Ku noqoshada Ivory Coast
Qarashka dib u noqoshada
Qarashka asaasiga ee la soo celiyo (REAN)
Waxaa lagu siinayaa qarashka asaasiga sida ay qabto nidaamka-REAN. Rean waxey u taagan tahay 'Return and Emigration Assistance from the Netherlands'. waxaa nidaamka-REAN ay bixiyaan:
taageero
tigidka diyaarada
caawinada helitaanka dokumentiga safarka
-€ 200,- oo lacag kaash ah qofka weyn iyo € 40,- ilmaha la safraaya. Wxaa lacagta lagugu siinayaa schiphol maalinta aad baxeyso.
Ururka Caalamiga ee Guuritaanka (IOM) aya dalbaayaaaya gunnada. Ururka kaa caawinaaya dib u noqoshada ayaa gunnada kaaga dalbi kara IOM.
Qarashka la qabsiga dib u noqoshada
Waxaad dowladda Nederlaan ka heli kartaa qarash dheeraad oo aad bilow cusub ku sameyso wadankaaga asliga. Qarashkaasi waxaa laguu siinayaa inaad ku bixiso alaabo ama adeegyo. Waxaa jiro ururo kala duwan oo mashruucyo leh qarashka la qabsashada dib u noqoshada ku bixiya wadanka asliga gudihiisa.
Waxaad u isticmaali kartaa ku bixinta tusaale ahaan tababar inaad qaadato ama alaab ku gadato oo ganacsi aad leedahay. Qeyb yar oo lacagtaasi ah ayaad lacag cadaan ahaan u heli kartaa. Suuriyiinta weli ku jira dacwada magangelyo ama Suuriyiinta heysta sharciga deganaanshaha waxaa lagu siinayaa lacag cadaan ah garoonka diyaaradaha Amsterdam Schiphol aalinta bixitaanka. Qarashka la siinayaa waa:
€2800 oo kaash ah qofka weyn.
€1650 oo kaash ah oo loogu talagalay da yarka.
Wada-hawlgalayaasha iskaashiga
Wada shaqeynta ururada wadanka asliga
Ururka Qaxootiga Caawiya waxay la shaqeeyaan Ugaanda urur maxalli ah oo shuraako ah oo u shaqeeya si ka madax bannaan dawladda. Lammaanahayagu waxa uu ku hagayaa dadka soo laabtay (labadaba shakhsiyaad iyo qoysasba) dejinta nolol cusub.
Ururrada wada shaqeeya oo leh qibrado badan taageerida dadka ka soo noqonaaya Galbeedka Yurub. Iyaga ayaa dadka soo noqda qaabila garoonka diyaarada, ka caawiya raadinta guri (muddo ah) iyo ka taageera sida ay shirkad yar u furan lahaayeen iyo shaqo u heli lahaayeen.
Waxay sidoo kale ka caawisaa helida tababar ama waxbarasho ku haboon, xiriirada waxtarka leh iyo shabakadaha iyo, marka loo baahdo, u gudbiyaan macaamiisha xarumaha caafimaadka. Golaha Qaxootigu waxa ay la xidhiidhi doonaan ururka ay wada shaqaynta leeyihiin muddo sannad ah ka dib soo laabashadaada si ay u maqlaan sida aad tahay
Sidoo kale ururo kale ayaa la wada shaqeeyaa urur jooga wadankaaga asliga ah. Midka uu yahay iyo waxa uu ururkan kuu qaban karo wey kala duwanaan karaan.
Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
VluchtelingenWerk Nederland (VWN) wey ku hagi karaan marka aad noqoneyso. Sidoo kale VWN waxey kugu xariirin karaan ururada ay wada shaqeeyaan ee wadankaaga asalka.
VWN waxey kaliye la shaqeeyaan ururo aan dowladaada u shaqeynin. Waxaad ururka weydiin kartaa xaalada wadankaaga. Tusaale ahaan amaanka, shaqada, dayeelka ama familkaaga.
VWN waxey kaa caawin kartaa sidii aad qorshe u sameyn lahayd oo dib u noqoshadaada. Waxaa kaloo ay VWN sugayaan in ururka wada shaqeynta iney diyaar kuu yihiin marka aad imaado wadankaaga. VWN iyo ururkaasi wada shaqeynta waxey ku caawin karaan imaanshahaaga ka dib ilaa 1 sano.

