Laga soo xigtay: Google images
Qodob

Sidan ayaa samey kartaa haddii ay IND soo diido codsigaaga magangelyo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/23/2026, 3:57 GD

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) wey soo diiday codsigaaga magangelyo. Markaa waxaa heleysaa warqad IND. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa dhacaaya iyo waxa aad sameyn karto

Waxaad ka heleysaa waqrad IND oo ku qoran iney codsigaaga magangelyo soo diidi doonaan

Ka dib markaad marto wareysiga 2aad ee dacwadaada magangelyo, waxey

gaareysaa go'aan hore. Ma rabaan iney codsigaaga magangelyo ogolaadaan ama soo diidaan. Taasi warqad ahaan ayaa IND uga heleysaa. Warqadan waxaa lagu magacaabaa 'voornemen' (la damcsan yahay)

Waxaa warqada ku qoran sababaha diidmada ama ogolaanshaha iyo wixii cawaaqib adiga kuu yihiin. Waxaa warqada IND kala hadleysaa lawyerkaaga. Wuxuu lawyarka ka dib haystaa 1 beri uu warqada IND uga jawaabo. Warqadan waxaa lagu magacaabaa 'zienswijze' (qaabka aragtida). waxaa Qaabka aragtida adiga iyo lawyarkaaga ku qoreysaan sababta aadan ugu raacsanayn go'aankan hore ee IND

Waxaad IND ka heli doontaa warqad labaad oo sheegaysa inay dhab ahaan diidi doonaan codsigaaga magangelyo ama ay haddana oggolaan doonaan

Ka dib markii ay helaan warqada lawyerka iyo aqriyaan, ayaa, IND gaarayaan go'aanka rasmiga ah. Waxaa surra gal ah in IND weli codsigaaga ay soo diidaan. Waxaa kaloo suura gal ah in IND codsigaaga magangelyo ay oggolaadaan. Go'aankan rasmiga waxaa lagu magacaabaa 'beschikking' (xukun).

Haddii ay IND si rasmi ah u diido codsigaaga qaadiga maxkamada ayaad aadi kartaa

Ma soo diiday IND codsigaaga? Markaa waxaa adigoo lawyerka kaashanaaya racfaan ka qaadan kartaan maxkamada. Kala hadal lawyarkaaga haddii aad taasi rabto. Haddii uu lawyarkaaga rafcaan kuu qaado, xaakinka ayaa fiirinaaya haddii go'aanka IND uu sax yahay iyo in kale. Xaakinka wuxuu keliya fiirinaayaa in IND ay habraacii si sax ah u fulisay, laakiin uma sii guda geli doono go'aaminta kiiskaaga.

Haddii aad rafcaan ka qaadato go'aanka IND oo maxkamada, markaa waa joogi kartaa Nederlaan ilaa xaakinka go'aan ka soo gaaro

Haddii garsooruhu go'aansado in IND aysan si sax ah u fulin nidaamka, IND waa inay go'aan cusub gaadhaa. Haddii garsooruhu go'aansado in IND ay si sax ah u fulisay nidaamka, waxaad la tashan kartaa qareenkaaga waxaad rabto inaad sameyso. Waxaad haysataa 3 ikhtiyaar: racfaan u qaadashada maxkamad sare, ku noqoshada waddankaagii asalka ahaa, ama codso codsi magangelyo oo cusub. Ma rabtaa inaad wax badan ka ogaato gudbinta codsi magangelyo oo cusub ama 'la soo celiyay', ma rabtaa inaad ogaato xaaladaha aad tan ku samayn karto? Markaa sii akhri maqaalkan.

Kuma raacsanid go'aanka maxkamada? Markaa garyaqaankaaga ayaa maxkamad sare kaaga qaadaaya

. IND iyagana go'aanka maxkamad sare wey ka qaadan karaan go'aanka maxakamada. Waxey RvS fiirinayaan in maxkamada ay go'aanka saxda gaartay.

Maxkamada Sare RvS waa maxkamada ugu sareysa Nederlaan. Taasi waxey micnaheeda tahay in go'aanka RvS aan maxkamad kale la geyn karin. Go'aanka maxkamadani waa kii ugu dambeeyey

Mar walba laguuma ogola inaad jawaabta maxkamada sare aad Nederlaan ku sugto. Lawyarkaaga waa inuu xaakinka si rasmi ah u weydiiyaa inaad joogi kartid Nederlaan si aad u sugto jawaabta. Taasi waxaa la yiraahdaa

. Codsigan inaad Nederlaan sii joogto ilaa xaakinka go'aanka ka gaaray waa lasoo diidi karaa.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful