
Saxiixida heshiis shaqo marka la heysto dokumenti-w
La wadaag baraha bulshada:
Marka aad shaqo hesho, waxaad saxiixday heshiis shaqo. Tani waxay ka kooban tahay tiro heshiisyo ah oo aad la leedahay loo-shaqeeyahaaga. Adiga iyo loo-shaqeeyahaagu waa inaad sidoo kale raacdaan dhowr xuquuq iyo waajibaad. Halkan ka akhri heshiisyada ugu muhiimsan ee aad la gasho shaqo siiyahaaga.
Haddii aad weli sharci deganaansho heysanin waad shaqeyn kartaa sharuudo xadidan adoo fulinaaya
Ma heysataa
Ka aqriso wax dheeraad ah sharuudaha shaqada marka aad heysato dokumenti-W
Heshiis saxiixida shaqada cusub
Nederlaan heshiis ayaad saxiixeysaa haddii aad shaqeyneyso. Ka hor intaan heshiiska la sameynin, waxaad la hadleysaa shaqo siiyahaaga si aad ballamo u sameysataan oo arrimaha muhimka ah. Waxaad tusaale ballan ka sameyn kartaa:
Meeqa ayaad qaadaneysaa
Meeqa saac ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad fasax leedahay
Haddii aad ku heshiisaan waxyaalaha muhiimka ah, waxaad saxiixeysaa heshiiska. Dhamaan sharuudaha shaqada waxaa lagu qorayaa heshiiska. Waxaad kaloo xaq u leedahay fasax adigoo lacag kuu socoto xaaladaha qaarkood, sida fasaxa ummusha, fasaxa waalidnimada iyo fasaxa daryeelka.
Xeerarka mushaharka iyo faa'iidooyinka
Shaqaale mushahar qaata ahaan waxaad leedahay, xaquuq gaar ah. Xaqa ugu muhiimsan waa xaqa mushaharka ugu yar. Taasi waa qaddarka loo baahan yahay inaad hesho ugu yaraan shaqada aad qabaneyso, waxaana ay ku qoran tahay sharciga.
Mushaharka ugu yar wuxuu ku kala duwan yahay da'da. Marka aad sii weyn tahay, mushaharka ugu yar wuu ka sii kordhayaa. Laga bilaabo da'da 21, mushaharka ugu yar yar waa qaddar go'an. waxaa muhiim ah inaad qaadan wax ka yar mushaharka ugu yar.
Intaa waxaa dheer, mar walba waad kala xaajoon kartaa mushaharka. Hubi in mushaharkaaga uu ahayn mid ka yar dadka kale ee isla shaqadaada oo kale qabanaaya.
Loonwijzer
Nidaamka qarash celiska safarka
Qarashka ku baxa aadista iyo noqoshada shaqada waa qaali. Waxaa uu shaqo siiyahaaga ku siin karaa kaalmada safarka. Tani waa qarashka aad geshay si aad shaqada u aado oo laguu soo celinaayo.
Markaad ku safrayso gaadiidkaaga, baabuurka ama gaadiidka dadwaynaha, loo-shaqeeyaha wuxuu dib u celin karaa qaddarka ugu badan ee sharci ahaan la go'aamiyay adigoon wax canshuur ah ka bixin. Haddii loo-shaqeeyahaagu uu soo celiyo wixii intaa ka badan, wax kasta oo ka sarreeya lacagtan ayaa loo tiriyaa mushahar ahaan. Markaa waxa lagu cashuuri doonaa sida mushaharkaaga intiisa kale.
Marka lagu safraayo gaadiidka dadweynaha wuxuu shaqo siiyahaaga wuxuu dooran karaa inuu qarashka la galay in loo celiyo iyadoo aan canshuur laga bixineynin. Markaa wuxuu shaqo siiyahaaga bixinaayaa qarashka oo dhan ee tusaale ahaan kaarka tareenka ama rukunka- gaadiidka dadweynaha.
La samey qorshe shaqo siiyahaaga
Haddii aadan ogeyn qaabka uu loo shaqeeyahaaga dib ugu celiyo qarashka gaadiidka dadweynaha? Waxaa fiican inaad tani heshiiska shaqada ka hor ka sii hadashaan.
Nidaamyada shaqo hadii aad ka yar tahay 18 sano
Haddii aad ka yar tahay 18 jir, sharciyo gaar ah ayaa khuseeya ka shaqaynta Nederlaan. Tani waxay sidoo kale khuseysaa qaxootiga. Carruurta da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 16 sano waa waajib inay aadaan dugsi. Tan waxaa lagu magacaabaa waxbarashada waajibka ah. Haddii aanad haysan shahaado dugsi sare, waa inaad aadaa dugsiga ilaa aad ka gaareyso 18 jir.
Da'daada ayaa go'aamisa inta aad shaqeyn karto iyo shaqada aad qaban karto. Hoos ka akhriso waxa ay tahay inaad fiiro gaar ah u yeelato da' walba:
13 ilaa 16 jir
Haddii aad u dhexeyso 13 iyo 16 sano, waxaa laguu oggol yahay inaad haysato shaqo waqti-go'an ah. Tani badanaa waa shaqo fudud. Tusaale ahaan, waxaad awoodaa:
Shaqooyinka aan caadiga ah ee xaafadda
Dugsiga ka dib, xannaanaynta carruurta familka ama dadka macaariifta ah
Buuxinta khaanadaha subermaarkatka
Soo goynta qudaarta iyo furutada
Waraaqaha xayeysiinta oo la wadaajiyaa
16 ilaa 17 jir da'da ah
Marka aad gaarto 16 ama 17 jir, Shaqooyinka badankooda waad ka shaqeyn kartaa marka laga reebo kuwa qatarta ah. Tusaale ahaan kama shaqeyn kartid waxyaalaha qatarta leh. Waxaa jiro shaqooyin qatar ah oo laguu oggol yahay inaad qabato, keliya marka uu kormeere qabiir ah aad hoos imaaneyso.
Shaqadaada ma ahan iney kaa horistaagto aadista iskuulka.
Haddii da'da 18 jir ama ka weyn
Laga bilaabo da'da 18, waxaad ka shaqeyn kartaa dhamaan shaqooyinka. Haddana waxaad badiyaa u baahan tahay inaad heysato shahaado ama shahaadooyin habboon.
Caawino heshiiskaaga
Wixii su'aalo sharciyada la xariira iyo warbixino dheeraad oo ku saabsan heshiisyada shaqaalaha waxaad la xariiri kartaa