Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Ku noqoshada Iritreya

Ma ku fekereysaa inaad ku noqoto Iritreya? waxaad boggan ka aqrineysaa qarashyada jira iyo ururada kugu caawini kara dib u noqoshada.

Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga

Haddii aad adiga doorato inaad wadankaaga u noqoto ma fududa. Mar mar waxaa jira dhibaato la taaban kara oo adkeynaya inaad laabato. Tusaale ahaan haddii aad dokumetiga safarka heysanin

Mar mar waxaa jiro xaalado shucuur ah oo doorashada dib u noqosho adkeynaaya. Tusaale ahaan, dareen xishood, guul daro ama mustaqbalka oo aad ka shaki qabto. Xitaa mar mar waa inaad dib u dhisataa shabakad bulsho iyo inaad wadankaaga ka raadsato guri iyo shaqo.

Maku fekereysaa inaad Nederlaan ka tagto? Markaa ururo kala duwan ayaa kugu caawin kara sidii aad wadankaaga asalka ugu noqoto. Caawinada ururadan waa lacag la'aan

Qarashka dib u noqoshada

Qarashka la qabsiga dib u noqoshada

Waxaad dowladda Nederlaan ka heli kartaa qarash dheeraad oo aad bilow cusub ku sameyso wadankaaga asliga. Qarashkaasi waxaa laguu siinayaa inaad ku bixiso alaabo ama adeegyo. Waxaa jiro ururo kala duwan oo mashruucyo leh qarashka la qabsashada dib u noqoshada ku bixiya wadanka asliga gudihiisa.

Waxaad qarashkaasi tusaale ahaan ku dhigan kartaa tababar ama ku bixin kartaa alaabta ganacsigaaga. qeyb yar oo qarashka ah ayaa lacag ahaan u heli kartaa. Lacagta ama gunnada waa:

  • € 1.800,- oo qofka weyn (ugu badnaan € 300,- oo lacag kaash ah).

  • € 2.800,- oo ah ilmaha la socda ama daýar keligiisa ah (ugu badnaan € 300,- oo lacag kaash ah).

Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara

Wada shaqeynta ururada wadanka asliga

VluchtelingenWerk lama laha wada shaqeyn Aljeeriya. Ururo kale ayaa mar mar la leh wada shaqeyn Eritriya oo adiga kaa caawini kara dib u noqoshadaada. Wixii warbixin dheeraad kala xariir ururadan ama weydii hagahaaga ee VluchtelingenWerk.

  • Goedwerk Foundationwaxey la shaqeeyaan urur Eritriya.