Solid Road
Solid Road waxey ku siinayaan tababar shaqsi iyo hagista Nederlaan. Solid Road waxey kula sameynayaan qorsho sida aad qarashkaasi dib u noqoshada u isticmaali karto. Waxaa Solid Road waxaad ka dhigan kartaa tababaro lacag la'aan oo Nederlaan dhexdeeda
Solid Road waxey kaloo sameeyaan hagis Schiphol ah maalinta aad baxeyso iyo waxey la shaqeeyaan ururo wada shaqeyn oo waddankaaga kuwaasoo kugu dhaweyn doona wadankaaga.

Stichting ROS
Stichting ROS waxey bixiyaan taageero markaad ku noqoto wadanka asalka, ku saleysan xaaladaada shaqsiga. Adiga iyo tababaraha dib u noqoshada ee wadankaaga asliga ayaa diyaarinaaya dib u noqoshadaada, waxaad sameyneysiin qorsho mustaqbalka iyo waxaa fiirineysaa sida aad lacagta dib u noqoshada u isticmaaleysid. Waxaad dhigan kartaa tababar ama koorso si aad shaqo u bilaabi karo markaad noqoto, xagga dadka la shaqeeya Vluchtelingenwerk (ERSO) ama IOM.

Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM)
IOM waxey kaa caawinayaan in marka aad noqoto ka dib bilow fiican aad sameyso. Adiga iyo IOM ayaa qarashka-REAN markaa imaado ka dib isticmaali kartaa. Tusaale guri, ama waxbarasho ama sidaa ganacsi u bilaabi lahayd. Arrintaasina IOM waxey kula xariirnayaan xafiiska-IOM ee wadankaaga asliga ku yaala.

Stichting Wereldwijd
Stichting Wereldwijd ayaa kaa caawineysa markaad soo noqoto sida aad ganacsi kuu gaar ah u bilowda. Waxaa lagu siinayaa sanduuq alaab ku jiro, qalab shaqo iyo makiinado. Kuwaasi ayaa markaad noqoto dhaqso ku shaqeysaneysaa. Stichting Wereldwijd waxey la shaqeeyaan ururada Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) si taasi si fiican laguugu qorsheeyo.

Adeegga Dib u Celinta iyo Bixitaanka (DT&V)
DT&V wey dhiiro gelisaa dib u noqoshada iqtiyaariga ah oo isku filnaanta iyadoo si wanaagsan laguu diyaarinaayo bixitaankaaga iyo wixii loo baahdana lagaa caawinaayo si aad dib ula qabsato wadankaaga asliga.
Marka ay NGO ururrada dadka caawiya ku caawin karin ama ay IOM kuu heli karin dokumentiga safarka markaa waxaa caawino la weydiinayaa DT&V. Waxaa DT&V ay iyaga tijaabinaanyaan iney mar ku dhoof laissez-passer (LP) ama dokumenti kale kuu dalbaan, tiket wey kuu xajisayaan iyo lacag ayaa lagu siinayaa oo safarka noqoshada ah.
Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga
Haddii aad adiga doorato inaad wadankaaga u noqoto ma fududa. Mar mar waxaa jira dhibaato la taaban kara oo adkeynaya inaad laabato. Tusaale ahaan haddii aad dokumetiga safarka heysanin
Mar mar waxaa jiro xaalado shucuur ah oo doorashada dib u noqosho adkeynaaya. Tusaale ahaan, dareen xishood, guul daro ama mustaqbalka oo aad ka shaki qabto. Xitaa mar mar waa inaad dib u dhisataa shabakad bulsho iyo inaad wadankaaga ka raadsato guri iyo shaqo.
Maku fekereysaa inaad Nederlaan ka tagto? Markaa ururo kala duwan ayaa kugu caawin kara sidii aad wadankaaga asalka ugu noqoto. Caawinada ururadan waa lacag la'aan