
84 Suuriyaan ah ayaa si iqtiyaari ah ugu noqday Suuriya
La wadaag baraha bulshada:
Waxaa 16 sebtembar 2025 ka baxday diyaarad Nederlaan ah Rotterdam ku sii degatay Dimishiq. Waxaana saarnaa 84 Suuriyaan ah oo go'aansaday iney dib ugu noqdaan wadankooda. Tani waa markii ugu horeysay ay koox sidaan u weyn oo Suuriyaan ay si iqtiyaari ah uga tagaan Nederlaan.
Suuriyaanka ku noqonaaya wadankooda, wey joojiyaan sharcigooda deganaansho ama dacwada magangelyada ee Nederlaan
Waxaa sidey sheegeen
Dhicitaankii Assad iyo xiiso badan ayaa badiyaa la magacaabay sababta naqashada iney tahay
Waxey sheegeen DT&V in bilihii ugu dambeeyey Suuriyaan go'aansadeen iney ku noqdaan Suuriya. Tusaale maadaama ay dareemayaan kalsooni iney noqdaan ka dib markii uu dhacay Assad. Laakiin xitaa iyagoo familkooda aad ugu xiisay ama awoodi waaayeen iney Nederlaan ku noolaadaan. Sidoo kale mudada sugitaanka dheer ee dacwada magangelyo ama mideynta qoyska ayaa qaarkood sabab ahaan u sheegeen ay ugu noqonayaan Suuriya. Waxaa sida ay sheegeen DT&V sannadkan ilaa agoosto dib ugu noqday Suuriya 1100 qof. Waxaa Nederlaan ku sugan 150.000 oo Suuriyaan ah
Solid Road ayaa caawisa dadka raba iney u noqdaan Suuriya
Qof walba oo shalay baxay, waxey iska qoreen xagga DT&V ama ururka
Suuriyaanka noqonaaya waxey helayaan qadar lacag ah
Waxaa dowladda Nederlaan qof walba oo u noqonaaya Suuriya ka heleyaa qadar lacag si ay muddada ugu horeysa isku dabiraan. Tani waa € 2800 qofkiiba oo dadka waaweyn ah, ilmaha € 1650. Dadka badankooda waxaa soo doona ama soo dejinaaya familkoooda. Ma jiro urur Suuriya ka caawinaaya guri ama hoy
Si taxadar leh uga feker inay goor hore in la noqdo
Adigana ma is weydiisaa haddii aad noqon kartid? Markaa ha iloobin in meelo badan oo suuriya ah iaan hadda amaan ahayn. Xitaa sida uu qabo wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nederlaan waxaa weli jira 'astaan gaduud' oo Suuriya. Taasi waxey micnaheeda tahay iney Nederlaan xitaa u aragto ineysan weli amaan daro tahay. Sidoo kale ururka xaquuqda bani'aadamka Amnesty iyo