Ku noqoshada Suuriya
Qarashka dib u noqoshada
Qarashka asaasiga ee la soo celiyo (REAN)
Waxaa lagu siinayaa qarashka asaasiga sida ay qabto nidaamka-REAN. Rean waxey u taagan tahay 'Return and Emigration Assistance from the Netherlands'. waxaa nidaamka-REAN ay bixiyaan:
taageero
tigidka diyaarada
caawinada helitaanka dokumentiga safarka
-€ 200,- oo lacag kaash ah qofka weyn iyo € 40,- ilmaha la safraaya. Wxaa lacagta lagugu siinayaa schiphol maalinta aad baxeyso.
Ururka Caalamiga ee Guuritaanka (IOM) aya dalbaayaaaya gunnada. Ururka kaa caawinaaya dib u noqoshada ayaa gunnada kaaga dalbi kara IOM.
Qarashka la qabsiga dib u noqoshada
Waxaad dowladda Nederlaan ka heli kartaa qarash dheeraad oo aad bilow cusub ku sameyso wadankaaga asliga. Qarashkaasi waxaa laguu siinayaa inaad ku bixiso alaabo ama adeegyo. Waxaa jiro ururo kala duwan oo mashruucyo leh qarashka la qabsashada dib u noqoshada ku bixiya wadanka asliga gudihiisa.
Waxaad u isticmaali kartaa ku bixinta tusaale ahaan tababar inaad qaadato ama alaab ku gadato oo ganacsi aad leedahay. Qeyb yar oo lacagtaasi ah ayaad lacag cadaan ahaan u heli kartaa. Suuriyiinta weli ku jira dacwada magangelyo ama Suuriyiinta heysta sharciga deganaanshaha waxaa lagu siinayaa lacag cadaan ah garoonka diyaaradaha Amsterdam Schiphol aalinta bixitaanka. Qarashka la siinayaa waa:
€2800 oo kaash ah qofka weyn.
€1650 oo kaash ah oo loogu talagalay da yarka.
Wada shaqeynta ururada wadanka asliga
VluchtelingenWerk ma tixgeliyo shuruudaha dib loogu noqon karo Suuriya nabad ma aha. Sidaa darteed kuma lihin lamaane iskaashi oo Suuriya ku haga. Si wadajir ah ayaanu u eegi karnaa fursadaha aad wali haysato waxaanan ku taageernay samaynta qorshe mustaqbalka.
Ururada kale waxay marmar Suuriya ku leeyihiin urur wada shaqeyn kaa caawin kara soo noqoshadaada. Wixii macluumaad dheeraad ah, la xiriir ururadan ama weydii la-taliyahaaga Golaha Qaxootiga ee Nederland. Haddii aad rabto macluumaad guud oo ku saabsan xaaladda Suuriya hadda, waxaad ka heli doontaa macluumaad badan tan
Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara

Solid Road
Solid Road waxey ku siinayaan tababar shaqsi iyo hagista Nederlaan. Solid Road waxey kula sameynayaan qorsho sida aad qarashkaasi dib u noqoshada u isticmaali karto. Waxaa Solid Road waxaad ka dhigan kartaa tababaro lacag la'aan oo Nederlaan dhexdeeda
Solid Road waxey kaloo sameeyaan hagis Schiphol ah maalinta aad baxeyso iyo waxey la shaqeeyaan ururo wada shaqeyn oo waddankaaga kuwaasoo kugu dhaweyn doona wadankaaga.

Adeegga Dib u Celinta iyo Bixitaanka (DT&V)
DT&V wey dhiiro gelisaa dib u noqoshada iqtiyaariga ah oo isku filnaanta iyadoo si wanaagsan laguu diyaarinaayo bixitaankaaga iyo wixii loo baahdana lagaa caawinaayo si aad dib ula qabsato wadankaaga asliga.
Marka ay NGO ururrada dadka caawiya ku caawin karin ama ay IOM kuu heli karin dokumentiga safarka markaa waxaa caawino la weydiinayaa DT&V. Waxaa DT&V ay iyaga tijaabinaanyaan iney mar ku dhoof laissez-passer (LP) ama dokumenti kale kuu dalbaan, tiket wey kuu xajisayaan iyo lacag ayaa lagu siinayaa oo safarka noqoshada ah.
Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga
Haddii aad adiga doorato inaad wadankaaga u noqoto ma fududa. Mar mar waxaa jira dhibaato la taaban kara oo adkeynaya inaad laabato. Tusaale ahaan haddii aad dokumetiga safarka heysanin
Mar mar waxaa jiro xaalado shucuur ah oo doorashada dib u noqosho adkeynaaya. Tusaale ahaan, dareen xishood, guul daro ama mustaqbalka oo aad ka shaki qabto. Xitaa mar mar waa inaad dib u dhisataa shabakad bulsho iyo inaad wadankaaga ka raadsato guri iyo shaqo.
Maku fekereysaa inaad Nederlaan ka tagto? Markaa ururo kala duwan ayaa kugu caawin kara sidii aad wadankaaga asalka ugu noqoto. Caawinada ururadan waa lacag la'aan