Qaxootiga lagu xiraayo siliga gadaashooda.
Laga soo xigtay: Shutterstock / Ajdin Kamber
Warar cusub

Nidaamka cusub ee Yurub ee magangelyada si rasmi ah ayaa loo ansaxiyey

La shaaciyey: 5/15/2024, 12:00 GH

Midowga Yurub (EU) ayaa sameeyay qorshe lagu hubinayo in dad yar ay Yurub yimaadaan si ay magangalyo u helaan. Qorshahan waxaa hadda si rasmi ah u ansixiyay Golaha Yurub.

Waxan ayuu ka kooban yahay qorshaha cusub

Waxa

Golaha Yurub
https://www.nu.nl/asielcrisis/6312815/europese-raad-geeft-groen-licht-voor-nieuw-asielbeleid-eu.html?referrer=https%3A%2F%2Fwww.google.com%2F
ku codeeyeen in 14 maajo 2024 nidaamka cusub
kaasoo hubi doona in dad yar ay magangelyo ka codsan doonaan Yurub. Ilaa hadda ma cadda sida saxda ah ee xeerarkan loo dhaqan gelin doono. Laakiin waxaad akhrin kartaa qorshayaasha ugu muhiimsan ee hoos ku qoran:

Go'aaminta dhaqsaha ee dadka u qaxaaya Yurubta
Qaab dacwadeed kale oo dadka ka imaada wadamada amaanka ah
Wadamada EU ayaa dooran kara hadii ay magangelyodoonka qaabilayaan
Waxaa EU rabaan in nidaam cusub -Dublin
Waxey qaadatay 8 sanadood ilaa EU ay isku raaceen.

Waxay qaadatay 8 sano ka hor inta ay dhammaan wadamada xubnaha ka ah EU qorshaha ogolaadeen. Xilligaas waxaa jiray dood badan oo dhexmartay Dowladaha xubnaha ka ah. Wadamada qaar, sida kuwa ku yaala xuduudaha dibadda ee Yurub, waxay dareemeen in la dayacay. Way xanaaqeen sababtoo ah wadamada kale ma aysan rabin inay qaabilaan qaxootiga. Waddamo kale oo ay Nederlaan ka mid tahay ayaa ka carooday in dalalka xuduudka ku yaalla ay u ogolaadeen qaxootiga inay maraan wadamadooda dhex maraan.

Nidaamka cusub wuxuu ugu horeyn hirgeli doonaa 2026

Nidaamka cusub weli toos uma hergelin. Wadamada Yurub waxey heystaan waqti 2 sano ah si ay nidaamka ugu fuiyaan wadankooda. Dhamaan wadamada EU waa iney dhowraan nidaamka cusub. Haddii wadamade EU u suura gasho iney 2 sano nidaamka wadanka ka hergeliyaan, waxaa nidaamka uu hirgelayaa laga bilaabo dhexbarka 2026.

Waa in EU ballamada la sameeyaan wadamada kale

Waxaa kaloo EU rabaa inuu heshiisyo la galo wadamada ay ka yimaadeen dadka doonaya inay magangalyo ka codsadaan gudaha EU. Wuxuu EU rabaa inuu awood u yeesho inuu dadka aan magangelyada la siinin uu dib ugu celiyo dalkooda. Haddii taasi shaqayn waydo, hoyga ayaa si degdeg ah u buuxsami doona.

Midowga Yurub waxa kale oo uu doonayaa in uu heshiisyo la galo dalalka ku yaalla xuduudaha dibadda ee Yurub. Hadda dadku waxay marka hore yimaadaan Yurub oo waxay magangelyo ka codsadaan gudaha Yurub. Waxaa horey heshiisyo lala galay Albania, Tunisia iyo Masar iyo Lubnaan.

Dowlada Nederlaanka way ogoshahay nidaamkana laakiin ururada xaquuq bani'aadamka ma oggola

Aqlabiyad yar oo ka mid ah Aqalka Wakiilada ee Nederland ayaa taageersan xeerarkan cusub. Laakin ururo badan oo xuquuqul insaanka ayaan ogolayn. Nederlaan, Oxfam Novib, Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn, Ururka Nederland ee Qaxootiga, Pax iyo Ururka qaxootiga, iyo kuwo kale, ayaa ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan sharciyadan

Waxay waydiisteen Nederlaan inay u codeeyaan oo ay ka soo horjeestaan, iyo waxyaabo kale, in tani ay ka dhigi doonto waddooyinka loo maro Yurub xitaa kuwii ka sii khatar badan.


Maxey kula tahay qodobkan?