Fariintan qoraalka ah ee ay heleen dhowr qaxooti iyo magangalyodoon waxaa ku qoran inay ka heli karaan lacag dheeraad ah oo ay ku noolaadaan IND iyo VWN. Oo si ay lacagtan u helaan waa inay buuxiyaan foom oo ay ka tagaan credit card ama faahfaahinta bangiga. Fariintu run maaha. Tani waa khiyaano.
Laga soo xigtay: Tekstbericht dat verstuurd is naar de mobiele telefoon van een vluchteling
Warar cusub

Waxaa la soo diraayaa fariimo been ah oo IND xagga telefoonka

La shaaciyey: 6/11/2024, 12:00 GH

Qaxooti badan ayaa telefoonadooda ku hela fariimo been abuur ah oo ku saabsan lacag dheeraad ah oo aad ka heli karto Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND) iyo Ururka Qaxootiga caawiya Nederland (VWN). Wararkaas run ma aha.

Ma heli kartid lacag dheeraad ah

Waxaa fariimahan ku qoran inaad buuxisaa foom ka dibna aad lacag dheeraad aad heli karto. Tani waa warbixin been ah. Foomkan ha buuxinin. Iska tuur fariinta midka kuu soo diray boloog saar. Haddii aad foomka buuxiso, waa lagu dhacaayaa. Waxey tuugada isku dayayaan iney xisaabtaada bangiga lacag ka baxsadaan. tani waxaa lagu magacaabaa phishing.

Tani waa sida ay u egyihiin fariimaha beenta ah ee lagu qaybiyo IND iney ka timid oo kale.

IND ama VWN waligeed kuma weydiin doonto taleefoonka faahfaahinta bangigaaga

Sidee ku ogaaneysaa in fariinta been abuur tahay? Marna

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
ama VluchtelingenWerk (VWN)
weligooda kuma weydiin doonaan inaad u soo dirto warbixinta bangigaaga ama ku weydiiyaan inaad warbixinta bangigaaga la qeybsato. Xagga Whats-app-ka ama emaylka ama sms marna urur Nederlaan ah kuma weydiinaayo warbixinta bangigaaga. Haddi taasi dhacdo, waxey u badan tahay inuu yahay fariin been ah.

Maxaa ameyneysaa hadii aad foomka si qalad ah ku buuxisay?

Miyaad heshay mid ka mid ah fariimahan been abuurka ah? Oo si lama filaan ah ma u buuxisay foomka oo ma bixisay faahfaahinta bangigaaga ama kaadhka deynta? Kadib tag miiska macluumaadka COA. Haddii lagu khiyaaneeyay, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad xannibto ama beddesho akoonkaaga Yoursafe. Waxa kale oo aad u dacwoon kartaa miiska caawinta khayaanada

oo aad warbixin u gudbiso booliiska.

Haddii aadan ku noolayn hoyga COA laakiin si madax-bannaan ama aadan ku noolayn hoyga degmada, u tag degmada iyo sidoo kale booliiska si aad uga warbixiso dhacdada. Oo xannibi akoonkaaga bangiga ama kaarka deynta haddii aad bixisay faahfaahintaas. Tan waxaa lagu samayn karaa bangiga ama barnaamijka bangigaaga haddii aad ku haysato taleefankaaga.

Isdhicitaanka xagga interneetka
Boggaan waxaad ka akhrisan kartaa wax walba oo ku saabsan khayaanada email ahaan, WhatsApp iyo SMS. Halkan ka akhriso waxa aad samayn karto si aad isaga ilaaliso in lagu khiyaano

Maxey kula tahay qodobkan?