Qaxootiga ayaa safka ku jira si ay isaga diiwaangeliyaan tuulada Nederlaanka ee Ter Apel
Laga soo xigtay: Inge van Mill
Warbixin
Sharuudaha sharciga magangelyada ee deganaanshaha
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:45 GD

Waxaad Nederlaan sharuudo gaar ah awgeed ku weydiisan kartaa magangelyo. Waxaa Adeega Socdaalka iyo dhalashada (IND) ayaa ka go'aamineysa inaad sharuudaha ka soo baxeyso. Markaa ka dib waxey IND go'aamineysaa nooca sharciga magangelyada aad heleyso nooca a ama b. Ma weydiisan kartid magangelyo Nederlaan haddii aad dibada joogto.

Waxaad keliya magangelyo ka weydiisan kartaa hadii aad joogto Nederlaan

Ma joogtid Nederlaan, laakiin wadan kale? Markaa Nederlaan qaxooti kama weydiisan kartid. Waa inaad Nederlaan joogtaa si aad magangelyo uga weydiisato, magangelyo kama weydiisan karto online-ka.

Sababahan ayaad sharci magangelyo ku heli kartaa

Waxaad sharci deganaansho magangelyodoonka ku heli kartaa Nederlaan haddii:

  • aad sababo sax ah ka cabsaneyso oo lagugu raadsanaayo wadanka aad ka soo jeedo xagga asalka, diintaada, jinsiyadaada, fikradaada siyaasadeed ama inaad ka tirsan tahay koox gaar ah oo bulshada oo la cunsiriyeeyo.

  • aad qatar ku sugan tahay oo ciqaab dil ah, jir dil daran ama qaab kale oo bani'aadannimada ka baxsan laguula dhaqmaayo wadankaaga aad ka soo jeedo.

  • aad sababo sax ah ka cabsaneyso inaad dhibane ku noqoto dhibaatada keentay dagaalka hubeysan, sida dagaalka, wadanka aad ka soo jeedo.

Tani waa waxa lagu ballamay heshiisyada caalamiga. Tusaale ahaan

Heshiiska qaxootiga
. Nederlaan waxaa go'aaminaaya
Adeega- Socdaalka iyo jinsiyada(IND)
haddii aad magangelyo ku heleysaa sababahan ku heli karto.

Keliya 1 ka mid ah 3 dan sababood ayaa Nederlaan ku heli kartaa sharci deganaansho magangelyo. Sababo kale ma ahan, tusaale maadaama aad jiran tahay ama maadaama aad rabto inaad Nederlaan ka shaqeyso.

Waxaa jira 2 nooc oo kala duwan oo deganaansho magangelyo ah Nederlaan: a iyo b

Ma u aragtaa IND inaad xaq u leedahay sharci deganaansho? Markaa sharci deganaansho magangelyo ayaa heleysaa. Waxaa jira laba nooc oo kala duwan oo deganaansho magangelyo. Taasoo ah sharciga qodobka-A ama qodobka-B. Adeega Socdaalka yo Jinsyada (IND) waxey ka go'aamineysaa haddii iyo nooca sharci deganaansho magangelyo aad heleyso. Waa muhiim inaad sabab fiican aad magangelyo ku heshaa. Halkan ka aqri farqiga sharciga magangelyada ee a iyo b ee Nederlaan:

  • Sharci magangelyo oo qodobka -A Sharcigan waxaad heleysaa haddii ay IND u aragto inaad wadanka aad ka soo jeedo aad shaqsi ahaan qatar lagu raadsanaayo ku sugan tahay. Xagga qabiilka aad tahay ama jinsiyadaada), diintaada, aragtidaada siyaasi ama inaad ka tirsan tahay bulsho gaar ah. Tusaale ahaan inaad tahay LHBTI+.

  • Sharciga magangelyo qodobka-B sharcigan waxaad heleysaa haddii ay IND u aragto inaad wadankaaga aad ka soo jeedo qatar ku tahay qof walba oo meesha ka yimid. Ama haddii aad qatar shaqsi aad ku sugan tahay oo sabab kale ah markaa halkan kore sida qodobka -A loogu magacaabay.

