• Bilowga
  • Waxaa soo socda sharciyo cusub oo Yurubiyanka ku saabsan magangelyodoonka iyo soo galootiga
Sawir oo Baarlamaanka Yurubiyanka ee Brussel, Biljimka.
Laga soo xigtay: Wikimedia Commons

Waxaa soo socda sharciyo cusub oo Yurubiyanka ku saabsan magangelyodoonka iyo soo galootiga

La shaaciyey: 1/24/2024, 2:54 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Wadamada Yurubta Midowday (EU) waxey rabaan isku raaceen disambar 2023 nidaamyo cusub oo magangelyo iyo soo galooti. Qodobkan ayaa fahfaahinaaya nidaamyada kuwa ay yihiin. Iyo waxa saameyn ay adiga kuu leeyihiin.

Wadamada-EU wey wada shaqeeyaan si ay qaxootiga u qaaabilaan. Laakiin wadamada Yurub ee EU kuma qanacsana wada shaqeynta sida ay tahay hadda.

Wadamada waxey rabaan tusaale ahaan nidaam adag oo qaxootiga ka soo gala Yurub xagga xaduudyada banaanka, tusaale xagga Giriiga ama Talyaaniga.

Sharciyada cusub ee Yurubiyanka waxay jirayaan ugu horeyn 2026

Waxaa EU ay 23 disambar 2023 isku raaceen qaab wadashaqeyntooda ay ku sii wanaajin doonaan. Sharciyo cusub weli lama sameynin.

Hadda waxaa wadamada Yurubiyanka ay ka wada heshiinayaan sharciyada gaarka ee loo baahan yahay. Haddii wadahadalka hagaago, waxaa sharciyada cusub ay howlgeli doonaan 2026. Ilaa yo markaasi isma bedelayaan sharciyada Yurubta Midowday EU.

Kuwani waa qorshaha Yurubta Midowday

Halkanka aqri qorshaha ugu muhiimsan ee Yurubta Midowday ee magangelyodoonka iyo soo galootiga:

Go'aaminta dhaqsaha ee dadka u qaxaaya Yurubta
Qaab dacwadeed kale oo dadka ka imaada wadamada amaanka ah
Wadamada EU ayaa dooran kara hadii ay magangelyodoonka qaabilayaan
Waxaa EU rabaan in nidaam cusub -Dublin

Qorshahani waa weli iney ogolaadaan nidaamka sharciga Yurubka

Ka hor intaan qorshahan nidaam noqonin, waa in Baarlamaanka Yurubta ay wadamada ka tirsan EU qorshahoaasi ogolaadaan. Waxaa 6 juun 2024 ayaa doorashooyinka Yurubiyanka la qabanayaa. Waxey EU yiraahdeen in sharciyadan cusub ee soo galootiga iyo magangelyodoonka si wanaagsan loo fiirin doono.

Waxaa doorashooyinka Yurubiyanka ayaa la ogaanaayaa nooca qorshaha ay sharciga Yurubka ay adeegsan doonaan.

Kuwani waa saameynta imaan kara haddii sharciyada cusub la hirgeliyo

Sharciyada cusub awgeeda wey ka sii adkaaneysaa in laga bilaabo 2026 in magangelyo Yurub laga weydiistaa. Waxaa kaloo sii badanaaya rajada in qaxootiga wadamada amaanka lagu xiro xaduudahaha. Iyo in dacwadaha magangelyo ee Yurub ay sii dheeraadaan.

Laakiin saameyntan waxey ku xiran tahay sida iyo goorta la soo bandhigayo qorshayaasha cusub. Iyo in qorshayaashan lagu soo bandhigi karo nidaamka sharciga ee Yurubta Midowday. ​.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?