Markaad dhulka ka soo gasho
Waxaad qaxooti ahaan Nederlaan ka soo gashay dhulka. Waa inaad Ter Apel aadaa si aad magangeyo u weydiisato. Waxaad Ter Apel ku aadi kartaa gaadiidka dadweynaha (tareenka iyo baska).
Cinwaanka xerada isdhiibitaanka ee Ter Apel
Ter Apel waa tuulo ku taala gobolka Groningen. Groningen waxey ku taalaa waqooyiga Nederlaan. Cinwaanka xerada isdhiibitaanka waa
Ter Apelervenen 3
9561 MC
Ter Apel
Waqti fiicsn iska xaadiri Ter Apel
Laga bilaabo marka aad Nederlaan soo gasho, waa inaad muddo 48 saacadood gudahooda aad iska diiwaangelisaa Ter Apel. Haddii aadan taasi sameynin? waxey
Ku safarka gaadiidka dadweynaha ilaa Ter Apel
Waxaad marka hore raaceysaa tareenka ka dibna baska. Gaadiidka dadweynaha waa inaad kaar u gadataa. Kaarka tareenka waxaad ka gadan kartaa xarunta tareenka laga raaco. Baska waxaad kaarka ka gadan kartaa dareewalka baska.
La soco:Haddii aad kaar laundefinedaan safarto, waa lagu ganaaxi karaa. Ganaaxa waa ilaa € 50. Tareenka waxaad gadaneysaa kaar darajada1aa ama 2aad. Waxaa qeybta ku qoran meesha aad la fariisan karto kaarkaaga.
Waxaa lagu siinayaa kaarka tareenka safarkaaga oo lacag la'aan ah
Haddii aadan lacag heysanin aad kaarka ku gadato? Markaa boliiska ayaa ku siinaaya kaar 1 beri ah. Taasi waa inaad aadaa saldhiga boliiska ee kuugu dhow. U sheeg boliiska inaad qaxooti tahay oo aad rabto inaad magangelyo ka weydiisato Ter Apel.
Inaad boliiska iska xaadirisaa waxey noqon kartaa wax cabsi leh marka aad qaxooti tahay. Laakiin boliiska Nederlaan looma oggola inuu dowladda waddankaaga u sheego inaad Nederlaan magangelyo ka codsatay.
La soco:kaarka maalinta ee boliiska waxaad ku raaci kartaa darajada 2aad ee tareenka. Banaanka tareenka ayaa ay ku qoran tahay darajada 2aad kan uu yahay. Waa lagu ganaaxi karaa haddii aad darajada 1aad fariisato adigoo haysta kaarka darajada 2aad.
Waa inaad iska hubisaa safarkaaga oo gelitaank-iyo bixitaankaba marsiisaa
Kaarka maalinta waa inaad hubinta sameysaa markaad sii raaceyso iyo ka dageyso tareenka iyo baska.
Tareenka waxaad hubinta raacida ka sameyneysaa barxada tareenka. Kaarka ayaad ku dhejineysaa kaar aqriyaha ku yaala albaabka barxada tareenka. Sidaa ayaad ku hubineysaa oo albaabkana ku fureysaa. Waxaad maqleysaa 1 dhawaaq.
Baska waa inaad gelitaan sameysaa markaad raaceyso. Ku dheji kaarkaaga albaabka kaar aqriyaha ku yaala. Waxaad maqleysaa 1 dhawaaq. Sidaas ku sameysay gelitaan.
Isla qaabkaasi ayaad uga baxeysaa dhamaadka safarkaaga. Markaa waxaad maqleysaa 2 dhawaaq. Hadii aadan sameynin gelitaanka iyo bixitaanka kaarka inaad hubiso waa lagu ganaaxi karaa. ma kuu hagaagi weydey? Weydii shaqaalaha jooga istashoonka ama darawelka baska.