Ku noqoshada Jili
Qarashka dib u noqoshada
Qarashka asaasiga ee la soo celiyo (REAN)
Waxaa lagu siinayaa qarashka asaasiga sida ay qabto nidaamka-REAN. Rean waxey u taagan tahay 'Return and Emigration Assistance from the Netherlands'. waxaa nidaamka-REAN ay bixiyaan:
taageero
tigidka diyaarada
caawinada helitaanka dokumentiga safarka
-€ 200,- oo lacag kaash ah qofka weyn iyo € 40,- ilmaha la safraaya. Wxaa lacagta lagugu siinayaa schiphol maalinta aad baxeyso.
Ururka Caalamiga ee Guuritaanka (IOM) aya dalbaayaaaya gunnada. Ururka kaa caawinaaya dib u noqoshada ayaa gunnada kaaga dalbi kara IOM.
Wada shaqeynta ururada wadanka asliga
Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
VluchtelingenWerk Nederland (VWN) wey ku hagi karaan marka aad noqoneyso. Sidoo kale VWN waxey kugu xariirin karaan ururada ay wada shaqeeyaan ee wadankaaga asalka.
VWN waxey kaliye la shaqeeyaan ururo aan dowladaada u shaqeynin. Waxaad ururka weydiin kartaa xaalada wadankaaga. Tusaale ahaan amaanka, shaqada, dayeelka ama familkaaga.
VWN waxey kaa caawin kartaa sidii aad qorshe u sameyn lahayd oo dib u noqoshadaada. Waxaa kaloo ay VWN sugayaan in ururka wada shaqeynta iney diyaar kuu yihiin marka aad imaado wadankaaga. VWN iyo ururkaasi wada shaqeynta waxey ku caawin karaan imaanshahaaga ka dib ilaa 1 sano.

Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM)
IOM waxey kaa caawinayaan in marka aad noqoto ka dib bilow fiican aad sameyso. Adiga iyo IOM ayaa qarashka-REAN markaa imaado ka dib isticmaali kartaa. Tusaale guri, ama waxbarasho ama sidaa ganacsi u bilaabi lahayd. Arrintaasina IOM waxey kula xariirnayaan xafiiska-IOM ee wadankaaga asliga ku yaala.

Adeegga Dib u Celinta iyo Bixitaanka (DT&V)
DT&V wey dhiiro gelisaa dib u noqoshada iqtiyaariga ah oo isku filnaanta iyadoo si wanaagsan laguu diyaarinaayo bixitaankaaga iyo wixii loo baahdana lagaa caawinaayo si aad dib ula qabsato wadankaaga asliga.
Marka ay NGO ururrada dadka caawiya ku caawin karin ama ay IOM kuu heli karin dokumentiga safarka markaa waxaa caawino la weydiinayaa DT&V. Waxaa DT&V ay iyaga tijaabinaanyaan iney mar ku dhoof laissez-passer (LP) ama dokumenti kale kuu dalbaan, tiket wey kuu xajisayaan iyo lacag ayaa lagu siinayaa oo safarka noqoshada ah.
Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga
Haddii aad adiga doorato inaad wadankaaga u noqoto ma fududa. Mar mar waxaa jira dhibaato la taaban kara oo adkeynaya inaad laabato. Tusaale ahaan haddii aad dokumetiga safarka heysanin
Mar mar waxaa jiro xaalado shucuur ah oo doorashada dib u noqosho adkeynaaya. Tusaale ahaan, dareen xishood, guul daro ama mustaqbalka oo aad ka shaki qabto. Xitaa mar mar waa inaad dib u dhisataa shabakad bulsho iyo inaad wadankaaga ka raadsato guri iyo shaqo.
Maku fekereysaa inaad Nederlaan ka tagto? Markaa ururo kala duwan ayaa kugu caawin kara sidii aad wadankaaga asalka ugu noqoto. Caawinada ururadan waa lacag la'aan