Laga soo xigtay: Pavel Danilyuk
Qodob

Qiimeynta shahaadada ee Nederlaan marka aad sharciga deganaanta heysato

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/13/2025, 8:55 GH

Ma Nederlaan banaankeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.

Muxuu yahay micnaha qiimeynta shahaadada?

Qiimeynta shahaadada waxaa shahaadadaada la barbardhigaysaa darajada tababarka ee Nederland. Nederlaan darajado kala duwan ayaa wax u baran kartaa. Darajo walba shahaado gaar ah ayaad u baahan tahay.

Shaqooyin badan oo Nederlaan ah waxaad u baahan tahay shahaado darajo gaar ah. Qiimeynta shahaadada waxey is barbar dhigeysaa shahaadada dibada iyo nidaamka waxbarashada ee Nederlaan.

Ururkan ayaa shahaadadaada ka qiimeyn kartaa

Waxaa Nederlaan shahaadada ka qiimeyneysaa ururka

.

Qiimeynta shahaadada Caalamiga (IDW) Internationale Diplomawaardering (IDW)

Websaaytka ururka Qiimaynta Aqoonsiga Caalamiga (IDW), waxaad ka codsan kartaa Qiimaynta Shahaado. Waxaad sidoo kale wici kartaa IDW adigoo garaacayo +3179 321 79 30 ama emayl udiraayo info@idw.nl.

Meequu joogaa qiimeynta shahaadada?

Shahaadadaada 1 ayaa lacag la'aan qiimeyn kartaa haddii 1 ka mid ah xaaladahan hoos ku qoran ku quseyso:

  • Waxaad bilowday 1 jaanayo 2015 ama ka dib la qabsashada bulshada (Inburgering).

  • Waxaad tahay wadani Nederlaan ah ama waadnoqoneysaa (jinsiyadaa qaadaneysaa).

  • Waxaad ka weydiisatay sharci deganaansho oo aan waqti ku xirnayn

    ).

Xaaladahan wax ku saabsan kuma quseeyaan? Ama waxaad heysataa shahaadada la qabsashada

? Qiimeynteeda shahaadada waa € 148,83.

Ilaa 1 janaayo 2025 waxaa kaloo qaxootiga Yukrayn 1 shahaado ah loogu qiimeyn jirey lacag la'aan

. Laakin laga bilaabo 1 jaanyo 2025 taasi suura gal am aha maadaama aan lacag loo heynin. Laga bilaabo 1 janaayo 2025 waxaa qaxootiga Yukrayn shahaadada ku qiimeyn karaan iyagoo qarashka iska bixinaaya.

Maxaa ku jira qiimeynta shahaado?

Qiimeynta shahaado waa dhukumeenti oo ka kooban:

  • Magacaaga iyo taariikhda dhalashada.

  • Waxbarasho nocee ah aad so dhammaysey iyo mudada aay qaadatay.

  • Halkee iyo goormee aad qaaadatay waxbarashada.

  • Shahaadadee aad soo qaaday.

  • Taas oo heerka waxbarashada Nederlaanka shahaadaadu la mid tahay.

Qiimaynta Shahaado waxaa lagu qoray luuqada looga hadlo wadanka Nederland waxayna u saxiixantahay si dhijitaal ah.

Shahaadooyinkan waad qiimeyn kartaa

IDW isma barbardhigto dhammaan shahaadooyinka.

IDW waxay is barbardhigtaa shahaadooyinkan:

  • Shahaadooyinka heer qaran la aqoonsan yahay.

  • Shahaadooyinka tababarkooda ugu yaraan 1.000 saac socday.

IDW shahaadooyinkan isma barbardhigeyso:

  • Cadeymaha iyo shahaadooyinka tababarada gaagaaban iyo koorsooyinka.

  • Shahaadooyinka aan caalami ahaan loo aqoonsanayn.

  • Shahaadooyinka Nederlaan.

Waxaad heli kartaa qiimeyn tababarka aadan dhameystirin

Waxbarasho ma soo dhigatay, laakiin aadan dhameystirin? IDW taasina qiimeyn waxbarasho wey sameyn karaan. Taasi waa inaad ugu yaraan 1 sano aad waxbarashada soo dhameysatay.

Dokumentiyada waajibka ah

Si aad u weydiisato qiimeynta shahaadada waxaad si walba u baahan tahay dokumentiyada hoos ku qoran:

  • Koobi shahaadadaada oo aad rabto in la qiimeeyo

  • Koobi liiska nambarada aad keentay maadooyinka ee la socda shahaadadaada

  • Koobi baasaboorkaaga, shrcigaaga deganaansho ama aqoonsigaaga

Mar mar waa inaad dokumentiyo dheeraad ah u sii dejisaa, tusaale:

  • Koobiga tababarka bachelor-ka+ iyo liiska nambarada hadii aad qiimeynta shahaado aad u weydiisato tababarka master-ka

  • Koobiga foomka fasaxa haddii aad codsiga qof kale u sameyneyso.

Hadeysan dokumentiyada ku qornayn luqada Nederlaanka, Inglisjhka, Jarmalka ama Faransiska? Markaa waxaad u baahan tahay in la tarjumo iyadoo tajumaad la dhaariyey oo dokumentig ah. Ma heysataa iyadoo nuqul Inglishka ah? Markaa uma baahnid in yadoo la dhaariyey la tarjumo. Markaa koobi dokumentiyadaada luqada asliga iyo koobi Inglishka ayaa kaafi ah.

Ma heysatid dhamaan dokumentiyada mana heli kartid? Markaa weli waa weydiisan kartaa qiimeynta shahaadada. Waxay IDW fiirineysaa haddii ay qiimeynta shahaadada ay ka sameyn karaan dokumentiyada aad heysto.

Gebi ahaan ma heysatid dokumentiyada waxbarashadaada? Taasi markaa ku qor marka aad codsigaaga buuxineyso. Markaa waa inaad su'aalo dheeraad ah ka jawaabtaa oo waxbarashadaada ku saabsan. Waxaa IDW markaasi ay sameyn karaan 'Qiyaasid darajada waxbarashadaada'. Taasi waa qiyaasid darajada waxbarashadaada.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful