
Wasiirka waa inuu xaalada amaanka yaman dib u fiiriyaa
La wadaag baraha bulshada:
Maxkamada ugu sareysa Nederlaan ayaa laba todobaad ka hor ku dhawaaqday inuu wasiirka Magangelyada iyo Socdaalka dib u eego xaalada magangelyada ee Yaman. sannadkii hore ayaa wasiirka go'aamiyey in Yaman aysan qof walba amaan daro u ahayn. Iyo in magangelyodoonka Yaman sidaa awgeed hadda ka dib cadeeyaan sababta aysan iyaga amaan ugu ahayn.
Wakhtigan xaadirka ma iraan go'aano ku saabsan codsiyada magangelyada ee Yamaniyiinta
Xaakinka wuxuu u arkaa ineysan wasiirka si fiican u sharaxin sababta aysan Yaman dadka dhamaan amaan ugu ahayn. Sannadkan bisha abril waxaa soo baxay wararka dowlada ee Yaman. Xaakinka wuxuu sidaa awgeed wasiirka weydiiyey iney dib u fiiriyo xaalada Yaman. Ilaa waqtigaasi IND wax go'aan ah ma gaari doonto oo codsiyada magangelyada ee dada Yaman
Waxaa suura gal ah in wasiirka wax ka bedelo nidaamka magangelyada taasoo ku saleysan warbixinta rasmiga. Laakiin waxaa kaloo suura gal ah in wasiirka weli u arko inuu nidaamka fiican yahay. Laakiin waa inuu wasiirka uu u sharaxaa qaadiga