Ku noqoshada wadankaaga asalka ah

Ma joojineysaa dacwadaada magangelyada? Ama mala soo diidad codsigaaga magangelyo? Markaa waa inaad sida sharciga Nederlaanka qabo ka baxdaa Nederlaan. Adiga ayaa dooran kara inaad dib u noqoto ama in qasab Nederlaan lagaaga saaro. Labada xaaladoodba taageero ayaa heli kartaa si aad Nederlaan uga baxdo.