Qodob

Dacwada magangelyodoonka ee la dheereeyey

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 6/25/2026, 08:52

Heshiiska Magangelyada iyo Socdaalka wuxuu dhaqan galay 12 Juun. Codsiyada magangalyada ee la soo gudbiyay ka dib 12 Juun, 2026, ikhtiyaarka nidaamka magangalyada ee dheeraadka ah ma jiro. Sidaa darteed maqaalkani wuxuu khuseeyaa oo keliya dadka magangalyo doonka ah ee horey ugu jiray nidaamka magangalyada ee dheeraadka ah ka hor 12 Juun (VA).

Ma cada wakhtig aad go' aanka codsigaaga magangelyo heli doonto

Codsigaaga magangelyo waxaa waqtigan xaadirka looga hawl gelaayaa

. Taasi waxey micnaheeda tahay in ay 2 wadahadalo ay IND aad soo martay. Wareysiga 2 aad ka dib ee IND waxaa IND ay tiri inay waqti dheeraad u baahan yihiin ka hor inteysan go' aan soo gaarin. Waxey rabaan marka hore baaritaan iney sameeyaan. Adiga waxaad hadda sugeysaa go'aanka IND.

Waqtigan xaadirka ah ma cadda goorta codsigaaga magangelyoIND ka go' aamin doonto. Rasmi ahaan waa in IND sida uu qabo sharciga 6 bilood gudahooda go' aan soo gaaraan. Laakiin waxaa 12 juun 2026 ayaa

uu dhaqan galay. Markaa ayaa IND ay ogeysiisayin codsiyada magangelyo ee waqtigaa ka dib la gudbiyey tixgelin la siin doono. Waxaa shaqaalaha IND gaar ahaan ka shaqeynayaan codsiyadaas magangelyo. Codsiyadii magangelyo ka hor 12 juun la sameeyey, waa iney sidaa awgeed sii sugaan go' aamintooda.

Laga bilaabo Oktoobar 31, 2026, IND waxay dib u bilaabi doontaa go'aan ka gaarista codsiyada magangalyo ee la soo gudbiyay ka hor 12 juun, 2026. Laakiin, inta badan shaqaalaha IND waxay sii wadi doonaan inay baaraan codsiyada cusub xitaa ka dib Oktoobar 31. IND waxay rabtaa inay ka hortagto waqtiyada sugitaanka dheer ee codsiyada cusub sidoo kale. Sidaa darteed, waxaa dhici karta inay qaadato waqti dheer inaad hesho go'aan xitaa markaas.

Go' aanandee ayaa IND gaari kartaa maxeyna ka dhigan yihiin?

Marka heshiiska la dhaqan geliyo, IND waxay isla markiiba go'aan kama dambays ah ka gaari doontaa kiisaska magangelyada. IND mar dambe ma soo saari doonto ogeysiis ujeedo ah oo adiga iyo qareenkaagu aad uga jawaabi kartaan. IND waxay go'aankeeda ku salayn doontaa wareysiyada aad la yeelatay, dukumentiyada aad bixisay, iyo macluumaad kale oo ku saabsan waddanka aad ka timid.

Waxaa suura gal ah 2 waxyaalood:

  • IND codsigaaga wey ogolaadeen:waxaad heleysaa warqad ay ku qoran tahay in cosigaaga magangelyada la ogolaaday. Waxaad heleysaa sharci deganaansho magangelyo. Taasi wuxuu soconayaa 3 sano laga bilaabo waqtiga ku qoran sharcigaaga. Markaa 3 sano ka dib waxaad

    oo dib loo dheereynaayo 3 sano.

  • IND wey soo diiday codsigaaga magangelyodoonka:waxaad IND ka heleysaa warqad ku qoran in IND codsigaaga soo diiday. Warqadaan waxaa ku qoran sababaha loo soo diidaayo iyo wixii cawaaqib ay kugu yeelaneyso.

Haddii ay IND soo diido codsigaaga qaadiga maxkamada ayaad aadi kartaa

Ma soo diiday IND codsigaaga? Markaa waxaa adigoo lawyerka kaashanaaya racfaan ka qaadan kartaan maxkamada. Kala hadal lawyarkaaga haddii aad taasi rabto. Haddii uu lawyarkaaga rafcaan kuu qaado, xaakinka ayaa fiirinaaya haddii go'aanka IND uu sax yahay iyo in kale. Xaakinka wuxuu keliya fiirinaayaa in IND ay habraacii si sax ah u fulisay, laakiin uma sii guda geli doono go'aaminta kiiskaaga.

Haddii aad rafcaan ka qaadato go'aanka IND oo maxkamada, markaa waa joogi kartaa Nederlaan ilaa xaakinka go'aan ka soo gaaro.

Haddii uu xaakinka go'aamiyo in IND dacwada sida saxda ah u fulinin, waa in IND go'aan cusub ay soo gaaraan. Haddii xaakinka go'aamiyo in IND dacwada sida saxda u fulisay, waxaa la tashan kartaa lawyarkaaga waxa aad rabto inaad sameyso. Waxaad kala dooran kartaa 3 arrin:

  • sida racfaan looga qaato maxkamada sare;

  • ku noqoshada waddanka aad ka soo jeedo;

  • Mararka qaar way fikrad fiican tahay inaad gudbiso codsi magangelyo oo cusub. Ma rabtaa inaad ogaato xaaladaha aad tan ku samayn karto? Kadibna sii akhri maqaalkan.



Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful