Baaruuda Nederlaan ee sannadka dhamaadkiisa iyo kankale bilowgiisa
Habeenka 31 disambar ee galo 1 janaayo waxaa Nedelaanka ku ciidaan baaruuda. Nederlaan oo dhan waxaa ka jira bandhigyo baaruuda. waxaa kaloo ay Nederlaan badan ay shidaan baaruuda, Qodobkan ka aqri meesha iyo goorta la oggol yahay. Iyo wixii la rabo inaad iska ilaaliso habeenka sannadka hore iyo kan cusub.
Baaruuda degmooyinka qaar waa ka mamnuuc
Degmooyinka badankooda waa la oggol yahay in aad shido rashka inta u dhaxeysa 18.00 iyo 02.00 saac. Laakiin degmooyinka qaar ayaa mamnuuc ay tahay in la shido rashka. Ka fiiri websaytka degmadaada haddii aad rashka ee degmadaada la oggol yahay. Badiyaa degmooyinkan dadka wey shidaan rashka. Taasi waa mamnuuc.
Buuqa la dhibsado ee baaruuda
Dhammaan Diseembar, u diyaargarow buuqa rashka. Rashka ugu badan waxa la shidaa Nederlaan diseembar 31. Laakiin todobaadyada ka horeeya, rashka sharci darada ah waa la shidaa. Xasuusnow tani. Waxaad maqli doontaa dhawaaqyo badan maalmaha ugu danbeeya ee sanadka.
Ka taxadar oo dhowr amaanka marka ad baaruuda shideyso
Rashku wuxuu noqon karaa mid halis ah. Sidaasi darteed, ka fikir badqabkaaga iyo badqabka dadka kale. Hashidin rashka adigu haddii aanad sameyn sidaasi marhore. Haddii aad shiday rash kahor, ka taxadir. Xidho muraayadaha rashka, isticmaal fuyuuska laydhka oo iska fogee rashka. Rashka culus waa la mabnuucay.
Gaadiidka dadweynaha wax yar ayuu shaqeeyaa
Dhammaadka sanadka, gadiidka dadweynuhu way kooban yihiin. Sidoo kale, basaska, tareenda, gawaadhida wadada iyo tareenka-dhulka hoos maraa wakhtiyo kala duwan ayey socdaan. Hubi inaad ka warhaysid jadwalka saxda ah. Tani waxa lagu muujiyaa wabsaaydka baska, tareenka, gaadhiga wadada ama tareenka dhulka hoos mara.
Sanduuqyada xidhan
Maalmihii u danbeeyey ee sanadka, sanduuqyada iyo weelka qashinka waa laga saaraa meesha ama waa la xidhaa. Tani waxay ka badbaadisaa dadku inay ku tuuraan rashka dhexdooda. Fadlan xasuusnow tani haddii aad rabtid inaad warqad dirtid.