• Bilowga
  • Sharci cusub oo la ansaxiyey si loo wanaajiyo dejinta magangelyodoonka Nederlaan
Nin ayaa sugaaya xarunta dejinta magangelyodoonka.
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Goedelle Monnens

Sharci cusub oo la ansaxiyey si loo wanaajiyo dejinta magangelyodoonka Nederlaan

La shaaciyey: 1/24/2024, 3:34 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa la ansaxiyey sharci cusub oo dejinta magangelyodoonka ee Nederlaan wanaajinaaya. Sharcigan darteed ayaa la helaayaa boosas kaafi ah oo dhamaan degmooyinka Nederlaan si dhamaan qaxootiga loo dejiyo. Sharciga wuxuu bilaabanayaa 1 febraayo 2024.

Waxaa jiro meelaha lays dejiyo Nederlaan oo yaraaday ee dadka magangelyada weydiisanaaya. Xitaa dadka sharci deganaansho magangelyo heysto ma helaan guryo ay degaan.

Sidaa awgeed ayaa xeryaha la dejiyo ay badiyaa u buuxaan. Waxaa kaloo jira in xeryaha mudada ah badiyaa aysan ku haboonayan dejinta. Sida teendhooyinka iyo hoolalka wax lagu qabto. Iyo waa iney dadka marar badan guuraan marba xero mddo ah a aadaan.

Degmooyinka waa lagu waajibinaayaa iney abaabulaan xeryo dejin ah

Waxa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dhexe ee dejinta Magangelyodoonka (COA)
weydiisaa degmooyinka iney abaabulaan meelo dejin ah. Laakiin degmooyin badan taasi ma sameeyaan, maadaama taasi aysan mas'uuliyadooda ahayn. Sharciga cusub, ee la ansaxiyay 23 janaayo 2024, waxaa degmooyinka lagu waajibinaayaa degmooyinka dejinta.

Waxaa wasaarada Amaanka iyo Cadaalada ay sharcigan cusub awgiisa ay degmooyinka ku waajibin kartaa iney dadka dejiyaan. Inta qofood ee degmada dejineyso, waxey ku xiran tahay inta qofood ee degmadaasi degan. Degmooyinka waaweyn waa iney dad badan qaabilaan marka loo eego degmooyinka yar yar. Markaa ayaa dejinta loo faafinaayaa si daacad ah. Sidoo kale degmooyinka iyo dadka degan ayaa qaabkan si fiican isug diyaarin karaan dejinta.

Degmooyinka isla wadashaqeyn karaan si ay inta boos ee dejinta u abaabulaan

Ma ahan dhamaan degmooyinka iney boosas dejin haystaan. Degmooyinka hal gobol ayaa wadajir qorshe u sameyn kara. Markaasoo degmana ay boosas badan oo dejin abaabuleysaa, degmo kalen markaa waxba lagama rabo iney sameyso.

Degmooyinka iyagaa go'aansanaaya sida ay dejinta u abaabulayaan. Waxaa tusaale ahaan:

  • Waxey dhisi karaan xero dejin weyn (oo dad ka badan 100 qof).

  • Meelo kala duwan oo yar yar oo dadka la dejiyo iney dhisaan (ka yar dad ah 100 qofoood).

  • Dad badan oo sharci deganaansho heysta oo guri laga siiyo degmadooda waa waxa ugu yar ay waajib ku tahay.

Wasiir ku xigeenka magangelyodoonka ayaa mashruuca wax ka bedeli karo hadii ay gobolka si fiican u shaqeynin. Wasiir ku xigeenka wuu ku qasbin karaa degmooyinka iney boosasa badan sameeyaan.

Nidaamyada cusub ma keenayaan isla markiiba xeryo badan oo dadka la dejiyo

Mudoo ayey qaadaneysaa ilaa nidaamka cusub ay wax bedalayaan. Sharciga wuxuu dhaqan gelayaa 1 febraayo 2024, laakiin degmooyinka waxey heystaan 9 bilood si ay mashruuc ula imaadaan iyo ay tashadan. Ilaa iyo hadda waxaa weli loo baahanayaa xerooyin dejin ku meel ah. Xaaladahana isla markii ma soo fiicnaanayaan.

Wasiir ku xigeenka wuxuu rajeynayaa iney dhaqso meelo dejin oo cusub in la helaa. Laakiin sannado ayey qaadan kartaa ilaa wax walba ay si fiican u abaabulmaan.

Mustaqbalka sharciga weli waa mid aan a hubin maadaama ay xisbiyada wada heshiinayaan

Xisbiyo badan ayaa ku faraxsan sharciga cusub. Iyo COA iyo degmooyin badan. Laakiin xisbiyo siyaasi qaarkood wey ka soo horjeedaan sharciga. Tusaale ahaan PVV, VVD, NSC iyo BBB. Waxey wada xaajoonayaan ilaa natiijada doorashooyinka wadanka si ay dowlad cusub wadajir u dhisaan.

Haddii xisbiyada ay wadajir dowlad u dhisaan, taasi saameyn ayey ku yeelan doontaa sharciga. Dowlada cusub isla markii sharcigan wey iska bixin kartaa, laakiin sharciga waxna wey ka bedeli karaan. Ama si kale ayey u hawl gelin karaan oo ka duwan sida hadda ay dowlada joogta uga fekertay.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?