
Bidix iyo midig: Sideed u fahantay siyaasadda Nederland?
La wadaag baraha bulshada:
Marka ay dadku ka hadlaan siyaasadda Nederlaan, waxay adeegsadaan ereyo ay ka mid yihiin "bidix," "midig", "horumar," iyo "muxaafid." Erayadani waxay noqon karaan kuwo adag, gaar ahaan haddii aad weli baranayso luqadda. Maqaalkan, waxaan u sharxeynaa erayadan si fudud.
Ereyadan halkee ka imaadeen?
Erayada bidix iyo midig waxay ka soo jeedaan Faransiiska, laga soo bilaabo sannadkii 1789. Waagii kacaankii Faransiiska. Baarlamaanka Faransiiska, dadka doonaya inay wax walba beddelaan waxay fariisteen bidix. Waxay rabeen xuquuq dheeraad ah dadka caadiga ah. Dadkii rabay in wax walba sidii ay ahaan jireen (caado) loo ilaaliyo ayaa dhanka midig fariistay. Sidaa ayaa erayadu ku yimi
Maalmahan waxaan inta badan isticmaalnaa bidix iyo midig si aan uga hadalno dhaqaalaha iyo bulshada Nederlaan.
Muxuu yahay bidix?
Dadka iyo xisbiyada bidixdaah, waxey u arkaan in dowladda ay dowr weyn ka ciyaartaa. Fikradooda ugu muhiimsan waasinnaan. Waey u arkaan in qof walba oo bulshada uu helaa fursad cadaalad ah, haddii uu qofka taajir yahay ama faqiir yahay
Waxey rabaanfarqiga taajirka ama faqiirka la yareeyaa. Waxey u arkaan in dadka taajirka ah iyo shirkadaha ay bixiyaan canshuur dheeraad ah
Lacagtaasi waxey rabaan in dowladda damaanad qaadoadeegyo fiican oo dadweyne. Sida waxbarasho lacag la'aan, daryeel wanaagsan oo cisbitaalka oo qof walba, iyo basas iyo tareeno raqiis ah.
Bidixda waxey rabaan in dadka dhamaanbadbaadin bulsholahaadaan. taasi waxey micnaheeda tahay in dowladda ay caawineysaa kaa caawisohaddii aad shaqo weydo ama aad xanuunsato, si aadan dhibaato u gelin.
Xisbiyada bidixda badiyaa waaiskaashiga caalamigaiyo waxey u arkaan in Nederlaan ay wadamada kale ay caawisaa.
Muxuu yahay garabka midigta?
Dadka iyo xisbiyada midigtaah, waxey u arkaan in dowladda ay wax badan sameynin. Fikradooda ugu muhiimsan waa inxornimo. Waxey u arkaan in dadka iyo shirkadaha ay xornimo lahaadaan iney iyaga doortaan waxey rabaan
Xisbiyada garabka midig waxay rabaan canshuur hoose. Waxay u malaynayaan in dadka iyo ganacsatadu ay markaas heli doonaan lacag badan oo ay si xoogan u shaqayn doonaan. Tani waxay u fiican tahay dhaqaalaha
Waxey aaminsan yihiin suuqa xorta waxaa ugu fiican in dowladda aysan wax badan isku mashquulin. Shirkadaha iyaga ayaa go'aamin doona waxa ay sameynayaan iyo qiimahiisa
Garabka midigta waxey xooga saaraanmas'uuliyada shaqsiga. Waa inaad xoog u shaqeysaa si aad guul u gaarto. Haddii aad taasi sameyso, waxaad heleysaa abaalmarin fiican
Xisbiyada midigta waxey badiyaa xooga saaraandanaha qaranka. Amaanka iyo barwaaqada wadankeena ayaa la hormarinayaa.
Waa maxay horumarka iyo muxaafidka?
Ka sokow bidixda iyo midigta ka sokow waxaad maqleysaa ereyadahorumariyomuxaafidka. Ereyadan waxey ku saabsan yihiin isbedelka bulshada. Taasi isla mid ma aha bidixda iyo midigta
Horumaridwaxey micnaheeda tahay'hor u socod raba. dadka horumarka u fekera, waxey rabaan in bulshada isbedesho iyo casri noqdo. Waxey rabaan fikrado iyo nidaamyo. Waxey tusaale ahaan taageeraan xaquuqda loo siman yahay ee bulshada LGBTQ+, iyo waxey kaloo qabaan in dhaqamada kale loo furfurnaado
Muxaafidkawaxey micnaheeda tahay 'dhowrid dhaqanka'. Dadka haysta fikrada muxaafidka, wey ka taxadaraan isbedelka. waxey rabaan iney sii heystaan xeerarkii hore, caadooyinka iyo qiyamka. Waxey u arkaan wixii aan hore u soo dhisnay, ay fiican yihiin iyo in taasi aan ilaalino.
Xisbiyada dhexe: wada shaqayn iyo xalinta mashaakilaadka
Ka sokow ereyada bidix iyo midig waxaad maqli doontaa dad ka hadlaaya kuwa dhexe. Tani waa waa meesha ay xisbiyada si waadix ah bidix ama midig u ahayn
Xisbiyada dhexe waxey isku dayaandheelitirkainey helaan u dhexeeya fikradaha bidixda iyo midigta
Kuwa dhexe badiyaa waahufan. Taasi waxey micnaheeda tahay iney gaar ahaan fiiriyaan waxa ficil ahaan shaqeynaaya, halkii ay keliya fikradooda ku dheganaan lahaayeen
Nederlaan kuwa dhexe aad ayey muhiim u yihiin. Ma jiro hal xisbi oo dhamaan codadka hela. Sidaa awgeed waa in xisbiyada wada shaqeeyaan si ay dowlad u sameeyaan. Xisbiyada dhexe waa buundadau dhexeeya bidixda iyo midigta. Waxey sameeyaanisla meel dhigid(ballamo) wada galaan si ay wadajir wax u maamulaan.