Boqorka iyo boqorada Nederlaan waxey ubax dhigayaan fagaaraha de Dam ee Amsterdam mudada Xuska dadka dhintay.
Laga soo xigtay: Marco De Swart
Warar cusub

Dhibanayaasha dagaalka oo la xuso 4 maajo mudada Xuska dadka dhintay

La shaaciyey: 4/29/2025, 12:00 GH

Sannad walba waxaa Nederlaan ay xustaa 4 maajo dhibanayaasha dagaalada, oo ay ka mid tahay dagaalkii 2aad ee Aduunka. Taasi waxaa lagu magacaabaa Xuska dadkii dhintay. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa xuska dadka dhintay waxa uu yahay iyo waxa aad ka dareemeyso.

Mudadii dagaalkii 2aad Aduunka waxaa Nederlaan haystay intii u dhexeysey 1940 iyo 1945 jarmalka. Mudadaasi wax ka badan 100.000 oo Yuhuuda Nederlaanka ah ayaa la qabsaday oo la dilay taasoo sameeyey Jarmalka meesha heystay iyo Nederlaanka la shaqeynaayey. Yuhuuda ka sakow dad kale oo dadka laga badan yahay ayaa la qabsaday iyo la dilay.

Ka horjeesashada Jarmalka si culus ayaa loo ciqaabi jirey. Haddii Jarmalka dhulka heystay ama Nederlaanka la shaqeynaayey ogaadaan inuu qof ku jirey ka horjeedka, qofkaasi badiyaa waa la xiri jirey, jir dili jirey ama waa la dili jirey.

Waxaa 5 maajo 1945 dhamaaday haysashadii wadanka. Jarmalka ayaa is dhiibay ka dib markii askartii wadamadii la saaxiibka ahaa Nederlaan ay caawiyeen. Sidaa awgeed ayaa sannad walba 5 maajo loogu dabaaldegaa Maalinta Xornimada.

Mudada Xuska dadkii dhintay 2 daqiiqo ayaa la aamusnaanayaa

Habeenka 4 maajo waxaa dhamaan Nederlaan ka jira marka la joogo 20.00 saac in 2 daqiiqo oo la aamusan yahay oo loogu xusaayo dadkii dagaalada ku dhintay. Waxaan 2 daqiiqo la xusayaa Yuhuuda Nederlaanka iyo dadkii kale ee lagu dilay dagaalkaasi.

Waxaa kaloo aamusnaanta tahay ixtiraam loo muujinaayo dadka u halgamay xornimada Nederlaan. Waxaa kaloo ay tahay in laga fekero dadka hadda weli dagaal iyo dhib ku jira.

Waxa lagu qabtaa Xuska qaranka Amsterdam meesha fagaaraha de Dam

Maalinta qaranka ee dabaaldega Amsterdam ayaa ugu munaasabada xuska ee Nederlaan. Mudada Xuska Qaranka waxaa la qabtaa qudbado iyo gabey la aqriyo. Boqorka iyo boqorada waxey dhigaan ubaxyo matala dhamaan dadka Nederlaanka ayaa ubaxyo taalada dagaalka ee Dam. Sidoo kale boqorka wuxuu qabtaa qudbad halkaasoo lagu xuso dhibanayaasha dagaalka.

NOS
ayaa taasi lagala socon karaa 19.30 ayey si toos u soo daayaan knaalka NPO1. Sidaa ayaa qof walba uu xuska guriga kala socon karaa.

Xuska Qaranka ee fagaaraha Dam waa mid si xor ah loo geli karo. Muhiim ma aha in aad sii qabsato boos ama meel iska qorto.

Wadanka oo dhan ayaa laga qabsadaa socod la aamusan yahay iyo kunsheertooyin xuska ku saabsan

Magaalooyin iyo tuulooyin badan waxey qabanqaabiyaan munaasabado xuska ah. Waxaa kaloo ay ubaxyo dhigaan taalooyinka dagaalka. Meelo badan dadka waxey sameeyaan socod la aamusan yahay. waxaa kaloo wadanka oo dhan laga qabanqaabiyaa xaflado xuska ah si loogu maamuuso dhibanayaashii dagaalka.

Waxyaalahan ayaad ka dareemi doontaa Xusitaanka dadkii dhintay

  • Dadka ayaa calanka Nederlaanka ilaa bar bar suraaya gurigooda. Calanka oo bar bar la suraa waxey muujineysaa in aad murogooneyso. Waxaa 5 maajo calanka loo suraa sidii caadiga, si loogu dabaaldego maalinta Xornimada.

  • Dhamaan xarumaha caamka ah waa xasilooni marka la gaaro 20.00 saac. Waa muhiim inuu qof walba aamusnaado, oo aan baabuur wadin ama baaskiil. Sidoo kale gaadiidka dadweynaha shifeerada basaska jidka ayey gees ku joojiyaan. Maqaayadaha iyo meelaha qaxwada laga cabo ka hor intaan ka gaarin 20.00 saac ayaa shaqaalaha soo sheegaan in la gaaray 2 da daqiiqo ee aamusnaanta.

U dabaaldegida xornimada Maalinta Xornimada

Boggan ayaa ka aqrin kartaa wax dheeraad oo ku saabsan maalinta dabaaldega Maalinta dabaaldega xornimada ee Nederlaan.

Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful