
Waxaa soo socda sharciyo cusub oo Yurubiyanka ku saabsan magangelyodoonka iyo soo galootiga
La wadaag baraha bulshada:
Wadamada Yurubta Midowday (EU) waxey rabaan isku raaceen disambar 2023 nidaamyo cusub oo magangelyo iyo soo galooti. Qodobkan ayaa fahfaahinaaya nidaamyada kuwa ay yihiin. Iyo waxa saameyn ay adiga kuu leeyihiin.
Wadamada-EU wey wada shaqeeyaan si ay qaxootiga u qaaabilaan. Laakiin wadamada Yurub ee EU kuma qanacsana wada shaqeynta sida ay tahay hadda.
Wadamada waxey rabaan tusaale ahaan nidaam adag oo qaxootiga ka soo gala Yurub xagga xaduudyada banaanka, tusaale xagga Giriiga ama Talyaaniga.
Sharciyada cusub ee Yurubiyanka waxay jirayaan ugu horeyn 2026
Waxaa EU ay 23 disambar 2023 isku raaceen qaab wadashaqeyntooda ay ku sii wanaajin doonaan. Sharciyo cusub weli lama sameynin.
Hadda waxaa wadamada Yurubiyanka ay ka wada heshiinayaan sharciyada gaarka ee loo baahan yahay. Haddii wadahadalka hagaago, waxaa sharciyada cusub ay howlgeli doonaan 2026. Ilaa yo markaasi isma bedelayaan sharciyada Yurubta Midowday EU.
Kuwani waa qorshaha Yurubta Midowday
Halkanka aqri qorshaha ugu muhiimsan ee Yurubta Midowday ee magangelyodoonka iyo soo galootiga:
Go'aaminta dhaqsaha ee dadka u qaxaaya Yurubta
Waxaa Yurubta Midowday rabaan iney dhaqso uga go'aamiyaan dadka Yurubta Midowday u soo qaxaaya. Taasi waxaa loo yaqaan baarista 1aad, iyo taasi waxey soconeysaa 7 beri.
Mudada baaritaankan faro iyo sawiro ayaa lagaa qaadaayaa oo lagu keydinaayaa keydka interneetka. Sidaa ayey rabaan Yurubta Midowday iney ku fududeeyaan iyo ay uga hortagaan in dadka ay wadamo kala duwan oo Yurubta Midowday ah magangelyo ka weydiistaan.
Qaab dacwadeed kale oo dadka ka imaada wadamada amaanka ah
Qab dacwadeed kale oo dadka ka imaad wadamada amaanka ah
Dadka ka imaada wadamada amaanka waxey Yurubta Midowday EU rabaan dacwad magangelyo deg deg ah. Dacwadan ugu badnaan soconeysaa 9 bilood. Sidaan dadka dhaqso loogu celin karaa wadanka ay ka soo jeedaan haddii wadankiisa sida Yurubta midowday u arkaan wadan amaan ah. Waxaa EU ay ku hawlan yihiin sidii ay si wadjir ah liis u sameeyaan oo wadamada amaanka ah.
Mudada dacwadan waxaa dadka ay muddo lagu heynaayo meel xabsi oo kale ah oo ah banaanka xaduudka Yurubta.
Haddii ay cadaato in qaxootiga ay wadamo amaan ah oo aan magangelyo xaq u lahayn, waxaa loo celin karaa wadanka ay ka soo jeedaan.
Wadamada EU ayaa dooran kara hadii ay magangelyodoonka qaabilayaan
Hadda waa in wadamada dadka ay imaanayaan, ayaa dhamaan qaxootiga daryeelayaa. Talyaaniga iyo Giriiga ayaa qaxootiga badankooda qabsada. Laakiin haddii ballantan la ogolaado, waa in dhamaan wadamada ay qaxootiga wada qaabilaan. Ama wadamada qaxooti yar qaabila, waxey bixinayaan lacag wadamada qaxootiga badan qaabila.
Wadanka Yurub ee qaxootiga imaadaan, waa in weli la baaraa haddii qofka magangelyo ka weydiisan karo Yurub.
Waxaa EU rabaan in nidaam cusub -Dublin
Nidaamka
waa la adkeynayaa. Qaxootiga wey ku sii adkaaneysaa iney wadan kale oo Yurub ah aadaan haddii ah hore uga diiwaan gashan yihiin wadan Yurub ay koow imaadeendacwada-DublinWaxaa EU rabaan in qaxootiga si fiican loogu kala qeybiyaa wadamada kala duwan.
Qorshahani waa weli iney ogolaadaan nidaamka sharciga Yurubka
Ka hor intaan qorshahan nidaam noqonin, waa in Baarlamaanka Yurubta ay wadamada ka tirsan EU qorshahoaasi ogolaadaan. Waxaa 6 juun 2024 ayaa doorashooyinka Yurubiyanka la qabanayaa. Waxey EU yiraahdeen in sharciyadan cusub ee soo galootiga iyo magangelyodoonka si wanaagsan loo fiirin doono.
Waxaa doorashooyinka Yurubiyanka ayaa la ogaanaayaa nooca qorshaha ay sharciga Yurubka ay adeegsan doonaan.
Kuwani waa saameynta imaan kara haddii sharciyada cusub la hirgeliyo
Sharciyada cusub awgeeda wey ka sii adkaaneysaa in laga bilaabo 2026 in magangelyo Yurub laga weydiistaa. Waxaa kaloo sii badanaaya rajada in qaxootiga wadamada amaanka lagu xiro xaduudahaha. Iyo in dacwadaha magangelyo ee Yurub ay sii dheeraadaan.
Laakiin saameyntan waxey ku xiran tahay sida iyo goorta la soo bandhigayo qorshayaasha cusub. Iyo in qorshayaashan lagu soo bandhigi karo nidaamka sharciga ee Yurubta Midowday. .