La soco: qeyb ka mid ah qodobkani lama tarjumin. Tarumaanada ayaa ku howlan. Mar dhow soo noqo si aad qodobka luqadaada ugu aqriso.

Laga soo xigtay: IND
Qodob
Waxaad iska diiwaan gelineysaa Ter Apel si aad u codsato magangalyo
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 6/25/2026, 20:19
La wadaag baraha bulshada:
Si aad magangelyo uga weydiisato Nederlaan, waxaad iska diiwaangelineysaa tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaa codsigaaga boliiska Nederlaanka.
Mar mar ayaan jirin xeryo dejin oo kaafi ah Ter Apel
Mararka qaar ma jirto meel ku filan oo aad ku seexato Ter Apel. Haddii ay sidaas tahay, waxaa lagu geyn karaa hoy kale oo aad habeenkii seexato
Subaxdii, badanaa waxaa laguugu celinayaa Ter Apel. Halkaas ayaad ku sii wadi doontaa marxaladda OVA.