
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland
Ku noqoshada wadankeyga asalka ah
Qodobkaan sii wadaaji
Haddii ay dowladda Nederland kuu diiday deganaansho, waxaa muhiim ah inaad mustqbalkaaga ka fekerto. Waan fahmeynaa iney taasi sahlanayn. Waxaad la hadli kartaa Ururka caawiya qaxootiga (Vwn) waxa ka suurto gal ah dib u noqosho. Ama urur kaloo bixiya taakulo xagga noqoshada ah.
Caawimada noqoshada
Adiga ayaa go'aansanaaya haddii aad rabto inaad noqoto iyo inkale. VluchtelingenWerk (VWN) waxey wadamada qaar u arkaan ineysan amaan ahayn in algu noqdo oo markaa ma bixiyaan caawinaad noqoshadaada ah. Haddana, waxaan kuu gudbin karnaa ururo caawiya u noqoshada wadamadaasi.
Haddii aad si isku filnaan ah aad wadankaaga asliga ugu noqoneyso, waxaad heleysaa caawinaad ay ka koobnaan karto qalab, adeeg ama caawinaad dhaqaale. Tusaale, wax aad ku biloowdo dukaanka aad yeelaneyso iyo/caawinaaad qorista qorshaha ganacsiga. Haddii aad heleyso caawino iyo waxa aad xaq u leedahay waxey ku xiran tahay qofka iyo wadanka.
Noqoshada qasabka
Haddii codsigaaga magangalyo doonka la soo diido, hay'adda dowladda ee Adeegga Dib u noqoshada iyo Bixitaanka (DT&V) ayaa kaala soo xariiri doono oo kaala hadli doona arrinta kusaabsan aaditaanka waddankaaga asliga. Tani micnaheeda ma ahan inaad isla markiiba aad ka baxeyso Nederlaan.
Haddii qareenkaagu uu racfaan ka qaatay xukunka waaxda Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND), waxaad inta badan gudaha Nederlaan ku sugi kartaa go'aanka garsooraha. Ka hubi kormeerahaaga ku sugan VluchtelingenWerk Nederland wixi kusaabsan xaalada hoygaaga.
Fadlan la soco: haddii aadan dooran inaad si madaxbanaan u laabato, laakiin si qasab ah laguu saaro, taageero kama heli doontid dowladda Nederlaan. VluchtelingenWerk Nederland (VWN) wax saameyn ah kuma lahan arrintan.