• Bilowga
  • Markaa codkaaga waxaad u dhiiban kartaa mudada doorashooyinka wadanka
Qof heysta mikrofoon weyn
Laga soo xigtay: Thirdman

Markaa codkaaga waxaad u dhiiban kartaa mudada doorashooyinka wadanka

La shaaciyey: 11/10/2023, 3:35 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa codbixinta bedelka waxaa loo oggol yahay sidoo kale dadka aad jinsiyada Nederlaanka heysanin. Iyaga si rasmi ahaan uma codeyn karaan doorashooyinka wadanka. Sidaa awgeed aayaa ururada qaarkood ay abaabulaayaan doorashooyin bedelka ah. Halkan ka aqri sidaad uga qeyb qaadaneyso.

Sidan ayaa doorashooyinka Nederlaan u shaqeeyaan

Waxaa 22 nofeembar Nederlaan la dooranaayaa golaha wakiilada. Mudada doorashooyinka waxey Nederlaanka dooranaayaan wakiiladooda bulshada kuwaasoo si wadajir ah Nederlaan u maamuli doona. Doorashooyinkaan dadka da'dooda ka weyn tahay 18 sano keliya ayaa loo oggol yahay ee heysta baasaboor Nederlaan ah

Ma weydiisatay magangelyo Nederlaan ama codsigaada ma la soo diiday? Markaa kama qeyb qaadan kartid doorashooyinka. Sidoo kale markaad sharciga deganaanshaha magangelyo heysato lama oggola inaad codeyso. Taasi waey micnaheeda tahay inaadan wax wax awood rasmi ah aadan ku lahayn nidaamka Nederlaan oo noloshaada iyo mustaqbalkaaga saameynaayo.

Waxaad codkaaga ka dhiiban kartaa codkaaga goobta codeynta bedelka ah

Sidaa awgeed waxaa la abaabulaayaa Here to Support iyo

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Stichting gaar ah oo leh magaca ROS
doorashooyin magaca "Your vote, my choice". Meelo kala sduwan oo Nederlaan waxaa dhiiban kartaa fikradaada xafiiska codeynta bedelka ah. Halkan ayaa fikradaha iyo xalalka ayaa qori kartaa ee Nederlaan oo kaararka codeynta.

Waxaa kaararka la buuxiyey ay 21 iyo 22 nofeembar loo qeybinaayaa dadka codeynta rasmiga loo oggol yahay. Sidaa ayaa iyaga codkaaga ee xisbiga siyaasiga ugu saleyn karaan fikradahaaga. Sidaa ayaa fikradaada ugu qaadi kartaa codkooda rasmiga ah ee doorashooyinka.

Doorashada ka dib, ra'yigaaga waxaa lala wadaagi doonaa wakiilada bulshada cusub

Doorashada ka dib, warqadaha codbixinta ee goobta doorashada ayaa sidoo kale lala wadaagayaa wakiilada cusub ee Nederlaan. Sidan ayay weli u maqlayaan ra'yigaaga inkastoo aan si rasmi ah laguu ogolayn inaad codayso.

Meelahan ayaa ka codeyn kartaa

Meelahan ayaa ka qeyb qaadan kartaa dhaqdhaqaaqa:

Here to Support oo ah Amsterdam

Taariikhyada: arbacada 15 nofeember iyo khamiista 16 nofeember : waqtiyada15 nofeember laga bilaabo 13.00 ilaa 20.00 saac iyo 16 nofeember laga bilaabo 13.00 ilaa 17.00 saac Cinwaanka: Afrikanerplein 1, Amsterdam Ku: Qof walba oo degan Nederlaan, laakiin lama oggola in ka qeyb qaato doorashooyinka rasmiga ee 22 nofeember.

Wereldhuis ee Den Haag

Taariikhda: 15 nofeember Waqtiga: 17:30 - 20:30 saac

Cinwaanka: Hooftskade 87, Den Haag Ee: Dadka weydiistay magangelyada oo la soo diiday ama Nederlaan degan, laakiin aan sharci magangelyo weydiisanin.

Vluchtelingen in de Knel ee Eindhoven

Taariikhda: 10 nofeember ilaa 16 nofeember Cinwaanka: Tweede Walstraat 19, Nijmegen

ee:Dadka Dadka codsigooda magangelyo la soo diiday ama Nederlaan degan, laakiin aan sharci magangelyo weydiisanin.

Stichting GAST ee Nijmegen

Taariikhda: 13 nofeember ilaa 17 nofeember Cinwaanka: Tweede Walstraat 19, Nijmegen

ee:Dadka Dadka codsigooda magangelyo la soo diiday ama Nederlaan degan, laakiin aan sharci magangelyo weydiisanin.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?