Qodob

Sidaan ayaa u shaqeeyaa xerada mudada ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/14/2024, 11:29 GH

Waxaad joogtaa xarunta qaabilaada degdega maadaama uu xerada caadiga uu buuxo. Badiyaa lama yaqaan mudada aad halkan joogeyso. Mar mar waa inaad u guurtaa xeryo meelo kale ah.

Hoyga mudada ah

Hoyga mudada ah ma laha tas-hiilaad la mid mida xeryaha caadiga ah. Tusaale hoyga oo ah xero isboortiga, teendho weyn ama iskuul qadiim ah oo muddo la isticmaalaaya. Waxaad badiyaa la seexaneysaa dad badan hal meel ( sariirta xerada ama sariiro isdul saaran). Degmada aad degan tahay ayaa mas'uul ka ah hoyga. Ma degan yahay qof reerkaaga ka mid ah xero caadi adigana hoyga mudada? Badiyaa uma guuri kartid qofkaasi reerkaaga ah maadaama ay boos jirin.

Waxan ayaad xaq u leedahay hoyga mudada ah

  • Sariir

  • Cunto iyo cabitaan

  • Baakad alaabta daryeelka jirka (saabuun iyo shaambo)

  • Daryeel caafimaad

Waxaad kaloo xaq u leedahay

marka uu si rasmi ah u bilowdo dacwadaada. Tani waa marka aad hesho ballanta labaad eewareysiga
.

Tas-hiiladka xerada mudada ah

  • Badiyaa wuu jiraa Wi-Fi.

  • Badiyaa ma jiro kushiin ama matbaq cunto kuu gaar ah ku sameysato. Waxaa lagu siinayaa cunto.

  • Waxaa jiro tashiilaad ka yar xeryaha caadiga ah. Mar mar waxaad qaadan kartaa cashar luqada Nederlaanka ah. ama waxaad sameyn kartaa shaqo tabaruc ah. U sheeg shaqaalaha jooga qaabilaada waxa aad rabto. Waxaa mar mar jira fursado.

  • Maalintii waqtigaad rabto waa bixi kartaa. Waa inuu jiraa meel lagaala xariiro e-mailka ama telefoon wixii ku saabsan dacwadaada magangelyodoonka. Adiga ayaa mas'uul ka ah nafsadaada arrintan.

  • Ma heysataa ballan IND oo wareysiga ah? waxaa xarunta aad joogto kuu diyaarinayaan gaadiidka. Adiga iskaaga uma bixineysid qarashka.

  • Waxaa laguu oggol yahay ilaa 20 kilo oo alaab ah inaad ku heysato xerada mudada ah.

Fadlan la soco:Haddii aadan weli codsanin magangelyo (sidaa awgeed aadn weli heysanin nambarka-V), markaa weli ceymis kuma jirtid. Taasi u sheeg saacadaha qaabilaada ee

ama
ee jooga xerada. Iyaga ayaa arintan qoraaya. Waxaad markaa heleysaa ballan lagu diiwaangelinaayo sida ugu dhaqsaha badan.

Ilmaha jooga xerada mudada ah

  • Dhamaan ilmaha ka yar 18 jir waxey xaq u leeyihiin waxbarasho. xerada mudada ah waxaa mararka qaarkood ka jirin waxbarashada ilmaha. Taasi waxa keentay macalimiinta oo yar. VWN ayaa dowlada arrintan iney isbedel ka sameeyaan.

  • Waxaa xerada mudada waxaa badiyaa ka jira dhaqdhaqaaqyo yar oo ilmaha loo abaabulo. Sida ciyaaraha(games), muusikada iyo isboortiga. Mar mar ma laha meel fiican ay ilmaha ku ciyaaraan.

Waxa suura gal ah inaan lagu geynin xarunta qaabilaada mudada ah haddii:

  • Aad 18 jir ka yar tahay ama da'daada iyo aan waalid ama ilaalo kula socon.

  • Waxaad heleysaa daryeel caafimaad isla markii. Ama waxaad daryeel gaar ah oo adag ayaad u baahan tahay.

  • Waxaad qabtaa COVID-19. Ama waxaa lagaa qaaday baaritaan oo natiijada ayaa sugeysaa.

  • Waxaad ku xiran tahay qof ku caawiya ama waxaad saaran tahay gaariga la riixo.

  • Waxaad u baahan tahay badiyaa daryeel cisbitaal. Tusaale, xanuunka dhiiga xinjiraha ama (thrombosis).

  • Waxaad qabtaa qaaxo.

  • Waxaad leedahay uur (6 wiig ka dib ayaa laguu xisaabiyey inaad dhaleyso).

Haddii hal ama dhowr sabab ay jiraan oo kor ku qoran ee adiga ku quseeya, aadna weli ku jirto xerada mudada, u sheeg qof shaqaalaha ka mid ah ee qaabilaada ama dhaqtarka.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful