
Iska xaadirinta Ter Apel
La wadaag baraha bulshada:
Si aad magangelyo uga weydiisato Nederlaan, waxaad iska diiwaangelineysaa tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaa codsigaaga boliiska Nederlaanka.
Iska diiwaangeli IND
Markaad imaado Ter Apel waa inaad iska diiwaangelisaa
magacaaga
taariikhdaada dhalasho
wadanka aad ka soo jeedid
xubnaha qoyskaaga ee kula soo safray
luqada aad ku hadasho
sababta aad usoo qaxday
Waxaa IND ku siineysaa warqad. Warqadaasi waxaa ku qoran taariikhda aad isa soo dhiibtay.
Wadahadalka boliiska
Marka la gaaro waqtigaaga, waxaad warqadaada IND la aadeysaa boliiska (waaxda
magacaaga
taariikhdaada dhalasho
meesha aad ku dhalatay
hadii aad wax reerkaaga joogaan Nederlaan
luqada aad ku hadasho
sababta aad usoo qaxday
Boliiska sawir ayey kaa qaadayaan iyo faraha astaantooda. Boliiska warbixintaada, sawirkaaga iyo farahaaga astaantooda waxey ka diiwaangelinayaan qaab qaran ah:
Nambar ayaa lagu siinayaa oo nidaamka ah. Taasi waxaa lagu magacaabaa
.nambarka-VBoliiska xagooda ayaa ka saxiixeysaa codsigaaga magangelyo. Taasi waxaa la yiraahdaa
.foomka-M35HWaxaa IND heleysaa kaar sawirkaaga ku dhegan, warbixinta shaqsiga iyo 'nambarka-V'. Kaarkan waxaa la yiraahdaa
. Ma heshay dokumentigaaga-W ka hor 11 sebtember 2024? Markaa wuxuu soconaayaa 18 bilood. Ma heshay 11 sebtembar 2024 ama ka dib dokumentiga-W, markaa 24 bilood ayuu soconaayaa.W-document
Boliiska waxey kaloo baarayaan dharkaaga iyo boorsooyinkaaga. waxaa suura gal ah iney kaa qaadaan taleefoonkaaga ama alaab kale ay kaa qaadaan si ay u soo baaraan. Haddii boliiska alaab ay kaa qaadaan, waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah. Warqad si fiican u xafid. Alaabtaasi mar dambe ayaa dib u soo qaadaneysaa adigoo warqadaasi cadeynta dhiibanaaya
Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo
Iska sheeg xagga VluchtelingenWerk haddii aadan weli boliiska aadin
Marmar ayaa waqti u dhexeeyaa ilaa diiwaangelinta IND iyo wadahadalka boliiska.Ma aadin boliiska iyo ballan lama lihid aad ku aado boliiska Ter Apel ama Budel? Markaa aad VluchtelingenWerk. Waxey ku leeyihiin xafiis xerada dejinta. Shaqaalaha VWN ayaa u gudbinaaya boliiska inaad weli sugeyso in lagu diiwaan geliyo oo loo baahan yahay in lagu diiwaangeliyo
Mar mar ayaan jirin xeryo dejin oo kaafi ah
Sidoo kale ma jiro boosas dejin Ter Apel. Sidaa awgeed ayaa mar mar lagu geynaayaa mudada isdhiibitaanka
Iska diiwaangelinta Ter Apel muddo dheer ayey qaadan kartaa
La soco iney muddo dheer ay qaadan karto ilaa IND iyo boliiska ay ku diiwaangelinayaan. IND iyo boliiska aad ayey shaqada ugu badan tahay. Labada ururba ma heystaan shaqaale ku filan oo ay uga shaqeeyaan cadadka codsiyada magangelyodoonka sidaa awgeed ayaa diiwaangelinta muddo dheer u qaadan kartaa.