Mudada dacwada magangelyada waxaad Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) u dhiibeysaa dokumentiyo. Dokumentiyadan waxey cadeynayaan dhibaatada aad usoo qaxday. Ka aqri halkan dokumetiyada lagaa rabo iyo qaabka aad u kuwaasi u direyso.
Waa muhiim u ah
Tusaale ahaan waxey noqon karaan kaararka xubinnimada ee xisbiyada siyaasiga, dokumentiyo kaniisada ama cadeyno aad heyo oo ah dhibka laguu geystay (raboorka boliiska, xukunada maxkamada). Ama cadeyno ah joogistaada meelo gaar ah sida wada kulan (siyaasi). xitaa qoraalo ku qornaa wargeyska oo looga hadlaayey xaalada dadka aad ka soo jeedo ee laga tiro badan yahay looga hadlaayo. Waxaa intaa dheer dokumentiyada ama xitaa sawiro ama dokumenti kuwa elektrooniga ah.
Waxaa IND ku weydiineysaa dokumentiyo inaad keento si ay kuwaasi u baari karaan iney sax yihiin. Haddii ay dokumenti asli ah yihiin, waxaa IND ku weydiineysaa in dokumentiga asliga aad soo dirto. Haddii aadan heysanin koobi ama sawiro ayaad u diri kartaa. Koobiyada dokumentiga si fiican looma baari karo. Dokumentiga asliga IND si fiican ayey u baari karaan, tusaale ahaan nooca warqada, farsamada daabacaada, nooca khadka iyo shaabadaha. Waxaa IND heysataa mashiino gaar ah, sida weyneysada.
Ka hor intaadan dokumentiga rasmiga u soo dirin IND, waxaad ka sameyn kartaa dokumentiga koobi. markaasoo aad adigana weli warbixin ka heysato dokumentiga rasmiga ah, markaasoo dokumentiga rasmiga ay IND heysato oo ay soo baarayaan.
Waxaa suura gal ah iney feejignaan dhalin karto marka aad dokumentigaaga u gudbiso IND. Haddana si codsigaaga magangelyo si wanaagsan looga shaqeeyo waxaa IND u aragtaa in loo baahan yahay in dokumentiga la keeno. Ma rabtid ama ma awoodid inaad dokumentiga dhiibitid? Markaa kala hadal garyaqaankaaga waxa adiga kuu fiican.
Qaaba kala duwan ayaad dokumentiyadaada u dhiiban kartaa:
Marka lagu diiwaangelinaayo
waxaa shaqaalaha ku weydiinayaa dokumentiyadaada. Shaqaalaha wuxuu ku weydiinayaa dhamaan dokumentiyada cadeynaaya shaqsiyadaada ama aad xaduudka uga soo gudbi karto, sida baasaboorka. Mudada wadahadalka ayaa dokumetigaaga dhiiban kartaa. Waxaa isla markii lagu siinayaa cadeyn warqad ah inaad dokumentiyada aad dhiibatayxagga boliiskaMudada wareysiga hore ayaa dokumentiyada dhiiban kartaa ee shaqsigaaga ama aad xaduudka uga soo gudubtay, sida baasaboorka. Waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah inaad dokumentiga dhiibatay.
Mudada wareysiga labaad ee IND iyadana dokumentiyada waad u diri kartaa IND. Taasi waxaad ku diri kartaa boostada sugan ee la saxiixo. Taasi garyaqaankaagana wuu kuu sameyn karaa.
Waxaad dokumentiyadaada u diri kartaa si boosto ahaan ah ee IND. Garyaqaankaaga ayaa kaa caawin kara. Cinwaanka aad u direyso waa
T.a.v IND Scanstraat, Postbus 18, 9560 AA Ter Apel
Iyo warbixintaada waa inaad raacisaa marka aad dokumentiyada direyso
magacaaga
iyo
Nambarkaaga-Vfaahfaahin kooban oo af Nederlaanka, af Inglishka, af Faransiiska ama af Jarmalka ee dokumentiyada aad direyso
af Nederlaanka, af Inglishka, af Faransiiska ama af Jarmalka
tarjumaan la qaariyeytaariikhda waraysiga 2 aad oo IND (haddii la soo sheegay)
Waxaad dhokumantiyada ugu diri kartaa IND adooo u marinaya "iimayl diwaangashan". Tani waxay la macno tahay waxaad heli doontaa fariin kaaga soo noqota IND markay helaan dokumantiyada. Qareenkaagu sidoo kale u dir dokumantiyada. Waa inaad iska bixisaa kharashka dirista dokumantiyada.
Iyadoo kooban waxaa jira seddex shey oo aad ka taxadartaa hadii aad dokumentiga dhiibaneyso
Ka samey koobi ama sawir dokumenti rasmi iyo meel fiican dhigo.
Weydii mar walba waraaqaha cadeynta in lagaa qaaday ee dokumentiga. Oo meel fiican dhig
Haddii aad boostada ku dirto, markaa waa inaad ku dirtaa mida la saxiixaaya. Inkastoo ay lacag tahay. Ku dadaal inaad warbixintaada shaqsiga, sidaan hore qodobka lagu sharaxay.
IND dokumentiyada wey soo celineysaa marka ay go'aanka ka gaaraan dacwada magangelyada. Markaa dokumentiyada waa laguu soo celinaayaa marka aad sharciga magangelyada hesho ama codsigaaga magangelyo la soo diido oo waajib tahay inaad Nederlaan ka tagto. Ama codsiga ka dib marka laga soo noqdo codsiga magangelyada. Marka go'aan fiican lagaa soo gaaro waxaa dokumentiyadaada ka heleysaa xafiiska IND, badiyaa waxaa lagu siinayaa marka aad sharciga deganaanshaha magangelyada aad soo qaadaneyso. Marka diidmo lagu soo go'aamiyo
Haddii IND dokumentiyadaada aysan ku siinin ama ka lumaan ashtako rasmi ah ayaad gudbin kartaa xagga websaaytka IND. Taasi waa keliya luqada Nederlaanka iyo foom Nederlaan ah. Garyaqaankaaga ama qofka aad la xariirto
Waa muhiim inaad koobiyada cadeynta waraaqaha lagaa qaaday ee dlkumentiyadaada aad meel fiican dhigato. Sidaa ku tusin kartaa sida ay dokumentiyada u eg yihiin iyo ku cadeyn kartaa inaad dhiibatay. Haddii IND dokumentiyada ka dhumaan taasi wax saameyn ma aha iney ku yeeshaan dacwadaada magangelyo. Dacwada wey sii soconeysaa.