Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Maalinta boqorka: Feestada oranjada

La shaaciyey: 4/19/2023 11:24 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Nederlaan waxey u dabaaldegayaan dhalashada boqorka Willem-Alexander sannad walba 27 abril. Feestadan waa mid wadani ah loo yaqaan maalinta Boqorka Koningsdag. Dadka badankooda shaqada waa laga fasaxaa. Halkan ayaad ka aqrineysaa sida maalinta Boqorka loo dabaaldego.

Habeenka boqorka

Habeenka ka horeeya maalinta boqorka ayaa loo yaqaan Habeenka boqorka. Dad badan ayaa aada baararka ama maqaayada. Maqaayadaha qaar ayaa abaabula barnaamij ama ay imaanayaan fanaaniin iyo Dj-yada.

Boqorka wuxuu soo booqanayaa sannadkan Rotterdam

Sannad walba waxaa boqorka Willem-Alexander uu maalinta boqorka soo booqdaa magaalo ama tuulo Nederlaan ah. Taasi waxaa uu si wadajir ah u aadaan xaaskiisa boqorada Máxima, gabdhahiisa iyo dad kale oo reerka ka mid ah. Sannadkan khamiista 27 abril 2023 waxey aadayaan Rotterdam.

Dadka degan Rotterdam waxaa soo booqanaaya qoyska boqorka. Waxey tusayaan waxyaalaha quruxda leh ee magaalada iyo wxey abaablaayaan ciyaaraha dhaqanka ee Nederlaan. Waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah

NOS

ay ka soo deyneysaa telefishanka NPO1.

Maalinta boqorka degmadaada

Meela walba oo Nederlaan ah ayaa looga dabaaldegaa Maalinta boqorka. Tuulooyinka badankooda waxaa laga abaabulaa ciyaaro iyo kunsheertooyin. Dad badan ayaa xeranaaya dharka midabka oranjaha. Waayo midabka oranjaha waa midabka guriga boqortooyada ee Nederlaan. Dadka waxaa kaloo ay wajigooda ku mariyaan rinji calanka Nederlaan ah.

Alaab lagu gado ama laga helo suuqa xorta

Waxaa la oggol yahay Maalinta boqorka inaad alaab ku iibiso jidka. Dad badan ayaa dhigta roog ay alaabta hore loo soo isticmaalay ku iibiyaan sida alaabta ilmaha ku ciyaaraan ama tusaale ahaan cdundefinedyada ama buugaag ayay gadaan. Taasi waxaa lagu magacaabaa suuqa xorta ah.

Ma rabtaa inaad alaab iibiso ama aad alaab ka raadiso suuqaasi xorta ah? weydiimeesh suuqa lagu qabto ee degmadaada. Meeqa ka hor ayaa booska la xajisanayaa si alaabta loo gado.

Iibinta qamrada

Maalinta boqorka badiyaa dariiqa waa la buuxaa. dad badan ayaa banaanka qamrada ku cabaaya. Taasi rasmi ahaan meel walba lama oggola oo boliiska ganaax ayey ku siin karaan haddii aad meel aan la ogolayn ku cabto.

Degmooyinka qaar waa iney dukaamada waaweyn ee adeega u hogaansamaan shrciyada iibka qamriga. Markaa waxaa tusaale ahaa ay gadayaan 1 gasac oo biirka ah ama dhalo qamri ah qofkiiba.

Wey fiican tahay inaad ogaato

Waxaa kaloo jira dhowr waxyaalood oo loo baahan yahay inaad ku xisaabtanto Maalinta boqorka. Taasi waxaad ka aqrineysaa hoos:

Qof walba shaqada fasax kama heysto
Waqtiyo kale oo gaadiika dadweynaha shaqeynayaan
Waqtiyo kale ayey dukaamada furan yihiin
Maqaalkan ma ku caawiyey?