kale la geyn karin. Go'aanka maxkamadani waa kii ugu dambeeyey
Mar walba laguuma ogola inaad jawaabta maxkamada sare aad Nederlaan ku sugto. Lawyarkaaga waa inuu xaakinka si rasmi ah u weydiiyaa inaad joogi kartid Nederlaan si aad u sugto jawaabta. Taasi waxaa la yiraahdaa
2. Waxaad sameyneysaa codsi cusub oo magangelyodoon ah
Haddii ay jiraan xaqiiqooyin cusub ama xaalado isbedelay oo ku jira dacwadaada magangalyada, waxaad soo gudbin kartaa codsi cusub oo magangalyo. Tani waxay ku lug yeelan kartaa duruufo cusub, sida dagaal cusub oo ka qarxay dalkaaga ama xaalada halkaas oo sii xumaanaysa. Ama waxay khusaysaa duruufaha shakhsi ahaaneed ee is beddelay. Tusaale ahaan, haddii aad beddeshay diintaada Nederlaan intaa joogtay oo aad ka baqayso inaad ku laabato waddankaagi. Waxa kale oo laga yaabaa inaad haysato dukumeenti cusub oo taageeraya codsigaaga magangelyo. Kala hadal lawyarkaaga haddii aad rabto inaad gudbiso codsi cusub oo magangalyo.