Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Kinderen zwemmen in de zee

Laga soo xigtay: Pexels: Archie Binamira

Maxaa loo baahan yahay inaad ogaato haddii aad biyaha dabiiciga ku dabaalaneyso

La shaaciyey: 6/20/2023 12:06 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Cimilada wey fiican tahay Nederlaan. Dadka waxey ku quusaan biyaha si ay u qaboobaan. Adigana ma dabaalaneysaa? Markaa ka taxadir qatarta dabaasha ee biyaha dabiiciga.

Meelo kala duwan oo lagu dabaasho

Waxaa Nederlaan ka jiro meelo kala duwan oo lagu dabaasho. Adigana a rabtaa inaad dabaalato? Taasi waxaa sameysaa keliya marka aad dabaasha taqaano. Waxaa kaloo muhiim ah in lagu dabaasho meelaha tayada biyaha iyo amaankeeda la ogaanaayo. Meelaha biayaha qaarkood nadiif ma aha ama waa qatar in lagu dabaasho

Halkan ka aqri warbixinta noocyada biyaha dabiiciga iyo qatarta loo baahan yahay inaad iska ilaaliso.

qibrada dabaasha

Keliya biyaha aad haddii aad dabaasha taqaano. Maadaama Nederlaan ay biyo badan leedahay, waxaa ilmaha Nederlaanka iyagoo da'yar la siiyaa casharada dabaasha. Badankooda ilmaha iyo dadka waaweyn een Nederlaanka waxey heystaan shahaadada dabaasha. Sidaa awgeed qatar badan kuma sugna iney shilal biyaha ah la kulmaan

Ma rabtaa inaad barato dabaasha? Fiiri bogga dabaasha Nederlaan' ‘Zwemmen in Nederland’ ee RefugeeHelp

Hiirar xoogan oo badda ah

Waxaa badda ka sameysma qul qulo xoogan. Qul qulka waa hiirar xoogan oo badda dhexdeeda ah taasina qatar ayey noqon karaan

Ha isku deyin inaad hiirarka xoogan aad ka horjeesato oo dabaalato. Taasi wa mid aan marna suuroobeynin keliya daalbadan ayaa ka qaadeysaa. Dhinac dhinac, si tartiib aad xeebta ah, si toos u u raac hiirarka ilaa aad dareento in hiirarka ay daciif noqdeen

Qul qulka wey adag tahay sida loo aqoonsado. Laakiin dhowr waxyaalood ayaa ka taxadari kartaa, sida:

  • Meel ka mid ah badda ayaa leh hiirar ka yar looga jeedaa

  • meel ka mid ah badda ayaa u muuqda in qeyb qoto dheer ku dhex jiro meel biyaha aan qoto dheereyn

Waxaa kaloo jira qul qulo hooseeya ama kuwo koreeyo badda. Waa kuwan qatarta:

  • Qul qulka hooseeya dhaqso ayuu xeebta kaaga soo jiidan karaa, ilaa badda furan. Dib u soo dabaalashada wey adag tahay. Dhaqso ayaad si xoog ah u daali doontaa

  • Qul qulka koreeya xeebta ayuu kaa jiidan karaa, laakiin wuu ka xoog yar yahay qul qulka hooseeya. Qul qulka koreeya wuxuu kuu jiidi karaa xagga alaabta ama doomanka, markaasoo ay kordheyso qatarta isku dhicida.

Ha isku deyin inaad hiirarka ka soo horjeedkooda u dabaalato. Isku day inaad dhinaca geeska u dabaalato adigoo u dabaalanaaya xagga xeebta.

Maraakiibta webiyada iyo kanaalada

Webiyada iyo kanaalada waxaa mara maraakiid waaweyn kuwaasoo qatar u ah dadka dabaalanaaya. Maraakiibta waaweyn badiyaa si fiican uma arkayaan dadka dabaalanaaya. Waxaa kaloo ay maraakiibta sameeyaan hiirar xoog badan. Biyaha ayaa la riixayaa markaa asagoo xoog badan soo noqonaaya, kaasoo ku jiidan kara.

Sidoo kale ka soo boodista buundada iyo kanaalka ama webiga waa khatar. Wey adag tahay in la arko ilaa inta ay biyaha qoto dheer yihiin biyaha wasaqda ah waxaa ku jiri kara alaab gudaha biayaha.

Guutada badbaadinta Nederlaan

Guutada badbaadinta Nederlaan waa urur ka shaqo gasha amaanka biyaha iyo caawinaada shilalka. Guutada badbaadinta waxey sameeyeen qoraal ay ku sharaxeyso qatarta dabaasha biyaha dabiiciga. Waxaa halkaan ku qoran ku qoran faahfaahin midabyada calamaha aad xeebta ku arkeyso.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?