Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Noqoshada isku filnaanta ah ee waddankaaga asliga

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/16/2023 10:36 GH

Adiga ayaa dooranaaya inaad rabto inaad wadankaaga asalka ku noqoto iyo in kale. Boggan ayaa wixii dheeraad ah ka aqrineysaa ee ku saabsan dib u noqoshada isku filnaanta.

Codsigaaga magangelyo oo la soo diiday

Haddii

Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
codsigaaga magangelyada soo diido, waxaa urur dowladeedka
Adeegga Dib u Celinta iyo Bixitaanka (DT&V)
ayaa kaala soo xariiraaya arrinta dib ugu noqoshada wadankaaga asliga. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad Nederlaan isla markii aad ka baxdaa.

Garyaqaankaaga miyaa maxkamad sare ka qaadanaaya goundefinedaanka IND? Badiyaa goundefinedaanka xaakinka Nederlaan waad ku sugi kartaa.

Caawinada noqoshada isku filnaanta

Ma u soo diiday IND codsigaaga magangelyada si kama dambeys ah? Markaa waxaad heli doontaa warqad taasi ku saabsan. Taasi waxaa la yiraahdaa undefinedGoundefinedaankaundefined.

Taasi waxey micnaheeda tahay iney dowladda Nederlaan kaa rabto inaad ku noqoto wadankaaga asalka. Haddii aad doorato inaad noqoto, waxaad taageero ka heli kartaa ururo kal duwan.

Caawinadan waxey ka koobnaan kartaa, adeeg ama qadar dhaqaale ah. Tusaale ahaan qarash bilow ah oo aad dukaan ku bilowdo iyo/ama caawino qoritaanka qorsho shirkad.

Ururadan ayaa ku taageeri kara:

  • VluchtelingenWerk Nederland (VWN)

  • IOM

  • Adeegga Dib u Celinta iyo Bixitaanka (DTundefinedV)

  • Solid Road

  • ROS

  • Goedwerk

  • Stichting Wereldwijd

Haddii aad taageero heleysid iyo waxa aad xaq u leedahay, waxey ku xiran tahay xaaladaada shaqsiga. La xariirkaaga VWN ama hagahaaga bulshada ayaa tani kaa caawini kara.

Aan amaan ahayn

VWN waxey wadamada qaar u arkaan ineysan amaan ahayn in lagu noqdo oo markaa ma bixiyaan caawinaad noqoshadaada ah. Haddana, waxaan kuu gudbin karnaa ururo caawiya u noqoshada wadamadaasi.

Wax yar ama taageero la'aan

Fursadaha taageerada dib u celinta wey xadidan yihiin marka qasab aad ugu noqoneyso wadankaaga asalka ah.

Xaaladaha qaarkood waxaad heli kartaa taageero dib u celinta. Taageerada waxey ka kooban tahay alaab iyo/ama caawino ugu badnaan leh qiimo ah € 1.000,-.