Ma go'aamisey IND inaad sharci magangelyo heleyso? Warqada aad ka heleyso IND waxaa ku qoran qodobka sharciga qodobka-A ama qodobka- B. Labada deganaanshaba waxey soconayaan shan sano.

Waa muhiim inaad magangelyo ku heshaa sababta saxda ah

Farqiga u dhexeeya sharciga muhiim uma muuqdo, maadaama aad Nederlaan isku xaquuq leedahay mudada aad joogto. Haddana waa muhiim sababtoo ah mar mar ayey saameyn ku yeelataa mudada iyo sababta aad Nederlaan ku joogeyso.

Ka soo qaad in dagaal ka jira wadanka aad ka soo jeedo, sidaa awgeed wadankaaga qof walba ayey qatar u tahay. Sidoo kale adigana kuu tahay. Markaa sidaa awgeed ayaa sharci deganaansho magangelyo qodobka -B. Intaa ka sokow haddii aad shaqsi ahaan inaad qatar shaqsi ahaan qodobka-A maadaama aad koox diineed ah oo qatar ku jira.

Haddii dagaalka wadanka aad ka soo jeedo ka jira, markaa sharcigaaga deganaansho ee qodobka-B aad ku waayi doonto. Laakiin sharciga deganaanshaha magangelyada ee qodobka-A qatar ayaa weli ku jirtaa. Waayo wadankaaga weli qatar ayaa ku jirtaa maadaama aad koox gaar ah oo diini ah aad ka tirsan tahay. Markaa Nederlaan ayaa joogi kartaa ilaa sharcigaaga deganaansho uu soconaayo, ama xitaa sharci deganaansho cusub ayaad codsan kartaa

Sidaa awgeed ku dadaal inaad si waadix ah u sheegato dhamaan sababta aad u soo qaxday. Markaa IND sharcigaaga ma ceshan karaan haddii xaalada wadankaaga aad ka soo jeedo uu is bedelo

IND sharcigaaga deganaansho 5 sano ka hor wey kaa ceshan karaan

Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo oo qodobka-A, laakiin wax qatar dambe ah kuma sugnid wadankaaga? Markaa IND sharcigaaga deganaanshaha magangelyada wey kaa qaadan kartaa. Tusaale ahaan maadaama wadankaaga aad ka soo jeedo uu amaan u yahay kooxda diiniga ee aad adiga tahay

Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo oo qodobka-B, laakiin wadankaaga dib ayuu amaan u noqday? Markaana IND sharcigaaga deganaanshaha magangelyada wey kaa qaadan kartaa. Tusaale ahaan maadaama dagaalkii wadankaaga aad ka soo jeedo ka jirey oo dhamaaday.

Sidan ayaa Nederlaan looga weydiistaa magangelyada

Ma rabtaa inaad magangelyo weydiisato? Markaa aqri sida aad isu qoreyso dacwada magangelyada ee Ter Apel.

Iska diiwangelinta Ter Apel
Boggan ayaa ka aqrineysaa sida aad Nederlaan magangelyo uga weydiisaneyso. Waxaad iska diiwaangelineysa xarunta isdhiibitaanka ee tuulada Ter Apel. Halkan ayaa magangelyo ka weydiisaneysaa IND iyo aad ka diiwangelineysaa codsigaaga boliiska Nederlaanka.

Mudoo Intee ayey qaadataa dacwada magangelyada ee Nederlaan?

Waxaa IND heysataa 15 bilood muddo ah ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyada. Halkan ka aqri sababta ay taasi ku timid iyo waxa dhamaan mudada sugitaanka yahay.

Intaan ayey qaadataa dacwadada magangelyada
Mudoo Intee ayey qaadataa dacwada magangelyada iyo maxey yihiin mudooyinka sugitaanka. Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ah.

Maxey kula tahay qodobkan?