Waxa aad u baahan tahay inaad habeyso haddii aad rabto inaad shaqeyso
Qodobkaan sii wadaaji
Haddii aad rabto shaqo aad lacag ku qaadato inaad ka shaqeyso Nederlaan, waa inaad dhowr waxyaalood sii habeyso. Xaquuqna waa leedahay. Halkan ka aqri xaquuqda aad leedahay.
Waxaad u baahan tahay nambarka BSN iyo inaad furato xisaab bangiga ah
Waa inaad xisaab bangi Nederlaan ah heysataa si aad u shaqeyso. xisaab bangi waa waajib si aad heshiiska shaqo siiyahaaga ula gasho. Shaqo siiyahaaga waa inuu mushaharka bangigaaga ku soo shubaa. Shaqo siiyahaaga lama oggola inuu lacagta kaash ahaan kuu siiyo. Shaqo siiyahaaga lacagta kuma soo shubi karo kaarka COA ee moneycard
Si aad bangi u furato waa inaad
Waqtigan xaadirka iskama diiwaangelin kartid BRP
Dad badan oo heysta dokumtiga-W ma weydiisan karaan BSN. Taasi waxaa sababay mudada dheer ee sugitaanka. Codsiyada dadka heysta sharciga deganaanshah ee 5 sano ayaa la hormarinaayaa. Ka dib ayaa dadka heysta dokumentiga-W ay tookadooda tahay. Xitaa haddii aad 6 bilood soo joogtay Nederlaan oo aad shaqeyn karto, laguma hormarinaayo.
La soco:shaqo siiyahaaga ma kuu sameeyey TWV? Markaa waa lagu hormarinayaa xaga isqoritaanka BRP. Kala xariir shaqaalaha COA ee xeradaada.
Haddii aad shaqo heysato waa inaad qarash iska bixisaa hoyga dejinta ah
Ma degan tahay hoyga COA? Markaa waa inaad daqligaaga u sheegtaa COA. Waa inaad wax ka bixisaa qarashka hoyga. Waa laguu oggol yahay 25% oo daqligaaga inaad adiga heysato, ilaa ugu badnaan € 246,- bishii.
Ma shaqeysaa wax ka badan inta aad ka bixineyso hoyga? Markaa wixii dheeraad ah ee daqligaaga waad heysan kartaa.
Mar mar waxaad u baahan tahay Cadeynta Asluubta (VOG) si aad u shaqeyso
Shaqooyinka qaarkood waxaad u baahan tahay Cadeynta Asluubta (VOG) si aad u shaqeyso. Badiyaa shaqo siiyahaaga ayaa VOG kuu dalbaaya. Adiga looma baahna inaad iskaaga u sameysatid.
Haddii aad Nederlaan ka shaqeyso waxaad leedahay xaquuqda shaqaalaha
Waxaad leedahay xaquuq la mid ah midka dadka jinsiyada Nederlaanka heysta. Xitaa haddii aad keliya dokumenti-W oo sannad ah heysato. Xaquuqdaada waa kuwan
shaqo siiyahaaga lama oggola inuu ku siiyo wax ka yar mushaharka ugu yar ee Nederlaan ka jira. Mushaharka ugu yar wuxuu ka bilowdaa daundefinedda 21 jir oo waa ilaa 11 euro saacaddii.
waxaad xaq u leedahay maalmaho aad fasaxan tahay.
waxaad xaq u leedahay inaad u gudbin karto markaad xanuunsan tahay.
shaqo siiyahaaga waa inuu bil walba mushaharkaaga bangigaaga kuugu soo shubaa
shaqo siiyahaaga waa inuu sugaa meel amaan ah iyo jawi caafimaad leh ahaadaa meesha aad ka shaqeyneyso.
waxaad shaqeyneysaa ugu badnaan 60 saac wiigii, laakiin ma aha wiig walba
shaqo siiyahaaga waa inuu ku siiyaa mushahar waafaqsan suuqa. Taasi waxey micnaheeda tahay inuu mushaharka caadi yahay oo shaqada aad ku qaban doonto aqoontaada iyo qibradaada.
Ma waxaad tahay daundefinedyar? markaa laguuma oggola inaad shaqeyso habeen ama shaqo qatar ah aad qabato.
La soco:Haddii aad shaqeyso iyadoo aan laguu ogolayn haddan isla xaquuqda shaqaalaha ayaad leedahay.