Heshiiska siyaasiga ee cusub waxaa bixinaaya guddoomiyaha aqalka wasiirada.
Laga soo xigtay: screenshot livestream NOS
Warar cusub

Siyaada cusub wey oggol yihiin sharciyada magangelyada Nederlaan

La shaaciyey: 5/17/2024, 12:00 GH

4 xisbi siyaasadeed ayaa sameeyay heshiisyo guud oo ku saabsan sida ay u rabaan inay maamulaan Nederland. Ka dib iyagoo ku dhawaad ​​6 bilood oo wadatashi sameynaayey, hadda waxay heystaan heshiis. Mid ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan waa siyaasad magangalyo oo aad u adag oo Nederlaan ah. Maqaalkan waxaad ka akhrisan kartaa waxa ay tani ka dhigan tahay.

Tan iyo doorashadii November 2023, xisbiyada siyaasadeed ee PVV, VVD, NSC iyo BBB waxay wada xaajoonayaan midba midka kale si loo eego in ay si wadajir ah u maamuli karaan Nederlaan. Hadda waxay wada galeen heshiis ka kooban heshiisyo guud. Taas macneheedu waxa weeye in aan wali si faahfaahsan loo samaynin heshiisyada.

Sidaan ayuu siyaasada hadda u shaqeeyaa

Heshiiskan cusub ayaa ka dhigan yahay 4 dhinac ay wada dhistaan ​​dowlad, isla markaana ay heshiisyo ka gaareen qorshayaasha ugu muhiimsan ee ay doonayaan inay hirgeliyaan. Hadda 4-taan xisbi waxay raadinayaan dad si wada jir ah u hoggaamiya dowladda, sida wasiirro iyo ra’iisul wasaare.

Marka la helo dhammaan Wasiirada iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxay isugu yimaadaan shir. Xeerarka cusub iyo qorshayaasha waxaa loo go'aamin doonaa si sax ah inta lagu jiro wadatashigan. Haddii ay wasiiradu ku heshiiyaan qorshayaashan, waxay saxeexaan heshiis isbahaysi oo rasmi ah oo kama dambays ah. Wasiirada ayaa markaas booqasho ku tagay boqorka oo si rasmi ah u noqday dowladda Netherland.

Wixii markaas ka dambeeya, Nederlaan waxay yeelan doontaa dawlad rasmi ah mar labaad waxayna fulin karaan qorshayaal cusub. Masuuliyiinta wasaaradahaasi ayaa eegi doona sida ay u fulin karaan qorshayaashan. Habkani wuxuu qaadan karaa waqti dheer.

Waxan ayey rabaan xisbiyada xagga qaxootiga

Heshiiska hadda wuxuu ka kooban yahay heshiisyo badan oo cusub oo ku saabsan magangalyada. Waxay 4 xisbi horeba u rabeen inay siyaasadda magangelyo ee Nederlaan ka dhigaan mid adag. Waxay aaminsan yihiin in Nederlaan ay qaabileyso qaxooti aad u badan oo ay rabaan in magangelyo-doonku ay yaraadaan Nederlaand. Sidaa awgeed ayey u rabaan siyaasadda gelitaanka magangelyo ee ugu adag abid "

. Waxay rabaan, waxyaabo kale:

  • Ku dhawaaq qalalaasaha magangelyo iyo abuurid ku meel gaar sharciga qalalaasaha magangalyada. Taas oo ay ku doonayaan in ay ku sameeyaan in Nederlaan aanu ka shaqayn codsiyada magangalyada muddo 2 sano ah.

  • Iney joojiyaan sharciga deganaanshaha magangelyo oo muddo ah iney dadka helaan.

  • In dadku ay noqon karaan muwaadin Nederlaan ah 10 sano ka dib marka ay helaan sharciga degenaanshaha magangalyada. Taasna waa inaad ku hadashaa ugu yaraan luqadda Nederlandka

    heerka B1
    . Hadda, dadku waxay noqon karaan dhalasho Nederlaan ah 5 sano ka dib.

  • In dadka magangalyo doonka ah aysan aadin maxkamad sare marka la diido codsigooda magangalyada. Magangelyo-doonku wali waxay dacwoon karaan maxkamad hoose

  • Dadka magangelyo weydiisanaaya inaan la siinin caawino xagga sharciga mudada dacwada magangelyada

  • In mar kale la kala saaro dadka haysta noocyada sharci ee kala duwan:

    A-qodob
    iyo B-qodob
    . Tani waxay abuuraysaa kala duwanaansho xuquuqda ay leeyihiin dadka sharciga deganaanshaha magangalyada. Tusaale ahaan, dadka sharciga deggenaanshada ku haysta qodobka B aad ayay ugu adag tahay inay codsadaan isu keenidda qoyska.

  • Qeybta iskaa loo bixiyo ee dejinta qaxootiga Yukrayn oo la kordhiyey.

  • In dadka aan sharci haysanin ay Nederlaanka saari karaan.

Xisbiyada waxey rabaan iney sharciyada cusub ee dejinta magangelyodoonka lagu hagaajinaayo ay baabi'iyaan

Intaa waxaa dheer, dhinacyadu waxay sidoo kale rabaan inay baabi'iyaan sharci cusub oo khuseeya hagaajinta soo dhaweynta. Sharcigan waxaa loogu yeeraa sharciga qeybinta waxaana dhawaan la ansixiyay Janaayo 23, 2024. Sharcigaan wuxuu xaqiijinayaa in dadka magangalyodoonka ah si cadaalad ah loogu qeybiyo degmooyinka Nederland iyo in dhamaantood ay boos ka helaan hoyga magangalyoonka.

Heshiiska cusub ee 4 xisbi ayaa dhigaya in aysan dooneyn sharcigaas. Taa beddelkeeda, dhinacyadu waxay rabaan inay doortaan qofka hoyga ka heli kara ama aan heli karin Nederlaan. Waxay sidoo kale rabaan inay ka dhigaan soo dhawaynta dadka magangalyo doonka ah mid aad u adag.

Sharci cusub oo la ansaxiyey si loo wanaajiyo dejinta magangelyodoonka Nederlaan
Maqaalkan wararka laga bilaabo Janaayo 24, 2024 waxaad ka akhrisan kartaa dhammaan wax ku saabsan ee cusub ee loo qaatay in lagu horumariyo qaabilaada magangalyada Nederlaan.

Waxaa su'aasha tahay iney qorshooyinka mid la fulin karo ay tahay

Weli arrimo badan ayaan waadix ahayn qorshooyinka Nederlaan saameyn ku leedahay. Su’aashu waxay tahay ma la hirgelin karaa. Iyo haddii dhamaan qorshayaashan loo oggol yahay sida uu qabo sharciga Nederland, sharciga Yurub ama heshiisyada caalamiga ah.

Sida laga soo xigtay qareennada magangalyada, qorshayaal badan ayaa xaalad kasta ka hor imaanaya sharciga Nederlaan

. Tani waa waxa Ururka Qareenada iyo Qareenada Nederlaan ay u sheegeen
NOS
. Tusaale ahaan, ku dhawaaqida qalalaasaha magangelyo si aan Nederlaan mardanbe uga baaraandegin codsiyada magangalyada malaha xaakinku ma ogola. Sida laga soo xigtay qareenadu, in qaabilaada magangalyada laga dhigo mid adag sidoo kale suurtagal maahan shuruuc jirta awgeed.


Maxey kula tahay qodobkan?