• Bilowga
  • Waxaa Awet oo Eritreeyada ah rabtaa maamul qaxooti wanaagsan: "Waxaan rajeynayaa iney siyaasiyiinta na dhageystaan"
Meelaha codeynta ee dhaqdhaqaaqa codeynta "Your Vote, My Choice".
Laga soo xigtay: RefugeeHelp / Aline Bleeker

Waxaa Awet oo Eritreeyada ah rabtaa maamul qaxooti wanaagsan: "Waxaan rajeynayaa iney siyaasiyiinta na dhageystaan"

La shaaciyey: 11/21/2023, 2:41 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa Ururka Here To Support u yaala meelo lagu codeeyo oo gaar ah halkaasoo aad ku codeyn karto marka aad xaqa codeynta heysanin. Isku darki boqolaal dad ayaa doorashada rasmiga ka hor soo codeeyey meelo la mid ah oo Nederlaan oo dhan ku yaala. Awet, waa qaxooti ka timid Eritreeya, waxey tiri: "Dowlada Nederlaan ima dhageysaneyso. waxaan rajeynayaa iney siyaasiyiinta cusub ay rabaan iney dhageystaan."

Ku shaqo leh siyaasad oo aan heysan baasaboor

Haddii aad weli dacwada magangelyada kuu socoto ee Nederlaan ama aad Nederlaan degan tahay adigoo aan heysanin waraaqo sax ah markaa dhaqdhaqaaq siyaasi oo gaar ah "Your Vote, My Choice" waa codeyn kartaa. Xitaa haddii aad heysato sharci deganaansho muddo ah, markaa codkaaga waad dhiiban kartaa. Meelo kala duwan oo Nederlaan ayaa codeynta gaarka ah xafiisyadooda ka furan yihiin ka hor doorashooyinka.

Qof walba oo meesha ka soo codeeya, hal shey ayey wadaagaan: Ma heysatid basaboor Nederlaan ah iyo sidaa awgeed uma codeyn kartid doorashooyinka Golaha Wakiilada. Laakiin dhaqdhaqaaqan doorashada awgeed ee Here to Support en Stichting ROS, waxaad adigoon heysanin baasaboor Nederlaan ah aad fikradahaaga siyaasiga Nederlaan la wadaagi kartaa.

Awet: "Aniga waxaan u codeynaa maamul qaxooti wanaagsan"

Awet, oo ka soo qaxay Eriteeya ayaa tiri: "siyaasiyiinta waa iney u wanaagsanaadaan qaxootiga iyo qadarin u hayaan."Wuxuu rajeynayaa in doorashooyinka ka dibay arrimaha is bedelaan, si uu markaasi wax u baran karo iyo nolol fiican u heli karo.

Laakiin wuxuu ugu jeclaan lahaa inuu walaalahiisa Nederlaan imaadaan. Waxey degan yihiin Suudaan oo dagaal ka jira. "waan ka wel welsanahay mustaqbalkooda iyo amaankooda iyo waxaan rajeynaa iney Nederlaan mustaqbal ka sameysan karaan"ayuu yiri Awet. "Sidaa awgeed ayaan u dooranaayaa maamul magangelyodoonka wanaagsan iyo muhiim u arkaa in aan ka qeyb qaato dhaqdhaqaaqan."

Qoraalka wuu sii socdaa sawirka ka dib:

Benjamin: " Waxaan rabaa inaan ka qeyb qaadan karo bulshada Nederlaanka"

Xitaaa Benjamin oo ka yimid Gaana muhiim ayauu u arkaa. "Codkeyga waa in la maqlaa". ayuu ku dhiirtay. Waayo hadda wuxuu dareemayaa inaan la maqleynin. "Aniga waan ka qeyb qaataa Nederlaan. Waan deganahay halkan, halkan ayaan ka shaqeeyaa oo adeega aan isticmaalo waan iska bixiyaa. Laakiin maadaama aan waraaqo heysanin, si rasmi ah ugama tirsani bulshada Nederlaanka."

Benjamin wuxuu rabaa iney fududaato sida waraaqaha loo helo, si uu si buuxda uu uga qeyb qaadan karo Nederlaan. "Nolosha waraaqo la'aanta ay wey adag tahay iyo aniga waxaan u maleynayaa inaa wax badan ku kordhin karo marka rasmi ahaan loo ogolaado."

Fanny: 'Degaanka waa mawduuc muhiim ah ee dadka soo codeynaaya"

Waraaqaha codeynta ee gaarka ah ayaa ku qerysaa xafiisyada codeynta gaarka ah mawduucyada adiga aad muhiimka u aragto. Iyo waxa loo baahan yahay in Nderlaan laga bedelo. waxaa fiiro gaara ah in dad badan oo codeeya aysan keliya xiiseynin arrimaha magangelyada. Fanny oo ka socota ere To Support:"Sidoo kale dadka jinsiyada Nederlaanka heysta, waxey codeeyayaasha halkan ay rabaan in dowlada ay ku dadaasho si loo helo degaan/guri dadka iska bixin karaan."

"Dhaqdhaqaaqan wuxuu i siinyaa cod"

Waxaa warqqaha codeynta la bixinayaa 22 nofeembar, maalinta doorashada ee rasmiga ah, waxaa lagu qeybin doonaa dadka Nederlaanka ee codeyn kara. Sidaa ayaa codeeyayaasha waxa ay jecel yihiin ugu qaadi karaan qof aan taasi loo ogolayn. Doorashooyinka rasmiga ka dib ayaa Here to Support iyo ROS ay dhibcaha ugu muhiimka ah la wadaagi doonaan siyaasiyiinta Nederlaan hogaaminaaya.

Dhamadka dhaqdhaqaaqa waxaa wax ka badan 100 codeeyeyaasha gaarka ah ee Amsterdam ay ogeysiinayaan waxa iyaga muhiimka u ah. "Dhaqdhaqaaqan wuxuu i siiyey cod", ayey yiraahdeen codeeyayaasha. Xitaa anigoo aan lahayn xaqa codeynta halkan ayaa si karti leh fikradaada iyo welwelkaaga u maqashiin kartaa. "Waxaan rajeynayaa in siyaasada ay wax ku sameeyaan". ayuu go'aamiyey Benjamin.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?