
Ururada kaa caawiya caafimaadkaaga nafsiga ee Nederlaan
La wadaag baraha bulshada:
Ma u baahan tahay taageero maskaxeed? Boggan, waxaad ka heli doontaa meesha aad u tagi karto taageero maskaxeed iyo caawimo ku saabsan habaynta dhacdooyinka naxdinta leh.
Waxaad caawino takhasus ka weydiisan kartaa dhaqtarka qoyska
Ma yahay xanuunkaaga mid bil ka dib aanaysan kaa bixin ama sii darsada? Markaa aad dhaqtarka qoyska. Dhaqtarka qoyska wuxuu kuu sii gudbin karaa caawiyayaal kale oo meesha u dhow. Tusaale ahaan qabiir nafsi ah, caawiyaha dhaqtarka ama kalkaalisada wax badan ka taqaana xanuunada nafsiga.
Dhaqtarka qoyska badiyaa asaga kuma caawin karo si loo xaliyo xanuunada nafsiga. Laakiin dhaqtarka qoyska wuu kaa dhageysanayaa arrintaada iyo wuxuu fiirinaayaa waxa ugu wanaagsan ee kuu habboon. Dhaqtarka qoyska talooyin ayuu ku siinayaa ku saabsan hurdada iyo cuntada. Marmar ayuu ku siinayaa daao hurdo oo dhowr beri ah si aad u seexato.
Caawinaada nafsiga
Ma u baahan tahay taageero maskaxeed? Waxaa jira ururo kala duwan oo aad si bilaash ah oo qarsoodi ah uga hadli karto walbahaarka, walwalka, ama dhacdooyinka naxdinta leh.
Mind Hulplijn
Waxaad xagga Mind hulplijn ka heleysaa caawino lacag la'aan ah iyo aadan is sheegeynin oo aad ka heleyso caawinayaal xirfadlayaal ah. Wey ku dhageysanayaan oo talo ayey ku siinayaan.
Wereld Psychologen
Wereld Psychologen waxay bixisaa la-talis bilaash ah oo khadka tooska ah oo ay la yeelato dhakhaatiirta cilminafsiga. Caawinta waxaa loogu talagalay qaxootiga iyo dadka la shaqeeya qaxootiga. Macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa mareegaha
Dhakhaatiirta Adduunka
Dadka asal ahaan ka soo jeeda qaxooti ama socdaal, taageerada caafimaadka dhimirka mararka qaarkood way adag tahay in loo helo. Tani waxay sidoo kale khuseysaa dadka aan haysan waraaqo sax ah iyo dadka aan lahayn hoy go'an oo ay ku noolaadaan
Dhakhaatiirta Adduunku waxay caawiyaan dadka ay ku adag tahay inay helaan daryeelka. Waxay bixiyaan kooxo taageero nafsaani ah.
De Luisterlijn
De Luisterlijn, waxaad si qarsoodi ah uga hadli kartaa walwalka, kalinimada, murugada, ama walbahaarka. Qof ayaa dhageysan doona arrintaada.
Mentaal Vitaal
Mental Vitaal, waxaad noogu imaan kartaa su'aalo ku saabsan caafimaadka dhimirka. Waxaad heli doontaa macluumaad, talo, iyo taageero.
PsychoseNet
PsychoseNet, waxaad weydiin kartaa su'aalo ku saabsan waallida, niyadda, dhaawaca, ama soo kabashada.
KopOpOuders
KopOpOuders waxay ka caawisaa waalidiinta arrimaha caafimaadka dhimirka, walbahaarka, ama dhibaatooyinka balwadda.
113 Zelfmoordpreventie (ka hortaga is-dilka)
Ma ku fekereysaa inaad isdisho? Mise qof ayaad ka walwalsan tahay? Iyada oo loo marayo 113, waxaad wici kartaa ama la sheekaysan kartaa bixiye daryeel bilaash ah oo aan la garanayn.
Frisse Gedachtes
Frisse Gedachtes waxaa loogu talagalay ardayda. Waxaad si bilaash ah oo qarsoodi ah ula sheekaysan kartaa
Caawino nafsiyada caruurta iyo dhalinyarada
Carruurtu waxay la kulmi karaan dhibaatooyin caafimaad nafsiyeed. Dagaal, qax, iyo jawi cusub ayaa ku adag qof walba, laakiin gaar ahaan carruurta. Hoos waxaad ka heli doontaa ururo ka caawiya carruurta iyo waalidkood taageero maskaxeed, talooyin wax ku ool ah, iyo macluumaad lagu kalsoonaan karo.
Khadka Taageerada ee Alles Oké? wuxuu bixiyaa taageero bilaash ah oo qarsoodi ah dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 25. Dhallinyaradu waxay kala xariiri karaan si ay uga hadlaan walbahaarka, walwalka, ama dareennada kale ee adag.
in je bol
Ma u dhaxaysaa 16 iyo 27 sano jir? Markaa waxaad si bilaash ah oo qarsoodi ah ula hadli kartaa "In je bol."
@ease
@ease, dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 12 ilaa 25 waxay si bilaash ah uga hadli karaan dhibaatooyinkooda. Uma baahnid gudbin ama ballan.
TEJO Nederland
TEJO Nederlaand waxay caawisaa dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 10 ilaa 20. Waxaad la hadli kartaa lataliye xirfadle ah si bilaash ah oo si kalsooni oo qarsoon.
JouwGGD
JouwGGD, dhallinyaradu waxay si bilaash ah oo qarsoodi ah ula sheekaysan karaan dhakhtar dhalinyaro ah ama kalkaaliye dhalinyaro ah.
PratenOnline
PratenOnline waxaa loogu talagalay dhalinyarada qaba walwalka ama niyad-jabka.