• Bilowga
  • Ma jiro meel ku filan dadka dhamaan iyo xaalada Ter Apel oo nabad daro noqotay
Laga soo xigtay: RefugeeHelp

Ma jiro meel ku filan dadka dhamaan iyo xaalada Ter Apel oo nabad daro noqotay

La shaaciyey: 12/14/2023, 3:08 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waqtigan xaadirka dad badan ayaa jooga xerada is dhiibitaanka ee qaxootiga Ter Apel. Ma jiro boosas ku filan oo xaalada waa mid xun. Waa inaad sidaa awgeed laga yaabaa in meel kale laguu diro. Halkan ka aqri sida ay u shaqeeyaan.

Dad badan waxey seexanayeen qolalka sugitaanka ee IND

Xerada is dhiibitaanka ee Ter Apel

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Centraal Orgaan opvang Asielzoekers (COA)
ma laha boosas badan oo dejinta ah. Sidaa awgeed dad badan ayaa seexda qolalka sugitaanka
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Immigratie- en Naturalisatiedienst (IND)
. laga bilaabo hadda lama oggola iney seexdaan qolalka sugitaanka iyo waa iney COA meel u heshaa

Iyadoo ay jirto boosas la'aan ayaa xaalada nolosha ee Ter Apel wuu xun yahay. Ma jiro sariiro dadka dhan ay ku seexdaan ama musqulo ay isticmaalaan. Waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
NOS
u sheegay wasiir ku xigeenka Cadaalada iyo Amaanka in Nederlaan oo dhan dhaqso4.000 ilaa 5.000 oo boosas ah la helaa. Markaa ka dib ayaa Nederlaan qaxootiga siin kartaa dejinta qaxootiga loo baahan yahay iney helaan.

Adiga laguma oggola inaad iskaaga u safarto xero kale

Waxaa suur gal ah COA iney Ter Apel ka dib xero kale ku geeyaan. Meeshaasi ayaad joogeysaa ilaa lagaa diiwaan gelinaayo Ter Apel. Mar mar waa inaad ku noqotaa Ter Apel si laguu soo diiwaangeliyo. Gaadiidka aad ku aadeyso iyo ku noqoneyso Ter Apel COA ayaa abaabuleysa. Iyagaa kuu sharaxaaya marka iyo qaabka aad u aadeyso iyo uga soo noqoneyso Ter Apel.

Ha u aadin si isku filnaan ah xero kale. Waayo markaa IND ma oga meesha aad joogto oo is diiwaangelinta Ter Apel oo kaa daahaaya ama aan si fiican u socon doonin.

Waxa IND ay wadaajinaayaan kuwo gacanta lagu xirto kuwaasoo sheegaaya siduu u socdo marxalada codsiga magangelyada

Hadda miyaa timid Ter Apel? Markaa waxaa IND u sheegeysaa diiwaangelinta warbixintaada, sida jinsiyadaada iyo aqoonsigaaga. Waxaa IND og tahay inaad Ter Apel iska soo diiwaangelisay iyo in dacwadaada magangelyo uu bilaabanaayo.

Diiwaangelinta IND ka dib waxaad heleysaa warqad faahfaahin la socda ee dacwadaada iyo wax gacanta lagu xirto. Warqadan waxaa ku qoran qaabka dacwadaada u socon doono. Waxa gacanta kuugu xiran waxey la socotaa warqada. Sidaasi ayey shaqaalaha Ter Apel ama xeryaha kale ay ku arkayaan dacwadaada adiga ku quseysa iyagoon aan warqada u baahanin iney aqriyaan.

Iyadoo ay ku xiran tahay xaaladaada waxaad heleysaa faahfaahin ku saabsan meesha aad degeyso iyo intea kale ee dacwadaada magangelyada.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?